Sonkorowga uurka
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Sonkorowga uurka

Guudmarka sonkorowga uurka

English: Gestational diabetes overview

Waxay u badan tahay inaad maqashay sonkorow ama macaan, oo aad u taqaanid inuu yahay cudur jira nolosha oo dhan. Waxa jira dhawr nooc oo ah sonkorow, badi noocyadiisuna waxay jiraan nolosha qofka oo dhan.

Sonkorowga uurku:

  • wuxu yimaadaa kaliya inta la leeyahay uur
  • caadi ahaan wuu iska tagaa ka dib marka ilmuhu dhasho
  • badanaa ma laha wax ah astaamo muuqda

Inta la leeyahay uurka, hormoono muhiim ah oo loogu baahan sababta oo ah korniinka ilmaha ayaa qas galiya insulinta. Taasi waxay ku dhacdaa dhammaan dumarka inta lagu uurka, laakiin badi dumarka jidhkoodu wuxu sameyn karaa insulin dheeraad ah oo ku filan si heerarka gulukoosta dhiiggooda loo xakameeyo.

Marka aad qabtid sonkorowga uurka:

  • Jidhkaaga waxa dhibaato ka haysataa inuu sameeyo insulinta dheeraad ah ee loo baahan yahay
  • Heerarka gulukoosta dhiiggaaga ayaa noqda kuwo ka sareeya caadiga.
  • Gulukoosta dheeraadka ah waxa loo gudbiyaa ilmahaaga uurka ku jira.

Xusuusnow, tani adiga uma aad sababin naftaada iyo ilmahaaga — inta badan sonkorowga uurka waxa keena sababo aan la sharixi karin.

Sonkorowga uurku wuxu saameyn karaa ilmahaaga

English: How can gestational diabetes affect your baby?

Sonkorowga uurka ee aan la daweyn wuxu:

  • sababi karaa in ilmahaagu uu gulukoosta dheeraadka ah u kaydiyo dufan ahaan oo uu yeesho miisaan dhalash oo ka sareeya caadiga. Taasi waxay dhibaatooyin dhalid u keeni kartaa adiga iyo ilmahaaga.
  • sababi karaa in ilmahaagu ku dhasho gulukoos dhiig oo hooseysa (oo la yidhaahdo hibogilisiimiya (hypoglycemia)

Maamulista sonkorowga uurka

English: How is gestational diabetes managed?

Hadafka maamulista sonkorowga uurka waa in heerarka gulukoosta dhiiggaaga lagu hayo gudaha tiro "caadi"  ah uurka. Bixiyahaaga daryeel caafimaad ayaa dib u fiirin doona natiijooyinka baadhitaankaaga oo kuu sheegi doona waxa ku xiga ee dhici doona.

Macluumaadka laga hadl doono waxa ka mid noqon kara:

  • qorshe cunto gaar ah
  • la-socodka gulukoosta dhiigga
  • kaadida oo laga baadho ketones
  • tilmaamo ku saabsan firfircoonida jidhka
  • la-tacaalid ah dawo

Marmarka qaarkood, xiitaa haddii dhammaan tilmaamaha si taxadir leh loo raacay, gulukoosta dhiiggu ma ahaato hee la aqbali karo. Marrarkaas oo kale, waa lagama maarmaan in dawooyin lagu daro qorshahaaga maamulista.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, La Noolaanshaha Sonkorowga Uurka, ob-somali-ah-26667 (For an English version, see Living with Gestational Diabetes, ob-ah-26362.)
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 01/15/2015