Keenista foosha iyo jileec-noqoshada afka Ilmo-galeenka
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Keenista foosha iyo jileec-noqoshada afka Ilmo-galeenka

War guud

English:  If your labor is induced

Fool-keenistu waa hab kaa gargaara in fooshu bilaabanto ka hor intaan jidhkaagu iskii u bilaabin. Waxa laga yaabaa in daryeelahaaga ama dhakhtarkaagu ku fikiro in foosha lagaa keeno haddii taasi ay yareynayso khatar ku iman karta adiga ama ilmahaaga, ama haddii adiga iyo daryeelahaagu ama dhakhtartaagu aad ku heshiisaan in fool keenista doortashadeedu faa'iido leedahay.

Foosha waxa lagu keenaa marka la isticmaalo dawooyin ama qalab gaar ah badanaana waxa la bururiyaa xabka (waxa kale oo loo yaqaana jeexidda xuubka (amniotomy). Iyadoo sababtu tahay halista ka iman karta, waa in fool keenista la sameeyo kaliya marka ay jiraan sababo caafimaad oo caqli-gal ah, oo ay ku jiraan:

  • Uurkaagu waxa uu gaadhay 41 todobaad ama waa uu ka badan yahay.
  • Xabkaagii waa u bururay isla markaana wax fool qabasho ah ma bilaabmin.
  • Waxa laga yaabaa in adiga iyo/ama ilmahaagu aad leedihiin dhibaatooyin caafimaad oo ka-dhalintu wax tari doonto.
  • Waxa uurkaagu yahay ugu yaraan 39 todobaad isla markaana afka ilmo-galeenkaagu waxa uu diyaar u yahay dhalid.

Fariimo Guudo oo Kaa Gargaaraya in Laga Hortago Fool Xilligeeda ka Soo Hormarta

  • Waxa aad cuni kartaa cunto fudud ka hor mid kasta oo ka mid ah hababkaa iyadoo dhakhtarkaagu si kale kuu sheego mooyaane.
  • Amaankaaga iyo amaanka ilmahaagu ayaa la siiyaa muhimadda ugu weyn. Keenista fooshu waxay u baahan tahay la-socod iyo shaqaale dheeraad ah. Sidaa daradeed, waxa la beddeli karaa wakhtigii ay fool ka-keenistaadu ballansanayd. Waa inaad soo wacdid xuruntaada dhalmada ka hor intaanad iman cisbitaalka.
  • Haddii aad qabtid su'aalo, fadlan la xidhiidh dhakhtarkaaga ama xarunta dhalmada.

Waa maxay halista foosha lagaa keeno?

Dawooyinka la isticmaalo si fool loo keeno waxa ka mid ah oxytocin (waxa kale oo loo yaqaanaa Pitocin®), taasoo qasab ka dhigaysa in adiga iyo ilmahaaga si taxadir leh loola socdo inaad leedihiin dhibaatooyinka ay qabashooyinka fooshu sababi karaan. Oxytocin waxa lagu bilaabaa qadar qaadasho oo yar si qabashooyinka fooshu ay si tartiib ah kuugu bilaabmaan. Dawada hadba sidii loo baahdo ayaa qaadashadeeda waxa looga beddeli karaa.

Hab kale oo foosha lagaaga keeni karo waa jeexista xuubka ama xab bururin (amniotomy). Marka xuubku jeexmo ama xabku bururo (taasi ha ku timaado si dabiici ah ama jeexis) halis ayaa ku iman karta ilmahaaga taasoo ah cudur ama dhib. Ilmahaaga iyo adiga si xoog leh ayaa loola socon doonaa.

Maxay ka kooban tahay hawsha diyaarinta iyo bilaabista fooshu?

Waxa jira siyaabo badan oo kali ama wada jir la isticmaali karo si loo keeno foosha. Qaar badan oo ka mid ah ayaa hoos lagu sharaxay. Waxa kuwaa lagu sameeyaa cisbitaalada.

Jileec-noqoshada afka ilmo-galeenka

Ka hor intaan ilmahaagu dhalan, waxa loo baahan yahay in afka ilmo-galeenkaagu noqdo jileec si uu u furmi karo (u weynaan karo) ilmagaaguna u soo dhaafi karo. Habkan waxa la yidhaahdaa jileec-noqoshada afka ilmo-galeenka.

Afka ilmo-galeenka oo jileec noqda ka hor fool ka-keenista waxay yareyn kartaa wakhtiga ay qaadanayso in foosha lagaa keeno, ama waxa dhab ahaan dhici karta inay sababtu foosha oo bilaabanta.

Waxa laga yaabaa inaad u baahatid in ka badan hal qaadasho oo ah dawo. Waxa laga yaabaa inay qaadato in ka badan hal maalin si loo jilciyo afka ilmo-galeenkaaga.

Bixiyahaaga daryeel caafimaad ayaa laga yaabaa inuu go'aamiyo inaad u baahan tahay mid ka mid ah dawooyinka ama qalabka soo socda si afka ilmo-galeenkaaga looga gargaaro inuu jilco ama bislaado. Laguma siin doono dawooyinka haddii aad leedahay fool qabashooyin aad u badan.

  • Cytotec®: Kiniinkan yar waxa la dhigaa meel u dhow afka ilmo-galeenka si loo jiliciyo. Adiga iyo ilmahaaga uurka ku jira waa lala socon doonaa ka dib marka lagu siiyo dawadan. Marmarka qaarkood, waxa laga yaabaa in fooshu bilaabantu ka dib marka lagu siiyo Cytotec®.
  • Cervidil®: Dawadani waa kiniin yar oo ku dhex jira maro shaandho ah oo jilicsan. Kiniinka waxa la dhigaa meel u dhow afka ilmo-galeenkaaga si loo jilciyo. Waxa aad u baahan tahay la-socod elegtaroonig ah oo joogto ah marka lagu siiyo dawadan.
  • Buufinta bisleynta (ripening balloon): Bixiyahaaga daryeel caafimaad waxa uu buufin yar oo la afuufi karo galiyaa meel in yar ah gudaha afka ilmo-galeenka ka dibna waxa uu buufiyaa buufinta. Tuubooyinka qaarkood waxay leeyihiin laba buufin. Waxa la galiya hal dhinac, ama labada dhinacba, ee afka ilmo-galeenka. Mid waxa uu galayaa gudaha afka ilmo-galeenka midna waxa uu galayaa siilka. Buufintu waxay gargaar ka geystaa in afka ilmo-galeenku jilco.

Keenista foosha

Haddii afka ilmo-galeenkaagu bislaado iyada oo la isticmaalayo mid ka mid ah dawooyinkan ama qalabyadan, laakiin fool-qabashooyinku aanay bilaabmin, waxa laga yaabaa in bixiyahaaga daryeel caafimaad uu go'aamiyo in la isku dayo in foosha lagaaga keeno sida hoos lagu sharaxay:

  • Xuub jeexid (Amniotomy) (waxa kale oo loo yaqaanaa xab bururin): haddii dhakhtarkaagu go'aan ku gaadho in taasi tahay habka ugu wacan ee lagaaga keeni karo foosha, waxa uu isticmaali doonaa qabato caag ah si uu xuubka u dilaaciyo.   

    Xuubkaasi ma laha dareemeyaal, sidaa daraadeed habkaasi xanuun uma keeni doono adiga ama ilmahaaga; hase yeeshee, waxa laga yaabaa inaad dareentid cadaadis ama raaxo-daro khafiif ah inta la wado habkaa. 

    Fool qabashooyin ayaa dumar badan u bilaabmi doona wax ka yar ka dib xuub jeexista. Marka xabkaagu bururo, ilmahaaga si aad ah ayaa loola socon doonaa, iyadoo caadi ahaan la isticmaalo qalab juurfiika xaaladiisa lagula socdo oo elegtaroonig ah. 

    Dhakhtartaagu waxa uu go'aan ka gaadhi doonaa heerka firfooni (socod, iwm.) ee kugu haboon wakhtigaa. Waxa laga yaabaa inuu go'aan ku gaadho in laguu bilaabo oxytocin si lagaaga gargaaro bilaabista fool qabashooyinka. 
  • Oxytocin: Dawadani waxay u baahan tahay layn faleebo ah (IV). Dawadaa waxa loo isticmaalaa in laguu bilaabo fool qabashooyinka. Qadarka lagaa siinayo wakhtiyo joogto ah ayaa la kordhiyaa si loo gaadho heerka loo baahan yahay in fooshu kuu bilaabanto. Adiga iyo ilmahaaga si aad ah ayaa loola socon doonaa inta lagu siinayo oxytocin. Waxa laga yaabaa inay sii adkaato ama aanay suurogal kuu ahayn inaad socsocatid ama aad u dhaqdhaqaaq-did sidii hore sababtoo ah waxyaabahaa.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Keenista Foosha iyo Jileec-noqoshada Afka Ilmo-galeenka, ob-somali-ah-13355
First Published: 06/15/2015
Last Reviewed: 06/15/2015