Ixtiraamka iyo qaderinta dabayaaqada nolosha qofka
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Ixtiraamka iyo qaderinta dabayaaqada nolosha qofka


Maraykanka, waxaa jira hab gaar ah oo loo daryeelo dadka noloshoodu dhan u badatay. Habkaa waxaa loo yaqaanaa "hospice." Hospice waa daryeel xoogga saara in qofka markaasi dhimanaya xanuunka sakaraatka mawtka laga ilaaliyo, iyagoo ay qoyskiisuna la joogaan oo ay qayb ka qaadanayaan daryeelkiisa. Hospice ma ah meel {dadka sakaraatka ah la geeyo}. Daryeelka Hospice waxaa qofka lagu siin karaa gurigooda, ama meel/dhismo dadka sakaraatka hayo lagu daryeeli karo, ama meeshii uu doonahayo qofka sakaraatku hayo in uu ku qaato noloshiisa inta ka hadhay.

Daryeelka Hospice waxaa uu bilawdaa marka uu qofka bukaanka ah ama qoyskiisaba ka quustan wax dawayn ah, ama marka uu bukaanku go'aansado in wax dawayn kale oo uu rabaa aysan jirin. Caadiyan, xaaladdan waxa la go'aansadaa marka la filayo in bukaanka uu noolaado daawo la'aan lix bilood iyo wax ka yar.

Daryeelka Hospice waxaa qayb ka qaata daryeeleyaal badan oo ay kamid yihiin dhakhaatiir, kalkaaliyayaal, culamaa'uddiin, daryeele bulsho, daryeele caafimadka guriga, la taliyayaasha dadka uu qofku ka buko iyo kuwa farsamo kale wax ku daweeya. 

Daryeelka Hospice ma aha mid bukaanka kaliya loogu tala galay. Qoyska oo dhan ayaa la daryeelaa, si ay uga bugsadaan murugada geerida ku timi reerkoda iyo nusqaanka kaga yimid qofka ka geeriyooday. Sidoo kale waxay si wada jir ah ula shaqaynayaan bukaanka iyo daryeelayaasha kale inay go'aan gaaraan. Waa jawi daryeel oo lagu tixgalinayo qoyska bukaanka, dhaqanka, diinta , daryeelkana qayb laga siinayo.

Daryeelka Hospice ayaa bukaanka iyo qoyskiisaba siiya hab bad-qab ah, iyo daryeel uu qofku ku dareemo dabayaaqada nolosha. Cagsiga ah in qofkii bukay laga "quusto", daryeelka Hospice ayaa si ay daryeel iyo bogsiinayo ku jirto dadka oo dhan isu keena. Qoyska bukaanka, iyo hiddaha iyo dhaqanka oo la ixtiraamo, hawshana wax laga siiyo qoyska ayaa keenta in maalmaha dabayaaqada noloshiisu noqdaan kuwo qaddarin, ixtiraam iyo raaxo waafaqsan diintooda kusoo afjarma, isagoo ay eheladiisa iyo qaraabadiisuba ku hareeraysanyihiin.

Waxaan rajaynayaa inaadan adiga iyo qoyskaagaba aynaan waqti dhaw idin qabsanin geeri iyo dhimasho. Balse haddii ay dhacdo, waxaan idinku dhiira-galinayaa inaad ka fikirtaan waxa ka danbeeya sida uu dhaqankeenu qabo ee la xiriira ka hadlka iyo qorshaynta geerida. Hadday geeridu timaaddo mar ay digniin fiican bixisay, hospice ayaa u bedeli kara maalmaha aakhirka nolosha maalmo daryeel kalgacaly ku dheehanyahay qof walba u noqda. Caafimaad-qab iyo bad-qab ku waar, heeganna ahaw. Waad ku mahsantahay daawashada aad daawatay barnaamijkan.

Khayraad la xiriira

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Minnesota ECHO iyo TPT TV, Ixtiraamka qaderinta dabayaaqada nolosha qofka
Material © 2010-2013 Emergency & Community Health Outreach
First Published: 08/18/2016
Last Reviewed: 08/18/2016