Caanaha masaasada ama dhalada ma siin kartaa dhawaan-dhaladkaaga naaska la nuujiyo ee caafimaad qaba?
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

obhomecare post partum
Akadhamiyada Dhakhaatiirta Caruurta ee Maraykanka (American Academy of Pediatrics) (AAP) waxay ku talinaysaa in kaliya la siiyo caanaha naaska lixda bilood ee ugu horeeya nolosha.

Caanaha masaasada ama dhalada ma siin kartaa dhawaan-dhaladkaaga naaska la nuujiyo ee caafimaad qaba?

English:  Should you give formula to your healthy breastfed newborn?

Waa muhiim inaad si fiican uga warqabtid doorashooyinka aad u sameyn kartid nuunuugaaga. Ka hor inta aanad siin nuunuugaaga wax masaasad ama dhalo lagu siiyo oo dheeraad ah, waxa jira waxyaabo muhiim ah oo la rabo inaad ogaatid sida ay sheegtay Akadhamiyada Dhakhaatiirta Caruurta ee Maraykanka (American Academy of Pediatrics) (AAP).

Ku talin

Waxay AAP ku talinaysaa in kaliya caanaha naaska la siiyo nuunuuga lixda bilood ee ugu horeeya nolosha. Waxa kale oo ay AAP sheegaysaa inaan waxyaabo dheeraad a (biyo cad, biyo sonkor leh ama caano masaasad/dhalo) la siin ilmaha yar ee naaska nuuga haddii aanay jirin baahi caafimaad.

Walaacyo ku saabsan siinta caano masaasad/dhalo

Sida ay sheegtay AAP, caanaha masaasaddu way ka adag yihiin caanaha naaska waana ku sii dhib in nuunuugu dheefshiido. Tani waxay keeni kartaa in nuunuugu yeesho calool-istaag ama shuban.

Soo-saarista caanuhu waxay ku xidhan tahay kayd iyo weydiisasho. Sida ay sheeegtay AAP:

  • Marka ay korodho naas-nuujinta nuunuuga waxa sii fiicnaada kaydka caanaha hooyada.
  • Nuunuuyada waxa laga yaabaa inay yareeyaan naas nuugista haddii la siiyo caanaha masaasadda.
  • Marka ay yaraato inta jeer ee nuunuugu naaska jaqo, waxa yaraada caanaha naasku sameeyo. Tani waxay keeni kartaa in ilmuhu goor ka go' naas-nuujinta.

Marka nuunuuga la siiyo caano ku jira dhalo ama masaasad, nuunuugu si ka duwan sida naaska ayuu u jaqaa. Waxa laga yaabaa dhawaan-dhaladku isku dayo inuu naaska u jaqo isla sida uu u jaqo ibta masaasadda. Tani waxay keeni kartaa in ibta hooyooyinka danqadaan.

Naas-nuujinta kaligeed ah waxay yareysaa cudurada

Cilmi-baadhis ayaa heshay in ilmaha yar ee la siiyo kaliya caanaha naaska ay ka caafimaad badan yihiin ilmaha kale sida ay sheegtay AAP. Ilmahaasi naaska la nuujiyo waxa ku yaraada halista cudurada soo socda:

  • caabuqyo dhegaha ah
  • neef/asma
  • barankiito
  • calool xanuun
  • canbaar
  • xasaasiyad/alerjiyo
  • sonkorow/macaan
  • cayil xad dhaaf ah
  • kaansarada caruurta
  • caabuqyo ah caloosha

Cidda la waco marka su'aalo la qabo

Haddii aad qabtid su'aalo ama walaacyo ku saabsan caafimaadka nuunuugaa (oo uu ku jiro quudinta iyo korodhka miisaanka), la hadal bixiyaha daryeel caafimaad ee ilmahaaga.

Haddii aad qabtid su'aalo ama walaacyo ku saabsan naas-nuujinta, la hadal la-taliyahaaga naas-nuujinta.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Caanaha Masaasada ama Dhalada ma Siin Kartaa Dhawaan-dhaladkaaga Naaska la Nuujiyo ee Caafimaad Qaba?, ob-somali-ah-15529
First Published: 06/15/2012
Last Reviewed: 06/15/2012