Baadhista caqabadda gulukoosta
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Baadhista caqabadda gulukoosta

Macluumaad guud

In badan oo ah baadhisyadan waxa la sameeyaa inta lagu jiro uurka waxana loola jeedaa in goor hore la helo si loo saxo. Tusaale ahaan, baadhista hiimoglobiinta dhiigga (hemoglobin) waxay raadisaa dhiigyaraan (dhiigga oo birtu ku yar tahay) isla markaana baadhista kaadidu waxay raadisaa gulukoos, taasoo macnaheedu noqon karo sonkorow.

Sonkorowga uurka (sonkorow yimaada wakhtiga uurka) waa la daweyn karaa haddii goor hore la helo. Haddii kale, waxay dhibaatooyin culus u keeni kartaa ilmahaaga sida gulukoos dhiig oo hooseysa, dhibaatooyin neefsasho iyo joonis. Waxa kale oo ay ilmahaagu halis sare u galin kartaa cayil iyo sonkorowga nooca 2 goor dambe oo ah nolosha.

Maadaama haweenay kasta yeelan karto sonkorowga uurka inta lagu jiro uurka, dhammaan haweenka uur leh badanaa waxa laga baadhaa sonkorowga uurta inta u dhexeysa todobaadyada 26 iyo 28. Kani waa wakhtiga hormoonada sababa sonkorowga uurka ay joogaan heerar sare. Uma baahnid inaad isu diyaarisid baadhistan.

Sidee baa loo qabtaa baadhista caqabadda gulukoos

Talaabooyinka caadiga ah ee baadhistan ee lagu qabto xafiiska bixiyahaaga daryeelka caafimaadka waa:

  • Waxa aad cabbaysaa cabbitaan gulukoos ah oo 50 garaam.
  • Aayar ayaad fadhiyaysaa 1 saac.
  • Waxa la cabbirayaa heerka gulukoosta dhiiggaaga. Natiijo ah 139 waxa laga soo qaadaa baadhis gulukoos oo “wax laga helay.”
  • Ka dib natiijo wax laga helay, baadhitaan xamilid gulukoos oo ah saddex saac ayaa lagu talinayaa.

Talaabooyinka caadiga ah ee baadhitaanka xamilidda gulukoos oo ah saddex saac waa:

  • Maalmaha ka horeeya baadhista, waad cuni kartaa cuntadaada caadiga ah. Waad soomaysaa habeenka ka horeeya baadhista.
  • Gulukoosta dhiiggaaga adiga oo soomana ayaa la cabbirayaa ka hor inta aan baadhistu bilaabmin.
  • Waxa aad xafiiska bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ku cabbaysaa cabbitaan gulukoos oo ah 100 garaam.
  • Aayar ayaad fadhiyaysaa 3 saac.
  • Gulukoosta dhiiggaaga waxa la cabbiraa adiga oo sooman, ka dibna wakhtiyo isu jira 1-, 2- iyo 3-saac gudaha 3 saacadood.
  • Laba ama ka badan oo ah natiijooyin baadhis oo sareeya macnaheedu waxa weeye waxa aad qabta sonkorowga uurka.

Maxaa dhaca haddii baadhistaada laga helo sonkorowga uurka

Marka aad joogtid cisbitaalka, waxa laga yaabaa in dhakhtarkaaga ama bixiyahaaga daryeel caafimaad uu damco in uu sameeyo dhamaan ama qaar ka mid ah baadhitaanada soo socda:

  • la-socodka uur-jiifka (fetal monitor) si loo hubiyo isku-ururidda
  • baadhitaan hoosta ah iyo fiirin ah surka ilmo-galeenka
  • baadhitaano shaybaadhka ah oo lagu baadhayo cudur, lagu fiirinayo korniinka sambabada ilmahaaga, iyo/ama baadhitaano kale si laguugu sheego haddii aad halis u tahay in aad goor hore umushid

Daweynta foosha soo hormartay

Bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ayaa dib u fiirin doona natiijooyinka. Isaga ama iyada ayaa kuu sheegi doona waxa dhici doona ee ku xiga.

Waxa aad u baahan kartaa mid ama dhammaan kuwan soo socda:

  • qorshe cunto oo gaar ah
  • la-socod gulukoosta dhiigga
  • baadhisyo kaadi
  • tilmaamo jimicsi
  • cilaaj insulin

Waxa laguu gudbin doonaa baraha sonkorowga.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Baadhista Caqabadda Gulukoosta, ob-somali-ah-16686
First Published: 07/15/2015
Last Reviewed: 04/15/2017