Qol la joogista cisbitaalka
obhomecare post partum

Nuunuuyada ama ilmaha yaryar waxay ugu farad badan yihiin markay la joogaan qoysaskooda.

Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Qol la joogista cisbitaalka

Macluumaad guud

English: Rooming-in at the hospital

Qol la joogid waa marka dhawaan-dhaladku uu joogo meesha uu dareemo ama ay dareento inay ugu ammaan badan tahay: taasoo ah dhinaca hooyadii ama hooyadeed inta lagu jiro cisbitaalka.

Marka nuunuuyada qol lala joogo waxay quudka u qaatan si ka sii fiican sidii hore, waxa yaraada oohintooda iyo in miisaan ka lumo. Waalidku waxay guriga kula noqdaan kalsooni intii hore ka badan oo ku saabsan awooddooda inay daryeelaan nuunuugooda, waxana ay soo sheegaan dareenno fiican oo ku saabsan nuunuugooda.

Hooyooyinka la seexda nuunuugooda habeenka waxay dhab ahaantii helaan hurdo ka tayo fiican kuwa nuunuuyadoodu ku jiraan qaybta xanaanada inta u dhexeysa xilliga quudinta.

Sidee bay qol la joogistu u eg tahay

Inta aad soo jeedid, waxa aad nuunuugaaga ku hayn kartaa sariirta ama kursi.

Inta aad hurudid, waxa loo baahan doonaa in nuunuugaaga la dhigo xool ku xiga sariirtaada. Daryeel-bixiye qaangaadh ah oo kale, sida wehelkaaga, ayaa hayn kara nuunuuga inta aad hurudid.

Qol la joogista: Ammaan iyo caafimaad

Qol la joogistu ammaan bay u tahay nuunuuga caafimaad qaba iyo hooyooyinkooda. Waxa ku taliyay Akadhamiyada Dhakhaatiirta Carruurta ee Maraykanka (American Academy of Pediatrics). 

Kaliya ma aha inay ammaan tahay laakiin waxa la muujiyay inay si fiican u bilaabto naas-nuujinta.

Adiga iyo wehelkaaga waxa aad taageero ka heli doontaan kooxdaada daryeelka caafimaadka marka aad sii barataan sida loo daryeelo oo loo sii barto nuunuugaaga.

Qol la joogistu markasta suurtogal ma ah. Marmarka qaarkood, nuunuugu waxay u baahan yihiin la socosho soke oo loo baahan yahay in lagu qabto goob daryeel. Ujeedadu waxa weeye in la isu keeno hooyada iyo nuunuuga sida ugu dhakhso badan ee suurtogal ah.

Qol la joogis guul leh

  • Lahaanta qof taageero oo kula jooga wakhti kasta, oo habeenkii kaa gargaari kara nuunuuga. Tani waxay si gaar ah gargaar u leedahay haddii laguu sameeyay qalitaan dhalmo.
  • Yaree booqdeyaasha ilaa tirada ugu yar si aad u heshid hurdo badan. Tani waxay kuu ogolaanaysaa inad u nasatid si ku filan inad daryeeshid nuunuugaaga ama ilmahaaga marka u kuu baahan yahay.
  • Ka warqab in laga yaabo in nuunuugaagu aad u hurdo badan yahay 24-ka saacadood ee ugu horeeya. Intaas ka dib, waxa laga yaabaa in hurdo hayso subixii iyo galabnimada hore. Waxay u badan tahay inuu ugu soo jeedis badan yahay oo ugu quud qaadasho badan yahay inta ugu badan inta u dhexeysa 9-ka habeenkii iyo 3-da subixii.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Qol la joogista Cisbitaalka, ob-somali-ah-15475
First Published: 08/15/2012
Last Reviewed: 08/15/2012