Barnaamijka Iskaashiga Bukaanka iyo Qoys

Waad ku mahadsantahay inaad ka fiirsatidnoqoshada la-taliye Allina Health!
Si loo noqdo la-taliye oo waayaha daryeelka loogu fiicneeyo bukaanka mustaqbalka, buuxi foomka codsiga.

Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health

Barnaamijka Iskaashiga Bukaanka iyo Qoys

English: Patient and Family Partnership Program

Codka bukaanka iyo qoyska oo lagu daro adeegyada iyo barnaamijyada waxay Allina Health ka caawisaa in la bixiyo daryeel leh tayo sare oo bukaanka ugu horeysiisa. Hal hab oo Allina Health ay tan ku qabato waa Barnaamijka Iskaashiga Bukaanka & Qoyska. Barnaamijkani wuxu raadiyaa in bukaanka iyo qoysku noqdaan la-taliyeyaal nala wadaaga ra'yigooda si loo caawiyo habka aanu u bixino daryeelka.

La-taliyeyaashu waxay fursad u heli doonaan inay:

  • Allina Health u sheegaan waxa ugu muhiimsan marka laga fiiriyo xagga bukaanka ama qoyska
  • ka caawiyaan Allina Health in la fiicneeyo daryeelka iyo sida loo bixiyo
  • gartaan aagaga ay tahay in loo fiirsado si loo fiicneeyo
  • ay u-doodeyaal u noqdaan horumarinta iyo fiicneynta daryeelka.

Fursadaha ka-qaybgalka waxa ka mid ah:

  • in iskaashi lala yeesho shaqaalaha Allina Health si loo hago dedaalada fiicneynta ee la xidhiidha aag daryeel oo gaar ah ama xaalad caafimaad
  • in la bixiyo warcelin, soo-jeedinno iyo xalal ku saabsan mawduucyo gaar ah sida isgaadhsiinta, ammaanka iyo waxbarashada bukaanka
  • in wada-hadal lagala qaybgalo bukaanka kale ee Allina Health iyo xubnaha qoyska.

Allina Health waxay bixisaa adeegyo ah gargaar luqad (oo ay ku jiraan turjubaano tayo xirfadleah, qalab gargaar dhegaysi, alaab gargaar iyo qoraalo bukaan oo turjuman) oo loogu talogalaydhammaan bukaanka iyo cidda wehelisa ee aqoonta Ingiriisigu ku yar tahay (limited Englishproficiency - LEP), dhego-la' ama dhego culus ama dhego iyo indho la', iyada oo aan kharashlaga qaadin. Haddii aad turjubaan u baahan tahay, fadlan u sheeg shaqalaaha Allina Health si loosameeyo ku-talogal oo laguugu adeegyo habka ugu fiican.