Daryeelista cagaha, maqaarka iyo ilkaha
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Daryeelista cagaha, maqaarka iyo ilkaha

English: Caring for your feet, skin and teeth when you have diabetes

Waxa aad u baahan tahay inaad si dheeraad ah u daryeeshid cagahaaga iyo lugahaaga. Gulukoosta dhiigga oo sareys waxay dhaawac u keeni kartaa dareemeyaasha iyo xididada dhiigga ee ku jira cagahaaga iyo qaybaha hoose ee lugaha Waxa kale oo aad u baahan tahay inaad daryeeshid maqaarkaaga iyo ilkaha si aad uga hortagtid caabuqid Sonkorowgu wuxu keeni karaa dhibaatooyin ah xagga qulqulka dhiigga, sida cabuqiddu u bogsato, iyo sid dareemeyaasha ay dhambaalada ugu tabiyaan qaybaha kala duwan ee jidhka.

Maalin ku samee cagahaaga

  • Cagahaaga maalin kasta ka eeg nabaro, jeexjeex, dilaacyo ama meelo biyo leh. Isticmaal muraayad gacan am weydiiso qof qoyska si xagga hoose ee cagahaaga loo fiiriyo.
  • Cagahaaga ku dhaq biyo wax yar diiran maalin kasta. Ha radin cagahaaga sababta oo waxay qallajinaysaa cagahao keeni kartaa dhibaatooyin sida dilaacid. Si fiican u qalaji.
  • Labeen mari maqaarka cagaha ee qalalan, laakiin ha marin inta u dhexeysa faraha cagaha.
  • Gasho kabo iyo sharabaado haboon, xiitaa marka aad gudaha guriga joogtid.
  • Markasta gudaha kabahaaga ka eeg meelo madhay ama wax sababi kara nabar ku dhaca cagahaaga.
  • Si toos ah u goo cidiyaha faraha cagaha isla markaana geesaska fiiqan isku sin.
  • Cagahaaga ka badbaadi xaaladaha kulul ama qabow. Cagahaaga ha ku saarin qalab kululeyn ama dhalooyinka biyaha kulul.

Daryeelka guud ee maqaarka

  • Maalin kasta qaado qubeys fadhi ah ama sare joog ah adiga oo isticmaala saabuun khafiif ah iyo biyo wax yar diiran.
  • Isticmaal looshan ama labeen loogu talogalay maqaarka qallalan, laakiin ha marin inta u dhexeysa faraha cagaha.
  • Isticmaal qorrax-celiye (sunscreen) haddii aad joogaysid qorraxda.

Ilkahaaga maalin kasta

  • Ugu yaraan laba jeer burushee maalintii iyo markasta ka hor inta aanad seexan.
  • Mari xadhko (floss) si ay huurada uga saaraan ilkaha dhexdooda.
  • Ilkaha ha kuu nadiifiyo oo ha hubiyo dhakhtar ilko 6 bilood kasta.
  • Ha qiijin sigaar. Tani waxay yareysaa socodka dhiigga oo sababta dhibaatooyin ah ciridka.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, La Noolaanshaha Sonkorowga, dia-somali-ah-23909 (For an English version, see Living with Diabetes, dia-ah-23911.)
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 09/15/2016