Ilmahaaga dhawaan dhashay ee naaska jaqa ma siin kartaa mujuruca aamusiinta?
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

mother child photo for torticollis page

Marka uu sii kordho wakhtiga uu nuunuugu isticmaalayo mujuruca aamusiinta, waxa sii yaraada wakhtiga uu nuunuugu jaqayo naaska taasoo jidhka hooyada u sheegaysa inuu sameeyo kayd caano oo buuxa.

Ilmahaaga dhawaan dhashay ee naaska jaqa ma siin kartaa mujuruca aamusiinta?

English: Should you give your breastfed newborn a pacifier?

Hal go'aan oo la rabo inaad gaadhid waa inaad ilmahaaga dhawaan dhashay siin kartid mujuruca aamusiinta iyo in kale. Tani waa doorasho shakhsi. Si lagaaga gargaaro inaad go'aansatid waxa u fiica adiga iyo nuunuugaaga ama ilmahaaga yar, fadlan u fiirso macluumaadka soo socda.

Ku talin

Akadhamiyada Dhakhaatiirta Caruurta ee Maraykanka (American Academy of Pediatrics) waxay ku talinaysaa in la sugo ilaa nuunuuga la naas nuujiyo ka gaadhayo 3 ilaa 4 todobaad ka hor inta aan la siin mujuruca aamusiinta. Wakhtigaas marka la gaadho, naas-nuujintu badanaa si wacan bay u socotaa.

Mujuruca aamusiinta oo la siiyo nuunuuga marka yara weynaaday ma keeni doonto wax dhibaato ah oo ku saabsan naas-qabsashada iyo naaska oo uu si haboon u jaqo.

Walaacyo ku saabsan isticmaalka mujuruca aamusiinta

Marka uu sii bato wakhtiga aad ilmahaaga dhawaan dhashay naas nuujisid inta lagu jiro dhawrka todobaad ee ugu horeeya nolosha ilmaha, waxa sii kordhaya caanaha aad sameysid. Mujuruca aamusiinta oo si joogto ah loo isticmaalo todobaadyada ugu horeeya waxay yareyn doontaa wakhtiga aad naaska nuujisid. Taasi waxay keeni kartaa inuu yaraado kaydka caanuhu waxana ay gaabis ka dhigaysaa in miisaan u kordho ilmaha.

Jiqista murujuca aamusiinta way ka duwan tahay jiqista naaska. Waxa laga yaabaa in ilmahaaga dhawaan dhashay uu isku dayo inuu u jaqo naaska isla sida uu u jaqo mujuruca aamusiinta. Taasi waxay keeni kartaa ibta naaska oo danqata.

Cilmi-baadhis ayaa heshay in mujuruca aamusiinta oo la isticmaalo mudada dhawaan dhalashada ay kordhiso suurtogalka in ilmuhu goor hore ka go'o naaska.

Quudinta isku urursan

Wakhti caadi ah oo la is weydiiyo in nuunuugaagu u baahan yahay mujuruca aamusiinta waa marka dhawaan-dhaladkaaga aad moodid in aannuu xasilin oo uu weydiisanayo in la quudiyo marrar badan. Tani waa dabeecad u caadi ah dhawaan-dhaladkaaga waxana lagu sharaxay quudin isku urursan (cluster feeding). Waxay badanaa dhacdaa fiidkii iyo wakhtiga habeenka. Laakiin waxay dhici kartaa wakhti kasta oo ah maalinta.

Nuunuugaaga oo aad naaska siisid wakhtiyadaas “quudinta isku urursan” waxay gargaar ka geysataa in caanahaagu dhakhso u yimaadaan. Waxa kale oo ay gargaar ka geysataa inuu sameyso kayd caano oo haqabtiraysa dhammaan baahiyaha ilmahaaga iyo inuu si fiican u koro maalmaha iyo todobaadyada soo socda.

Ka dib quudin fiican waxa aad dareemi kartaa in nuunuugaagu u baahan yahay kaliya xoogaa ah jiqis raaxo. Waxa aad siin kartaa fartaada si aad gargaar uga geysatid in ilmahaagu xasilo.

Waxa kale oo fiican inaad nuunuugaaga ku haysid naaska si uu u helo xoogaa ah jiqis raaxo. Marka ilmahaagu si fiican u qabsado naaska, ma sababi doonto ib naas oo danqasho leh.

Haddii aad dooratid inaad isticmaashid mujuruca aamusiinta todobaadyada hore, isticmaal wakhtiga ugu yar ee suurtogal ah.

Cidda la waco marka su'aalo la qabo

Haddii aad qabtid su'aalo ama walaacyo ku saabsan caafimaadka nuunuugaaga (oo uu ku jiro quudinta iyo korodhka miisaanka), la hadal bixiyaha daryeel caafimaad ee nuunuugaaga.

Haddii aad qabtid su'aalo ama walaacyo ku saabsan naas-nuujinta, la hadal la-taliyahaaga naas-nuujinta.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Ilmahaaga Dhawaan Dhashay ee Naaska Jaqa Ma Siin Kartaa Mujuruca Aamusiinta?, ob-somali-ah-15424
First Published: 06/15/2012
Last Reviewed: 06/15/2012