Uurka iyo dhalmada
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Uurka iyo dhalmada

Uurka

Waxaad u baahan tahay oo aad ku heli kartid uur caafimaad qaba waxaa ka mid  macluumaad ku saabsan xaalado khaas ah iyo tijaabooyin caafimad.

Dhalmada

Cisbitaalku waa meesha u nabadgelyadda badan oo lagu dhalo. Waa kuwaan waxaad filan kartid.

Ilmo dhalida

  1. Ilmo galeenka afkiisa ayaa khafiif noqda waanu uu balaartaa. Marka ilmahaagu gumaarka ama kafka soo galo , badanaaba madaxiisu waa wareegaa oo u jestaa dhinaca laf dhabartaada.
  2. Marka uu ilmagaleenkaagu ku soo riixo ilmahaaga kafka, ilmaha madaxiisaa ayaa bilowda in la arko ama uu soo muuqdo.
  3. Kadib markuu madaxa ilmaha badankiisu soo baxo ilmaha garabahiisa ayaa soo mara kafkaaga kadibna wuxuu bilaabaa inuu wareego markale.
  4. Marka ilmaha madaxiisa iyo garbihiisaba dhashaan, jirka intiisa kale waa soo sibiibixdaa. 

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.