Baadhitaan afar isugu jira
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Baadhitaan afar isugu jira

Baadhitaanka ciladaha tuubada dareeme (neural tube) iyo caadi la'aanta koroomosoomka (chromosome abnormalities)

Ilmaha intooda badani waxay ku dhashaan caafimaad. Laakiin qiyaastii 1 ilaa 2 ayaa 1,000-kii ilmo ku dhasha cilad tuubo dareeme (sida maqnaansho badi maskaxda iyo xangulada (anencephaly) ama xangulo furan "spina bifida"). Badi ilamahaasi waxay u dhashaan waalid aan qoys ahaan taariikh u lahayn ciladaha tuubo dareeme ama sababo halis oo muuqda. Boqolkii wax ka yar 1 ayaa dhamaan ilmaha ku dhasha ciladda caadi la'aanta koroomosoomka (oo ah war hidde oo si weyn u badan ama si weyn u yar). Halistu waxay la sii korodhaa da'da hooyada.

Hase yeeshee, ilmaha intooda badan ee leh caadi la'aanta koroomosoomka waxay u dhashaan hooyooyin da'doodu ka yar tahay da'da 35 oo aan haysan sabab ay ugu fikiraan inay ku jiraan halis sare. Baadhitaan dhiig ayaa waalidka aan shaki qabin uga digi karta dhibaatooyinkaa.

Ciladaha tuubo careeme iyo caadi la'aanta koroomosoomka

Ciladaha tuubo dareeme waxay ka abuurmaan habka dareemeyaasha ee dhexe (central nervous system) ee ilmaha ka hor 28 maalmood oo uur ah waxana laga yaabaa inay saameeyaan xangulada ama maskaxda.

  • Cilada furnaan xangulo (spina bifida) waa furnaan ka jirta xangulada ilmaha. Qalitaan ayaa gargaar ka geysan karta sidii loo xidhi lahaa ciladan laakiin waxa iman kara naafo, sida qalal ah inta sinta ka hooseysa ilmaha qaarkood, dhibaatooyin ah socodka, iyo xukumid la'aan xagga kaadida iyo saxarada.
    • Qiyaastii boqolkiiba 80 ilaa 90 ilmaha ku dhashay cilada furnaan xangulo (spina bifida) ayaa yeesha biyo-maskaxeed (hydrocephalus) (oo ah dheecaanka xangulada oo ku urura maskaxda). Caruurta qaarkood waxay yeeshaan dhibaatooyin waxbarasho ama daahid maskaxeed (mental retardation). Caqli caadi ah ayaa badanaa suurogal ah. Heerka awood-darida jidheed iyo caqliga si weyn ayay ugu kala duwanaan karaan ilmuhu mana aha wax la sii saadaalin karo ka hor dhalashada ilmaha.
  • Cilada maqnaanshaha badi maskaxda iyo xanuglada(anencephaly) waxay jirtaa marka maskaxda ilmuhu aanay si sax ah u sameysmin sababta oo ah "furnaan" ka jirta qaybta sare ee tuubada dareemaha ee abuurmaysa. Ilmuhu waxay badanaa dhashaan iyaga oo aan nafi ku jirin ama waxay dhintaan gudaha dhawr saacadood (ama maalmood) ka dib dhalashada.

Bini'aadanku waxay unug kasta ku leeyihiin 46 koroomosoom ama hidde-side. Koroomosoomku waxay xanbaarsan yihiin ama sidaan war hidde, kaasoo haga korniinka iyo horumarka. Haddii ilmuhu uu ku dhasho koroomosoom siyaado ah, waxay u badan tahay inuu yeesho dhibaato ah korniinka maskaxda iyo jidhka.

Laba tusaale oo ka mid ah dhibaatooyinkaa waa:

  • cilada Down (Down syndrome), oo sababta daahid maskaxeed oo khafiif ah ilaa mid dhexdhexaad ah isla markaana laga yaabo inay sababto cilado wadnaha ah iyo naafo jidheed oo kale. Heerka caqliga si weyn ayay ugu kala duwanaan karaan ilmuhu mana aha wax la sii saadaalin karo ka hor dhalashada ilmaha.
  • cilada "trisomy 18," oo sababta dhibaa-tooyin jidheed oo badan iyo daahid maskaxeed oo si weyn uga daran ta ka timaada cilada Down. Badi ilmaha ku dhasha "trisomy 18" ma noolaadan mudo dhaafsan sannadka ugu horeeya noloshooda.

Baadhitaanka afar isugu jira (baadhista soocidda ah ee dhiigga)

Waxa laga yaabaa inaad dooratid baadhitanka afar isugu jira (baadhista soocidda ah ee dhiigga) (serum screening) marka uurkaagu uu gaadho 15 todobaad laakiin wax yar uun ka yar yahay 20 todobaad. Baadhistan soocidda ah (screening) waxa laga yabaa in uu tilmaamo in ilmahaaga aan wali dhalan uu qabo suurogalnimo sare oo ah inuu yeesho ciladaha lagu dhasho qaarkood.

Baadhista soocidda ah waxa loo qorsheeyay si gargaar looga geysto in la garto uurka halis sare u ah cilada tuubo dareeme iyo dhibaatooyinka koroomosoomka si haweenku u raadsadaan baadhitaan rasmi ah (oo la yidhaahdo baadhitaan cilad-sheegid (diagnostic testing)), haddii ay walwal qabaan.

Baadhista soocidda ah waxay caadi u noqon kartaa haweenka leh ilmo cilad qaba, isla markaana sida dhab u ah baadhista soocidda ah intooda badan, haweenka intooda badan ee ay baadhista soocidda ahi uga dhigto halis sare waxay yeelan doonaan ilmo caafimaad qaba. (Waxa laga yaabaa in aanu sidaa wax u tarin haween horeba loogu tilmaamay inay halis sare ku jiraan sababta oo ah taariikh qoys ama arrimo kale. Haddii ay jiraan walaac shakhsi iyo taariikh qoys oo walaac leh, waxa laga yaabaa inay muhiim tahay inaad la kulantid la-taliye hidde (genetic counselor) ka hor inta aanad u gudbin baadhista soocidda ah.)

Baadhitaanka afar isugu jira waxa uu cabiraa afar ka mid ah borootiinada ilmahaaga ee ku jira dhiiggaaga: alpha-fetoprotein (AFP), human chorionic gonadotro-pin (hCG), unconjugated estriol (uE3) iyo inhibin A.

Heerar sare oo ah AFP waxay tilmaan u noqon karaa halis sare oo ah cilad furnaan sida ciladda furnaan xangulo (spina bifida). Sababaha kale ee keena AFP sareysa waa mudada uurka oo khaldan, mataano ama saddex ilmo oo uurka ku jira, ama dhibaatooyin mandheerta ah. Baadhitaanka sanqadha (ultrasound) ama baadhitaanka dheecaanka mandheerta (amniocentesis) ayaa gargaar ka geysan kara in la garto sababta keentay AFP sareysa. Badi ilmuhu waxay noqdaan kuwo caafimaad qaba.

Marka heerarka AFP, hCG, estriol iyo inhibin A la barbardhigo da'aada, waxa uu shaybaadhku ama labaratoorigu qiyaasi kara suurogalka in ilmahaagu qabo cilada Down ama "trisomy 18." Baadhistan soocidda ahi waxay bixisaa "malo," sii saxsan, oo ku saabsan halistan, laakiin ma bixiso jawaab ah "haa" ama "maya" sugan.

Baadhitaanka waxa la yidhaahdaa waa mid wax sheegay (positive) marka ay suuragalna in ilmuhu yeesho cilada Down ay tahay halis ku wajahan haweenay jirta 35 sannadood (oo ah 1 marka la eego 270-kiiba). Waxa la soo jeediyaa baadhitaan dheecaan mandheer (amniocentesis) si hubiyo koroomosoomka ilmaha. Kani waa baadhitaan cilad-sheegid ah oo odhanaya "haa" ama "maya."

Baadhitaanka afar isugu jira waa baadhis soocid ah (screen), balse ma ah baadhitaan cilad-sheegid (diagnostic test). Dhamaan haweenka sida ilmo leh dhibaatooyin koroomosoom ama cilado tuubo dareeme ma yeelan doonaan baadhis soocid oo "wax sheegaysa." Baadhis soocid ah oo kasta oo aan caadi sheegin macnaheedu ma aha ilmuhu uu qabo dhibaato isla markaan natiijo caadi ah macnaheedu waxa weeye halis hoose xagga ciladda Down, "trisomy 18" iyo furnaanta xangulada (spina bifida). Naatiijo caadi ahi gebi-ahaanba meesha kama saareyso ciladahaa.

Isku-haleynta baadhitaanka afar isugu jira

Baadhitaanka afar isugu jira waxa uu noqonayaa mid "wax sheegaya":

  • boqolkiiba 80 ilaa 90 haweenka sida ilmo leh furnaan xangulo (spina bifida)
  • ugu yaraan boqolkiiba 80 haweenka sida ilmo qaba ciladda Down iyo tiro sii yar oo ah haweenka sida ilmo qaba cilado koroomosoom oo kale

Haween badan oo leh ilmo caafimaad qaba ayaa sidoo waxay heli doonaan "baadhitaan wax sheegaya." Baadhitaano cilad-sheegid ayaa gargaar ka geysan doona ogaanshaha ilmaha dhabtii qaba cilad dhalasho iyo kuwa aan qabin. Haddii aad halis sare u tahay yeelashada ilmo qaba ciladda tuubo dareeme ama caadi la'aanta koroomosoomka, waxa laguu soo jeedin doonaa baadhitaano cilad-sheegid. Waxay gargaar ka geysan karaan in la ogaado ama meesha laga saaro cilado dhalasho oo la tuhunsan yahay.

Waxa la rabo inaad ka xusuusnaatid baadhitaanka

Baadhitaanku waa ikhtiyaar. Haweenka qaarkood waxa kalsooni siisa qaadista baadhitaanka. Qaar kalena waxay doortaan inaanay helin warka ama waxa walaac ku rida naatiijo aan caadi ahayn ilaa baadhitaan dheeraad ah loo sameeyo.

Naatijooyinka baadhitaanku waxay gargaar ka geysan karaan inaad go'aan ka gaadhid go'aamo ku saabsan ikhtiyaar baadhitaan oo kale. Haweenka horeba halis sare ku jiray sababo kale daraadood waxa laga yaabaa inay doortaan in laga qaado baadhitaano cilad-sheegid ah oo kale iyada oo aan loo sameyn baadhista soocidda ah ee dhiigga (serum screening). Haweenka qaarkood, si kasta oo ay halistu tahay, aan marnaba rabin baadhitaanka dheecaanka mandheerta ama baadhitaan cilad-sheegid oo kale, ayaa laga yaaba inaanay ka faa'iideysan baadhitaankan.

La-talin hidde (genetic counseling) ayaa la heli karaa si lagaaga gargaaro fahmidda natiijooyinkaaga iyo si lagaala hadlo adiga (iyo wehelkaaga) waxa sax ku ah arrintaada, iyo si loo sugo ama loo hubiyo inaad ka warqabtid dhamaan halista iyo ikhtiyaarka.

Fadlan xusuuso warkan soo socda ee ku saabsan baadhitaanka afar isugu jira:

  • Baadhitaan kasta oo wax sheegaya macnihiisu ma aha in ilmahaagu qabo cilad dhalasho. Badi haweenka yeeshay baadhitaano wax sheegaya waxay yeeshaan ilmo caafimaad qaba.
  • Baadhitaan kasta oo aan waxba sheegin macnihiisu ma aha in ilmuhu caafimaad la dhalan doono. Dhamaan xaaladaha ciladda tuubo dareeme ma aha kuwo lagu saadaalin karo baadhistan soocidda ah (screening test). Baadhitaano cilad-sheegid (diagnostic tests) ayaa gargaar ka geysan karo in la helo war dheeraad ah. Fadlan xusuuso in aanu jirin baadhitaan meesha ka saari kara dhamaan ciladaha dhalashada.
  • Qiyaastii boqolkiiba 5 ilaa 7 haweenka laga qaado baadhitaankan ayaa heli doona baadhis wax sheegaysa. (Baadhitano dheeraad ah ayaa loo soo jeedin doonaa). Haddii da'daadu ka weyn tahay 35, suurogalka baadhis wax sheegaysa oo aad yeelatid waa mid si weyn uga sareeya ka haweenka kaa sii da' yar. Marmarka qaarkood, ma jiro si loo sharaxo sababta keentay natiijo baadhitaan oo wax sheegtay.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Baadhitaan Afar Isugu Jira (Quadruple Test): Baadhitaanka Ciladaha Tuubada Dareeme (Neural Tube) iyo Caadi La’aanta Koroomosoomka (Chromosome Abnormalities), ob-somali-ah-13933
First Published: 10/15/2007
Last Reviewed: 10/15/2007