Uurka iyo sonkorowga
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Uurka iyo sonkorowga

English: Pregnancy and diabetes

Isu-diyaarinta uurkaaga

Isu-diyaarinta uur caafimaad leh waxay ku bilaabantaa daryeel fiican oo ah sonkorowgaaga ka hor inta aanad uu qaadin. Gulukoosta oo si fiican loo xadeeyo 3 ilaa 6 bilood ka hor uur-yeelashada waxay gargaar fiican ka geysata hagaajinta rimidda isla markaana waxay gargaar ka geysataa ka-hortagga cilidaha ilmuhu ku dhashaan ama suurtogalka dhicin.

Ha joojin isticmaalidda xadeynta dhalmada ilaa sonkorowgaaga si fiican loo xakameeyo. Xakameynta fiican waxa lagu cabbiraa laba waxyaabood

  • heer A1c oo si weyn caadiga ugu dhow (sida fiican waa ama ku dhow 6
  • heerar gulukoos dhiig oo si weyn caadiga ugu dhow marka la sooman yahay, ka hor cuntada iyo 2 saacadood ka dib cuntada

Marka aad uur leedahay

U tag bixiyahaaga daryeel caafimaad isla marka aad u maleysid inaad uur leedahay.

Qaado maltifitamiin (multivitamin) ay ku jirto “folic” ka hor iyo inta lagu jiro uurka.

Bixiyahaaga daryeel caafimaad ayaa kuu sheegi doona haddii aad qaadan kartid kiniinka sonkorowga iyo wixii kal ee ah dawooyin ee laga yaabo inaad qaadan doontid.

Qorshe daryeel uur iyo sonkorow badanaa waxa ku jira:

  • qorshe cunto oo lagu hagaajinayo xadeynta gulukoosta iyo si loo siiyo nafaqo haboon adiga iyo ilmahaaga uurka ku jira
  • jadwalka goorta la baadhayo gulukoosta dhiiggaaga
  • hadafyo gulukoos dhiig
  • qorshe firfircooni jidh
  • hubin dawooyinka sonkorowga iyo isbeddel lagu sameeyo insulinta haddii loo baahan yahay

Haddii aad u baahan tahay, bixiyahaaga daryeel caafimaad ayaa ku siin kara war ku saabsan sida aad u joojin lahay sigaarka iyo sida aad iskaga ilaalin lahayd khamriga.

Bixiyahaaga daryeel caafimaad ama barahaaga sonkorowga u tag inta jeer ee lagu taliyay. Ha ka baaqan ballamaha. Diiwaanada gulukoosta dhiiggaaga u soo qaado dhamaan booqashooyinkaaga dhakhtarka.

Somali
Rooti/roodhi Qadar
Canjeero Hal xabo oo ah 7-inji
Sabaayad 1
Muufo 1

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Kaansarka Mindhicirka iyo Malawadka, can-somali-ah-15433 (1/21)
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 06/29/2022