Ciladda ilmaha la ruxay
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Ciladda ilmaha la ruxay

Sida looga hortago ciladda ilmaha la ruxay

English: Preventing shaken baby syndrome

Waxa laga yaabaa in markasta isku-daygaaga aamusiinta ilmahaaga ama nuunuugaaga aanuu shaqeyn. Waxa laga yaabaa inaad tijaabaysay quudin, daacin, beddelid xafaayad ama dhaybar, la-socsocod, ama laab ku-qabasho.

Waxa laga yaabaa in ilmahaagu ooyo iyada oo aanay jirin sabab la fahmi karo. Marmarka qaarkood, ilmuhu waxay leeyihiin tamar biirtay waana ay ooyaan si ay isaga saaraan.

Haddii talaabooyinka aamusiinta midna shaqeyn waayo, tijaabi inaad ilmahaaga yar u jiifisid dhabarka gudaha xoolka. Eeg in ilmahaagu aamuso ama xasilo. Soo eeg shan ilaa 10 daqiiqadood kasta. Haddii ilmahaagu aanu ku xasilin ama ku aamusin gudah 25 daqiiqadood, quudi, fiiri xafaayadda oo u dib bilaw nidaamka aamusiinta.

Haddii aad xanaaqsan tahay ama khadyaan ka taagan tahay, si ammaan ah ilmahaaga u dhex dhig xoolka. Gal qol kale oo ku jir mudo ah shan ilaa 10 daqiiqadood. Haddii ilmahaagu joojin waayo oohinta, gargaar weydiiso qof qoyska ka tirsan ama saaxiib. Gargaar aad weydiisatid macnihiisu ma aha inaad tabar-daran tahay ama aad tahay waalid xun.

Digniin

Marna ha ruxin ilmaha. Ruxistu waxay keentaa in maskaxda ilmuhu ku dhex boodboodo gudaha qalfoofka madaxa. Taasi waxay keeni kartaa dhaawac culus ama geeri.

Marna wax ha ku dhufan ilmaha. Shay kasta oo aad ku dhufatid madaxiisa (xiitaa mid jilicsan) waxa uu keeni karaa dhaawac daran ama geeri.

Ku day marka uu cunugu ooyayo mindhir majiir dartiis.

colic curl1
Ilmaha yar soo xanbaar wajigiisa ha kaa sii jeedo, oo dhabarkiisa ha ku tiirsanaado xabadkaaga lugihiisane gacmahaaga ku soo lab.
colic curl2
Soo xanbaar ilmaha yar wajigiisu wajigaaga ku soo jeedi, lugihiisuna ha u laabnaadaan ( galoocdaan ) oo xabadkaaga laguhiisu ha soo caliyo.

Cidda la waco marka qalalaase ku haysto

Haddii qalalaase ku haysto, waxa jirta goob sii-hayn ilmo oo wakhtiga qalalaasaha kuu siin karta sii-hayn ilmo oo degdeg ah karta 24-ka saacadood ilaa saddex maalmood.

Si aad u heshid goob sii-hayn ilmo wakhtiga qalalaase ku haysto, wac 1-800-543-7709.

Wac hay'adda fulinta sharciga ee degmadaada haddii aad u maleynaysid in sii-hayaha ilmahaagu uu xumeeyo ilmahaaga yar. Wac 911 haddii aad aragtid sii-haye ilmo oo ruxaya ama xumeynaya ilmahaaga ama nuunuugaaga.

Ciladda ilmaha la ruxay

Ciladda ilmaha la ruxay waa nooc ah dhaawac maskaxeed oo xanuun leh oo uu sababay ilmaha oo si xoog leh loo ruxay.

Ruxiddu waxay keentaa in maskaxda ilmuhu ku dhex boodboodo gudaha qalfoofka madaxa. Taasi waxay keenaysa burbur, barar iyo dhiig-bax.

Waxa laga yaabaa in daryeele ama sii-haye ilmo oo ku xanaaqay ilmo ooyaya uu xanaaqiisa kula dhaco ilmaha isaga oo ruxaya ilmaha si uu u joojiyo oohinta. Taasi waa xumeyn.

Ruxista nuunuuga ama ilmaha yar — xiitaa mudo aan dhaafsanayn shan sekan ama ilbidhiqsi — waxay keeni kartaa dhaawac maskaxda ah, dhiigbax ah gudaha maskaxda, dhaawac ah xangulada ama geeri.

Inkasta oo dhaawacyada ciladda ilmaha la ruxay ay badanaa ku dhacdo ilmaha ka yar 2 sannadood, haddana waxay ciladdu saameyn kartaa xiitaa ilmaha jira ilaa 5 sannadood.

Ciladda ruxista ilmaha kama timaado si tartiib ah oo ilmaha loo yara boodsiiyo, si ciyar ah oo tartiib ilmaha sare hawada loogu boodsiiyo, ilmaha oo lala gucleeyo, ilmaha oo lagu fadhiiso wiifo ama leexo ama qalab ilmo oo kale oo ah nooca dhaqaaqa.

Halista ciladda Ilmaha la ruxay

Dhaawacyada caam ahaan ka yimaada ciladda ilmaha la ruxay waa:

  • dhiigbax ah maskaxda
  • barar ah maskaxda
  • dhiigbax ah xagga dambe ee indhaha
  • dhaawac gaadha xangulada iyo qoorta
  • feedho iyo lafo jabay.

Dhaawacu waxa uu keeni karaa indho la'aan, naafooyin (sida qallalka maskaxda (cerebral palsy) ama dhaahid caqli) ama geeri.

Waxa laga yaabaa in ilmaha ka badbaada ciladda ilmaha la ruxay ay u baahdaan daryeel caafimaad noloshooda oo dhan.

Calaamadaha ciladda ilmaha la ruxay

Sida ay xun yihiin calaamadaha ciladda ilmaha la ruxay waxay ku xidhan tahay xoogga lagu ruxay ilmaha iyo dhererka mudada la ruxay.

Calaamadaha waxa ku jiri kara:

  • camal-xumi si weyn u fudud
  • caajis
  • quud-qaasho xun
  • dhibaatooyin ah neefsashada
  • gariir
  • matag
  • maqaar midab-doorsoomay ama sii madoobaaday.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Ciladda Ilmaha la Ruxay (Shaken Baby Syndrome), ped-somali-ah-14268
First Published: 03/15/2007
Last Reviewed: 03/15/2007