Halis ma u tahay sonkorow?
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Halis ma u tahay sonkorow?

Waa maxay sonkorow?

English: What is diabetes?

Sonkorowgu waa xaalad jirta inta uu nool yahay qofka qaba oo aan la bogsiin karin laakiin waa la xakameyn karaa. Haddii aad qabtid sonkorow, jidhkaaga waxa dhibaato ka haysataa inuu isticmaalo tamarta ka imanaysa cuntooyinka aad cuntid. Tamartani waxa ay ka timaadaa dhammaan cuntooyinka, oo ay ku jiraan karbohaydraytyada (daqiiqleyda iyo sonkorta), borootiinta iyo dufanka.

Ka dib marka aad cunto cuntid, karbohaydraytayada waxa loo rogaa gulukoos (sonkor) ay unugyada jidhkaagu u isticmaalaan shidaal ahaan. Marka aad qabtid sonkorowga nooca 2, jidhkaaga waxa dhibaato ka haysataa inuu gulukoosta ka saaro dhiiggaaga oo geeyo unugyadaada. Tani waxa ay sababtaa in heerarka gulukoosta ee dhiiggaagu sare u kacaan.

Dadka qaba sonkorow waxay halis u yihiin cilado culus sida:

  • cudur indhaha ah
  • cudur kelyo
  • waxyeelo gaadha dareemeyaasha ama nerfaha
  • cudur wadne
  • caabuqyo

Daweynta sonkorowga waxa ka mid ah cunto caafimaad leh, jimicsi, heerarka gulukoosta oo si soke loola socdo, ballamo daryeel caafimaad oo joogto ah iyo dawooyin haddii loo baahdo. Qorsheyaasha daweyntu waxay ku xidhan yihiin nooca sonkorowga. Daryeelka fiicani waxa uu ka hortagi karaa ama yareyn karaa darnaanta dhibaatooyinka iyo ciladaha.

Qodobada halis u ahaanta ee sonkorowga

Haddii aanad qabin sonkorow, waxa laga yaabaa inaad halis u tahay. Qodobada halis u ahaanta ee qofka waxa ka mid ah:

  • taariikh qoys oo leh sonkorow (waalid ama walaal ayaa qaba cudurka)
  • miisaankaaga oo sareeya
  • cadaadis dhiig oo sareeya: 130 ama ka sareeya (tirada sare) ama 80 ama ka sareeya (tirada hoose)  
  • kolesterool sareeya ama "triglycerides" sareeya  
  • firfircooni la'aan (jimicsiga oo yar ama joogto ahayn)  
  • sonkorowga uurka (sonkorow kugu dhaca adiga oo uur leh)

Kooxo sinjiyeedka qaarkood ayaa halis sare u ah sonkorowga. Waxa kuwaas ku jira AfrikaanAmeerikanka, Ameerikanka Dhulka Loogu Yimi, Hisbaanigga, Ayshiyan-Ameerikanka iyo Dadka Jasiiradaha Baasiifigga.

Calaamadaha iyo astaamaha sonkorowga

  • haraad soo kordhay
  • kaadida oo tiro badan
  • tamarka oo si yaraatay
  • lumid miisaan oo aan sababtiisa la garanayn
  • maqaar qallalan
  • arag isku darsamay
  • gaajo
  • caabuqyo khamiir oo tiro badan
  • nabaro aan bogsanayn
  • gacmo iyo cago leh kabuubyo

Waa muhiim inaad ogaatid in dadka qaarkood aanay lahayn wax ah astaamaha sonkorowga xiitaa haddii ay yeesheen cudurka.

Garashada ciladda sonkorowga

English: Diagnosing diabetes

Sonkorowga laguma garan karo calaamado iyo astaamo. Waa in lagaa qaado baadhitaan si loo cabbiro heerka gulukoosta dhiiggaaga si loo ogaado inaad qabtid sonkorow.  

Haddii aad u maleynaysid inaad halis u tahay ama aad qabtid calaamadaha sonkorowga, weydiiso bixiyahaaga daryeelka caafimaadk in lagaa qaado baadhitaan gulukoos dhiig oo ah adiga oo sooman. Kani waa baadhitaan dhiig oo fudud oo qaadanaya kaliya dhawr daqiiqadood.

Yareynta halistaada

Waxa jira dhawr talaabo oo fudud oo aad qaadi kartid si aad u yareysid halista inaad yeelatid sonkorow:

  • Dhaqdhaqaaq samee. 
    Socodku waa jimicsi aad u fiican oo u baahan kaliya laba kabo. Ama, raadi wax kale oo oo aad raali ka tahay inaad u sameysid si joogto ah. Wax kasta oo aad dooratid, si tartiib ah u bilaw oo si tartiib ah u gaadhsii 30 daqiiqadood maalintii, 5 maalmood todobaadkii.  
  • Yaree miisaanka haddii aad u baahan tahay. 
    Xiitaa 5 illaa 10 rodol oo kaa luma waxay yareyn kartaa halista inaad yeelatid sonkorow.  
  • Hagaaji cuntadaada. 
    Cun cuntooyin kala duwan oo caafimaad leh oo ay ku jiraan:
    • furut
    • khudaar
    • xabuub kaamil ah
    • caano iyo wax laga sameeyay oo aan dufan lahayn ama dufan yar
    • borootiin aan baruur lahayn sida kalluun, digaag laga saaray maqaarka, cuntada badda iyo borootiinka soy
    • dufannada caafimaad leh sida saliidda oliifka, saliidda kanoola, yicib, iniinyo iyo afokaadho

Iska ilaali sharaabka lagu macaaneeyay sonkor, yaree cuntooyinka la warshadeeyay oo yareeya qaybta aad cuntada ka cuntid.

Booqo barta choosemyplate.gov si aad wax uga baratid kooxaaha cuntada, inta ay tahay inaad koox cunto kasta ka cuntid, iyo talooyin iyo adeegyo.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health Patient Education, Halis Ma u Tahay Sonkorow? (Are You at Risk for Diabetes?) dia-somali-ah-16694
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 05/01/2018