Mindhicir-fiirinta
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Mindhicir-fiirinta

English: Colonoscopy: What you need to know

Mindhicir-fiirin

  • Mindhicir-fiirintu waa hab ama hawlgal dhakhtarkaaga u oggolaanaysa inuu arko midhicirkaaga weyn.
  • Hawlgalkan waxa la sameeyaa iyada oo la isticmaalo tuubo dheer oo jilicsan ("scope") oo sii dhex marta malawadkaaga una gudbaysa mindhicirkaaga.
  • Waxa aad u jiifsan doontaa dhinaca bidix inta lagu jiro hawlgalkan.
  • Haddii dhakhtarkaagu arko cad aan caadi ahayn, waxa uu soo jari karaa cad yar oo saambal ah (biopsy). Saambalka waxa loo diri doonaa shaybaadh si loo baadho. Jarista cadka yar ma laha xanuun.
  • Haddii dhakhtarkaagu helo buro (ka-soo-bax u eg far) waxa uu ku soo jari doontaa qalabka fiirinta (polypectomy). Burada waxa loo diri doonaa shaybaadh si loo baadho. Jarista buradu ma laha xanuun.
  • Hawlgalkani waxa uu qaadanayaa 15 illaa 30 daqiiqadood.

Todobaadka ka horeeya hawlgalka laguu sameynay

Waxa aad wicitaan ah teleefonka ka heli doontaa kalkaaliso gudaha 1 todobaad inta aan la gaadhin hawlgalkaaga.

Dhakhtarkaaga daryeelka caafimaad u sheeg haddii aad:

  • qaadatid warfarin (Jantoven®) ama nooc kale oo ah dhiig-khafiifiy
  • aad qaadatid insulin ama kiniinka sonkorowga. Waxa laga yaabaa inuu damco in wax laga beddelo qaddaraada qaadashada.

Dhakhtarka kuu sameynaya hawlgalka u sheeg haddii aad:

  • diidmo u leedahay wax ah dawooyin ama cinjirka "latex"
  • aad uur leedahay
  • aad dhiiggid leedahay ka dib qallitaan.

Sii diyaarso qof guriga kugu geeya baabuur ka dib hawlgalka. Waxa lagu siin doonaa dawo kugu ridaysa hurdo-hurdo mana awoodi doontid inaad baabuur kaxeysid.

Ma awoodi doontid inaad ku soo laabatid shaqada ka dib hawlgalka. Maamulahaaga shaqada kala hadal inaad shaqada ka maqnaatid maalintaas.

Laba maalmood ka-hor hawlgalka

Waa inaad alaabta diyaarinta ee ku taala warqadda laguu qoray ka soo qaadatid farmasiga ama soo ka iibsatid farmasiga warqad la’aan (waxay ku yaalaan fariimaha laguu qoray).

Maalinta ka horeysa maalinta hawlgalka laguu sameynayo

Maalina oo dhan: isticmaal cunto ah hoore saafi ah. Cunto ah hoore saafi ah waxay ka kooban tahay biyo, maraq ama fuud cad, cabbitaanka soodhaha, cabbitaanada isboortiga, gelatin (ma ah gelatin cas), jalaato barafeysan oo qori wadata, kafee ama shaah, iyo juuska furutka oo aan lahayn buurbuur ama fudad (tufaaax, canabka cad). Waxa kale oo aad qaadan kartaa nacnac adag.

Cab ugu yaraan 8 koob oo ah biyo.

Ha cabbin: juuska yaanyada; juuska liinta, cabbitaano leh midab ah casaan, liin, basali ama buluug madow xiga; caano ama labeen aan caano laga sameyn. Ha cunin wax ah cunto adag ama calaalis.

Waxa aad aagga ku wareegsan futadaada marin kartaa labeenta bogsahada (Vaseline®, Desitin®) si aad maqaarkaaga uga badbaadisid inuu xanuun yeesho.

Maalinta hawlgalka laguu sameynayo

Wixii kale ee ah dawooyin joogto ah ku qaado kabasho yar oo ah biyo subaxa hawlgalka laguu sameynayo.

Waxa aad qaadan kartaa cabbitaano saafi ah illaa 2 saacadood ka hor wakhtiga laguu ballamiyay inaad timaadid goobta hawlgalka. Marka aad timaadid goobta hawlgalka, iska xaadiri miiska diiwaangalinta.

Waxa lagu weydiisan doonaa inaad xidhatid marada cisbitaalka iyo dacas.

Kalkaaliso ayaa kula fiirin doontaa taariikhda caafimaadkaaga. Waxa lagu weydiisan doonaa inaad saxeexdid warqadda oggolaanshaha hawlgalka.

Kalkaaliso ayaa gacantaada ama cududdaada galinta doontaa layn faleebo (IV).

Ma lahaan doontaa raaxo-daro?

  • Waxa dawo lagaa siin doontaa laynka faleebada si aad u nafastid oo loo yareeyo xanuunkaaga. Dawadu kuma seexin doonto.
  • Waxa laga yaabaa inaad dareentid maroojin iyo xanuun la moodo xanuunka naqaska.
  • Si qoto dheer oo gaabis ah u neefso si ay kaaga caawiso inaad nafistid.
  • Dhakhtarkaaga ama kalkaalisada u sheeg haddii ay ku hayso raaxo-daro.

Ka dib hawlgalka

Waxa aad joogi doontaa goobta caafimaadka ama cisbitaalka mudo ah illaa 60 daqiiqadood.

Waxa laguu sheegi doonaa natiijooyinka hawlgalka laguu sameeyay ka hor inta aanad bixin.

Waa inaad haysatid qof baabuur kugu geeya guriga. Haddii aanad haysan qof qaangaadh ah oo baabuur kugu geeya guriga, hawlgalka laguu sameyn lahaa waa la joojinayaa.

Ha ku laaban shaqada ka dib hawlgalka.

Waxa aad dib u bilaabi kartaa cuntooyinkii, cabbitaanadii iyo dawooyinkii caadi kuu ahaa.

Waxa laga yaabaa in saxaradaadu aanay caadi ku soo noqon mudo ah 3 illaa 5 maalmood.

Haddii lagaa saaray buro ama cad (biopsy) lagaa qaaday

U fiirso calaamadaha dhiigitaanka sida saxaro madow ama cas. Waxa laga yaabaa inaad dhiigtid illaa 2 todobaad ka dib hawlgalka.

Waxa aad heli doontaa natiijooyinkaaga gudaha 1 illaa 2 todobaad.

Goorta la waco dhakhtarkaaga ama bixiyahaaga daryeelka caafimaadka

Wac bixiyahaaga daryeelka caafimaadka haddii aad qabtid mid ka mid ah kuwan soo socda ka dib hawlgalka:

  • xanuun ah caloosha ama garabka oo aan caadi ahayn
  • heerkul ka sareeya 100.5 F
  • qadhqadhyo
  • dhiigid ah futada.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Mindhicir-fiirinta (Colonoscopy): Waxa Aad u Baahan Tahay Inaad Taqaannid (Colonoscopy: What You Need To Know), endo-somali-ah-17533
First Published: 09/15/2016
Last Reviewed: 09/15/2016