Dhabar-duridda foosha (epidural)
Siyaabaha kale ee loo xukumi karo xanuunka

Waxa jira siyaabo kale oo loo xukumi karo ama loo yareyn karo xanuunka wakhtiga foosha iyo dhalista. Waxa kale oo dhakhtarkaagu ku talin karaa:

  • taageerada wehelkaaga ama "doula"
  • jimicsiyo ah neefsasho iyo ka-fiirsasho
  • daweyn ah saxamo biyo ah oo la dhex galo, qubeys
  • duugis ama masaajo
  • dawo xanuun (xanuun-baabi'iye) lagu duro xidid ama muruq
  • hal qaadasho oo ah dawo lagu duro agagaarka xanguladaada (intrathecal narcotics).

Haddii aad qabtid su'aalo ama walaac, fadlan la hadal dhakhtarkaaga.

Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Dhabar-duridda foosha (epidural)

Dhabar-duridda foosha (epidural)

English:  Labor epidural

Dhabar-durista wakhtiga fooshu (labor epidural) waa hab lagu yareynayo xanuunka wakhtiga foosha. Hawlgalkan waxa qabta bixiye dawo suuxin oo laga yaabo inu yahay dhakhtarka dawada suuxinta (dhakhtar caafimaad) ama kalkaaliso dawo suuxin oo shahaado haysata.

Waxa u bixiyaha dawada suuxintu galinayaa katatiir yar (tuubo yar oo caag ah) dhabarkaaga hoose. Caarada tuubadu waxay ku joogsataa meel wax yar u jirta xangulada dhabarka. Meeshan waxa loo yaqaanaa banaanka xangulada. Dawooyinka loo isticmaalayo yareynta xanuunka foosha waxa laguu soo marinaya tuubada.

Waxa u bixiyaha dawada suuxinta fiirin doonaa diiwaankaaga oo ku weydiin doonaa su’aalo ku saabsan caafimaadkaaga iyo uurka. Waxa kale oo u rabi doonaa in la hubsado in dhabar duristu sax kugu tahay iyo inad fahamtay halisyada hawlgalka

Sida loo meeleeyo tuubada dhabarka lagu duro

  • Waxad u fadhiisan doontaa foorar ama waxad u jiifsan doontaa dhinac. epidural diagram 300
  • Waxa u bixiyaha dawada suuxinta si taxadir leh u nadiifin doonaa dhabarkaaga hoose ka-dibna waxa u kabuubyeyn doonaa maqaarkaaga. Waxa laga yaabaa inaad dareentid qaniinyo yar (oo ah qaniinyada kaneecada ama shinnida) mudo ah dhawr sekan.
  • Ka-dib marka maqaarku kabuubyoobo, waxa u bixiyaha dawada suuxinta u dhabarkaaga galin doonaa irbada dhabar durista. Waxad dareemi doontaa cadaadis.
  • Ka dib tuubada dhabar-durista ayuu dhex marin doonaa ama ay dhex marin doontaa irbadda. Waxad dhabarkaaga ka dareemi doontaa xanuun la moodoo nooca korontada kaasoo hoos u sii socon kara lugtaada. Tani waa caadi.
  • Ka-dib marka katatiirka lagu galiyo, waxa u bixiyaha dawada suuxintu kaa saari doonaa irbadda waxan u katatiirka ku dhejin doonaa dhabarkaaga hoose.

Saameynnada dhabar-durista wakhtiga foosha

Waxa aad yeelan kartaa saameynnadan soo socda:

  • Waxa hoos u dhici kara cadaadiska dhiiggaaga waxan aloo baahan doonaa in marar badan la fiiriyo. Haddii cadaadiska dhiiggaagu hoos u dhaco, waxa laga yaabaa in lagu siiyo dawo sare loogu soo qaadayo. 
  • Waxa laga yaabaa in laga bilaabo faraha cagahaaga ilaa xudinta aad ka dareentid diirimaad, jidhidhico iyo kabuubyo. Taasi waa caadi. 
  • Fool-qabashooyinkaagu waxay u eekaan doonaan kuwo intii hore ka gaaban oo ka xoog yar. Inta aad foosha ku jirtid waxa lagu siin doonaa dawo si aad u nafistid inta ilmuhu ka dhalanayo. Inta dawadu si buuxda u shaqeynayso waxay qaadanaysaa 20 daqiiqadood. 
    Hadafka dhabar-duristu waa inaad nafisaad ka heshid xanuunka. Dawada seexinta ee dhabar-durista ah waxay kaa yareyn doontaa xanuunka fool-qabashooyinka waxana ay kuu oggalaan doontaa inaad nafistid xilliga fooshaada. Dawooyinka dhabar-durista markasta lagama helo nafisaad buuxda.
  • Marka dawada dhabarka lagu siiyay hawlgasho, waa inaad sariirta jiiftid. Lugahaaga waxa ku dhacaya tabar-dari, sidaa daraadeed amaan kuuma aha inaad socsocotid. 
    Waxa laga yaabaa in tuubo loo yaqaano tuubada Foley (oo ah tuubo yar oo kale oo balaastig ah) la galiyo kaadi-haystaada si lagaaga soo daayo kaadida maadaama aanad sare kici karin oo aanad tagi karin mushqusha. 
    Tuubada Foley waxa lagu galinayaa ka dib dhabar-durista, caadi ahaanna ma laha xanuun.
  • Waxa kugu dhici kara cuncun. Waxa laga yaabaa in lagu siiyo dawo si cuncunka aad uga nafistid.

Ka dib marka ilmahaagu dhasho, tuubada dhabar-durista ayaa laga saari doonaa dhabarkaaga hoose. Si tartiib ah oo dhawr saacadood ah ayaa jidhidhicada iyo kabuubyadu kaaga tagi doonaan.

Faa'iidooyinka dhabar-durista wakhtiga foosha

Dhabar-durista Wakhtiga Foosha:

  • waxa laga helaa xanuunka oo laga nafiso wakhtiga foosha iyo wakhtiga dhalashada ilmahaaga 
  • waa u amaan ilmahaaga 
  • waxa loo isticmaali karaa suuxinta marka la sameynayo dhalmo qalitaan ah 
  • ka dib dhalista waxa loo isticmaali karaa qalitaanka xidhitaanka tuubada dhalmada (tuubo-xidhis).

Dhabar duristu ma soo kordhinayso suurtogalka inad u baahan doontid dhalid qaliin ah.

Halisyaha dhabar-durista wakhtiga foosha

Halisyaha suurogalka ah ee dhabar-durista wakhtiga foosha waxa ku jira kuwan soo socda.

  • Waxa kugu dhici kara madax-xanuun. (Hal ilaa 3 boqolkiiba ayuu ku dhacaa haweenka.)
  • Waxa laga yaabaa in dhabarkaaga hoose uu ka danqado barta laga galiyay tuubada.
  • Waxa dhici karta in cadaadiska dhiiggaagu hoos u dhaco.
  • Waxa kugu dhici karta halis yar (1 qof 150,000-kii qof) oo ah:
    • dhiig-bax ka dhaca agagaarka xanguladaada
    • caabuq u dhow xanguladaada
    • dhaawac gaadha xanguladaada.
  • Halista ilmahaaga ku iman kartaa waa mid yar. (Ilmahaaga waad naas-nuujin kartaa wakhtiga ugu soo horeeya ee aad diyaar tahay ka dib dhalista.)
  • Halisyaha dhifka ah waxa ka mid ah neefsashada iyo wadnaha oo joogsada iyo geeri ama dhimasho.

Siyaabaha kale ee loo xukumi karo xanuunka

Waxa jira siyaabo kale oo loo xukumi karo ama loo yareyn karo xanuunka wakhtiga foosha iyo dhalista. Waxa kale oo dhakhtarkaagu ku talin karaa:

  • taageerada wehelkaaga ama “doula”
  • jimicsiyo ah neefsasho iyo ka-fiirsasho
  • daweyn ah saxamo biyo ah oo la dhex galo, qubeys
  • duugis ama masaajo
  • cilaajka udgoonka
  • dawo xanuun (xanuun-baabi’iye) lagu duro xidid ama muruq
  • hal qaadasho oo ah dawo lagu duro agagaarka xanguladaada (intrathecal narcotics).

Haddii aad qabtid su’aalo ama walaac, fadlan la hadal dhakhtarkaaga.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Dhabar-duridda Foosha (Epidural), ob-somali-ah-13984
First Published: 12/15/2011
Last Reviewed: 07/01/2018