Ma ku haystaan dhibaatooyin caafimaad oo joogto ahi?
Cidda gargaar loo wacdo

Khadadka ama teleefonada wadanka oo dhan loogu talogalay:

  • 1-800-799-7233 (SAFE) (xumeynta guriga dhexdiisa ah)
  • 1-800-656-4673 (HOPE) (kufsiga, xumeynta, faro-xumeynta ehelka dhow)
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Ma ku haystaan dhibaatooyin caafimaad oo joogto ahi?

woman 144720294 682x408

Marmarka qaarkood caafimaadka xun waxa keeni kara xaaladdo iyo xidhiidh welwel iyo dhib badan.

Maxaa jidhka ku dhici kara marka xidhiidhka qof lala leeyahay yahay mid caafimaad xun

Jidhka waxa suurogal u ah inuu wax barto oo uu u adkaysto welwelka iyo dhibka. Welwelka qaarkii wuu wanaagsan yahay, laakiin welwelka faraha badani waa caafimaaddaro.

Waxa caadi ah in dhibaatooyin caafimaad oo culus qofka ku dhacaan marka qofka noloshiisu welwel badan tahay.

Welwelka joogta ah ee u leeyahay xidhiidh caafimaad-darani waxa uu jidhka u keeni karaa dhaawac, kaasoo sababaya dhibaatooyin caafimaad oo badan oo mudo dheer jira sida dhibaatooyin caloosha ah, madax-xanuun, xanuun iyo diiqad ama niyad-xumo.

Marmarka qaarkood caafimaadka xun waxa keeni kara xaaladdo iyo xidhiidh welwel iyo dhib badan.

Goobtan daryeelka caafimaadku waa meel amaan ah oo laga helo gargaar. Xaaladdaada qof kala hadal — weydii dhakhtarkaaga ama kalkaalisadaada in lagu caawiyo ama meel kale laguu gudbiyo.

Hay’ado beeleed oo badan ayaa bixiya gargaar daryeel leh oo ah bilaash iyo qarsoodi. Qofna uma sheegaan waxa uu sameyn lahaa waxana ay yaqaanaan adeegyo badan oo faa’iido leh.

Marka xidhiidh caafimaad-darani jiro

Marka xidhiidh caafimaad-darani jiro:

  • waxa aan jirin aaminaad iyo isu furfurnaasho ka dhexaysa labada qof
  • hal qof ayaa qofka kale ku isticmaala awood iyo xukun
  • hal qof ayaa qofka kale u keena waxyeello ah jidhka, galmada iyo/ama niyadda

Calaamadaha xidhiidh caafimaaddaran

Qofka xukunka haystaa:

  • uma oggolaado qofka kale inuu shaqo tago
  • waxa uu xukumaa dhaqaalaha
  • waxa uu qofka kale ka qaadaa fureyaasha baabuurka
  • waxa uu wehelkiisa ka joojiyaa inuu arko saaxiibada iyo qoyska
  • waxa uu qofka ku sharaf dilaa cay, yasid ama quudhsi iyo aflagaado
  • waxaa uu yahay qof aad u hinaase ama masayr badan
  • waxa uu wehelka u diidaa inuu arko dhakhtark
  • waxa uu ku hanjabaa inuu carruurtaa qaato, isagoo wehelkiisa ku leh mar dambe ma arki doontid
  • waxa uu ku hanjabaa: inuu ka tago wehelkiisa, dilo ama waxyeello u geysto wehelkiisa ama carruurta
  • waxa uu ku hanjabaa inuu is dilo ama nafta iska jaro
  • waxa uu waxyeellaa ama soo tuuraa xayawaanka qoyska
  • waxa uu dhirbaaxa, feedhaa, ama riixa qofka
  • waxa uu cunaha qabtaa ama ceejiyaa ama jiidaa wehelkiisa
  • waxa uu qofka kale ugu hanjabaa hub
  • waxa uu doonaa galmo oggolaansho la'aan
  • waxa ku dhaqmaa nooc galmo oo xanuun

Haddii dhibaatooyinkaasi ku haystaan, waxa muhiim ah inaad ogaatid rumeysatidna

Adigu ma lihid khaladka.

  • Ma istaahishid in sidaa oo kala laguula dhaqmo.
  • Ma tihid qof kaligii ah.
  • Waxa aad tahay qof wanaagsan.
  • Ma tihid waxa uu leeyahay wehelkaagu waad tahay.

Waxa aad xidhiidhkiina ku leedahay xuquuq

Waxa aad xaq u leedahay:

  • inaad adigu go'aansatid wixii adigu muhiim kuu ah
  • inaad muujisid dareenkaaga iyo ra'yigaaga
  • in lagu dhageysto hadalkaagana la qadariyo
  • in lagu weydiiyo wixii aad dooneysid
  • inaad "maya" ka tidhaahdid wax kasta oo aanad dooneynin, iyo inaanad isu qaadan dambiile
  • inaad khalad sameysid
  • inaad isbeddel sameysid kortidna
  • inaad yeelatid xidhiidh leh jaceyl, ixtiraam iyo sinaan
  • inaad xor ka ahaatid cabsi

Badanaa…

Badanaa marka noloshaadu welwel badan tahay waxa aad yeellataa dhibaatooyin caafimaad oo culus. Waxa kuwaa ka mid ah:

  • madax-xanuun mudo dheer jira
  • dhibaatooyin caloosha ah oo mudo dheer jira
  • cudur-qaadis fara badan
  • xanuun dhabarka, laabta, caloosha ama misigta ah
  • diiqad:
    • ka-fiirshada oo la awoodi kari waayo
    • cuntada oo aan la damcin ama nafsad loo haynin
    • heerka tamarta oo hooseeya
    • murugo

Marmarka qaarkood…

Maskaxdaada, jidhkaga iyo qalbigaagu aad bay isugu xidhan yihiin. Taasi waa ta keenaysa isbeddel jidhka ku dhaca marka noloshaadu xun tahay.

Marmarka qaarkood nolol welwel badan oo xun waxa sabab u ah waxa weeye xidhiidh caafimaad-daran.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Ma ku haystaan dhibaatooyin caafimaad oo joogto ahi? (Are You Suffering From Persistent Health Problems?), gen-somali-ahc-13008
First Published: 11/14/2003
Last Reviewed: 11/14/2003