Ciladda midab hurdi/jaale ah ee ilmaha dhawaan dhashay
jaundice290x218
Calaamadaha Cagaarshow waxay bilaabmi karaan goor danbe oo shan ilaa todobo maalmood dhalashada ka dib ah. Waxaa u badan oo cunugu cagaarshow lagu arkaa inta u dhexaysa 3 ilaa 7 beri jir.
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Ciladda midab hurdi/jaale ah ee ilmaha dhawaan dhashay

Waa maxay ciladda midab hurdi?

English: Newborn jaundice

Ciladda midab hurdi waa maqaarka, cadaanka indhaha iyo jidhka ilmahaaga dhashay oo hurdi/jaale noqda. Waxa tan sababa walaxda loo yaqaano bilirubin (burburka caadi ah ee unugyada cascas ee dhiigga) ee ku jira marinka dhiigga ee ilmahaaga dhawaan dhashay.

Inta aad uur leedahay, beerkaaga ayaa saara bilirubinka ilmahaaga. Ka dib dhalashada, tirada unugyada cascas ee dhiigga ilmahaaga way sareysaa. Dhakhso ayay unugyadaas cascas ee dhigga u burburaan laakiin beerka ilmahaagu ugama shaqeyn karo dhakhsaha uu beerkaagu uga shaqeyn jiray. Ka dib waxa uu bilirubinku ku degaa ama fadhiistaa maqaarka.

Sidee baa ciladda midab hurdi u eeg tahay?

Waxa laga yaabaa in maqaarka iyo cadaanka indhaha ee ilmahaagu u eekaadaan hurdi/jaale. Ciladda midab hurdi waxay caadi ahaan ka bilaabantaa wajiga waxana ay ku sii fidaa inta hoose ee jidhka. Habka ugu fiican ee lagu arki karo midabka hurdiga ah waa iftiinka qorrraxda ama itiinka nal ah "fluorescent."

Midabku wuu iska tagaa marka beerka ilmahaaga saaro unugyada cascas ee dhiigga ee burburay iyaga oo soo raacaya kaadida ama saxarada.

Goorma ayaa ciladda midab hurdi soo bixi kartaa?

Ilmahaagu waxa uu yeelan karaa ciladda midab hurdi inta uu ku jiro cisbitaalka ama ilaa dhawr maalmood ka dib dhalashada. Calaamaduhu waxay bilaabmi karaan goor dambe oo ah shan ilaa todobada maalmood ka dib dhalashada.

Ciladda midab hurdi ma arrin culus baa?

Ilmo badan ayaa waxa ku dhici doona ciladda midab hurdi. Inta badan ciladda midab hurdi waa mid khafiif ah umana baahna in la daweeyo.

Xaaladaha sii culus ee ah ciladda midab hurdi waxay keeni karaan dhibaatooyin caafimaad oo culus waxana loo baahan yahay in la daweeyo.

Sidee loo baadhaa ciladda midab hurdi?

Haddii ilmahaaga ay ka muuqato calaamadaha ciladda midab hurdi inta uu ku jiro cisbitaalka, dhakhtarkaagu waxa uu ilmahaaga ka qaadi doonaa baadhitaan dhiig ama maqaar. Baadhitaankaasi waxa uu cabiri doonaa qadarka bilirubin ee ku jira dhiigga ilmahaaga.

Dhakhtarkaagu waxa uu baadhi doonaa ilmahaaga iyada oo ku xidhan:

  • da'da
  • qadarka ciladda midab hurdi
  • midabka maqaarka (taasoo ciladda midab hurdi ka dhigaysa mid fudud ama adag in la arko).

Sidee loo daweeyaa cilad midab hurdi?

  • Ilmahaaga sii caano naas ama caano dhalo oo intii hore ka badan. Quudintaasi waxay xiidmaha ilmahaaga ka gargaaraysaa inay keenaan saxaro intii hore ka badan. Waxa uu bilirubin soo raacaa saxarada iyo kaadida.
  • Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu rabo in ilmahaagu wakhti ku hoos qaato nalal gaar ah oo ka gargaara burburinta bilirubin. Nalalkaasi waxay u eeg yihiin nalalka ah "fluorescent" ama waxay qayb ka yihiin buste gaar ah oo ah "fiberoptic."

Ma loo baahan yahay booqasho ah la-sii-socod?

Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu rabo inaad u soo laabatid booqasho ah la-sii-socod haddii:

  • ilmahaagu dhashay goor hore (ka hor 37 todobaad)
  • uu yeeshay ciladda midab hurdi gudaha 24 saac ka dib dhalashada, aanuu si fiican u jaqaynin naaska
  • uu burbur ama dhiig-bax ku leeyahay dhakada hoosteeda ka dib dhalashada
  • uu jiro walaal lahaa ciladda midab hurdi oo daran.

Sidee baa guriga loogu daryeelaa ciladda midab hurdi?

Haddii ciladda midab hurdi ee haysata ilmahaaga ay keenayso in guriga lagula tacaalo, waa inaad in intii hore ka badan naaska nuujisid ama siisid caano dhalo oo intii hore ka badan. Haddii aad naaska nuujisid, ilamahaaga naaska nuuji sideed ilaa 12 jeer maalin kasta inta lagu jiro todobaadka ugu horeeya. Taasi adiga waxay kaa gargaari doontaa inaad yeelatid caano intii hore ka badan waxana ay gargaar ka geysan doontaa in heerarka bilirubin ee ilmahaaga hoos u dhacaan.

Haddii dhakhtarkaagu rabo inaad ilmahaaga hoos jiifisid nalal cilaaj ah, kalkaalisada ayaa kaa gargaari doonta in taas la diyaariyo. Nalalka waxa laguugu keeni doonaa guriga waxana rakibi doonaa cidda aad ka dooratid adeegyada caafimaadka ee guriga.

Waa in aanad ilmahaaga dhawaan dhashay u dhigin iftiinka qorraxda—ha ahaato dibadda ama gudaha. Haddii dibadda qorraxda loo dhigo, waxa dhici karta in ilmahaaga ay gubto qorraxdu. Haddii aad dhigtid gudaha dhar la'aan, waxa dhici kartaa in ilmahaagu dhaxamoodo.

Mudo intee leeg ayuu jiraa ciladda midab hurdi?

Haddii aad naas nuujisid, waxay ciladda midab hurdi jiri kartaa wax ka badan laba ilaa saddex todobaad. Haddii aad dhalo caano ku siisid, waxay ciladdu ku tagi kartaa laba todobaad.

Inkasta oo ciladda midab hurdi ay ku sii badan tahay ilmaha naaska la nuujiyo, haddana waxay taasi badanaa dhacdaa haddii ilmuhu aanuu si fiican u nuugin naaska. Caanaha naaska ayaa ugu fiican ilmahaaga.

Goorma ayay tahay inaad wacdid dhakhtarkaaga?

Wac dhakhtarkaaga si aad u sameysatid ballan haddii:

  • midabka hurdiga ah uu ka fido madaxa oo gaadho lugaha ama cagaha
  • haddii ilmahaagu uu qalalay:
    • uu kaajo wax ka yar saddex jeer gudaha 24 saac
    • uu leeyahay dibno iyo af qalalan
    • uu leeyahay indho godan ama hoos u degay.
  • haddii ilmahaagu qabo qandho ka badan 100.4 darajo F oo ah malawadka
  • uu midabka hurdiga ah jiro wax ka badan 14 maalmood
  • haddi aanad ilmaha u toosin karin quudin.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Ciladda Midab Hurdi/Jaale ah ee Ilmaha Dhawaan Dhashay (Jaundice), ped-somali-ah-14952
First Published: 02/15/2010
Last Reviewed: 02/15/2010

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.