Tilmaamaha daryeelka sonkorowga qofka weyn
Qaadista talaabooyinka muhiimka ah
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Tilmaamaha daryeelka sonkorowga qofka weyn

English:  Guidelines for diabetes care

Baadhitaano, baadhisyo iyo tallaalo

Waxa aad tahay qofka ugu muhiimsan kooxda daryeelka caafimaadkaaga. Bixiyeyaashaada daryeelka caafimaadka kala hadal jadwalka baadhitaanka, baadhisyada iyo tallaalada ee hoos lagu muujiyay. Ku sii talogal inay qayb ka yihiin daryeelka caafimaadkaaga ee joogtada ah. Taasi waxay bixiyeyaashaada daryeelka caafimaad ka caawin doontaa inay cudurada ama dhibaatooyinka helaan marka ay yihiin heerarka koobaad markaas oo ay sahlan tahay in la daweeyo.

Baadhitaano
Nooc baadhitaan Immisa jeer

Booqasho xafiis dhakhtar(waxa ku jira dib u fiirinta qorshaha daweynta sonkorowga, baadhitaan cag, dherer, miisaan iyo fiirin cadaadis dhiig*)

3 illaa 6 bilood kasta, iyada oo ku xidhan xaaladda caafimaad
Baadhitaanka xuubka dambe ee gudaha isha(retinal) sannad kasta
Baadhitaan cag sannad kasta ama ka badan haddii ay jirto dhibaato
Jadiidin waxbarasho sonkorow sannad kasta
Booqasho dhakhtar ilko 6 bilood kasta
*Ka hadal isticmaalka asbiriin, ACE inhibitors iyo statin.
Baadhisyo
Nooc baadhis Immisa jeer Tirada hadafka ah
A1c baadhis dhiig

Waa in baadhistan laguu sameeyo ugu yaraan laba jeer sannadkii; ama intaa ka badan haddii hadafyada A1c aan la gaadhin.

boqolkiiba 7 ama ka yar badi dadka
Microalbuminuria(kelyaha) sannad kasta badi dadka 30 mcg/mL ma ka yar
Cadaadis dhiig booqosho kasta 130 ama ka yar (tirada sare) ama
80 ama ka yar (tirada hoose)
Tallaalo
Nooc tallaal Immisa jeer
Ka-duris hargab dayr kasta
Tallaalka oofwareenka(pneumonia) Hal mar, inkasta oo dadka qaarki laga yaabo inay u baahdaan qaadasho labaad. Weydii bixiyahaaga daryeelka caafimaadka.
Teetano 10 sanno kasta
Tallaalka cagaarshowga/Jooniska nooca B Hal mar, taxane ah saddex duritaan (mudisyo) oo ah da'da 19 illaa 59 gudaha 6 bilood.

Ku saabsan baadhitaanada, baadhisyada iyo tallaalada

  • Baadhitaanka xuubka dambe ee gudaha isha (Retinal): Baadhitaan dhammeystiran oo isha ah waxa ku jira weynaynta xuubka dame ee isha (retina) si loo fiiriyo cudur (retinopathy) ama isbeddel. Waxa laga yaabaa in tani ka hortagto indho-la’aan.  
  • Baadhitaan cag: Baadhitaan dhammeystiran oo ah cagtaada waxa ku jiri doona baadhista dareen (monofilament), wareeg dhiig ama garaac wadne iyo fiirinta midabkooda.  
  • Waxbarasho sonkorow: Wax ka ogow fasalada ah hal qof ama koox.  
  • Waxbarasho sonkorow oo uu bixinayo nafaqo-yaqaan: Nafo-yaqaan ayaa ka hadli kara doorashooyinka cunto caafimaad leh ee kaa caawin kara qorsheynta tiro kaloori iyo karbohaydrayt oo si fiican ugu aadan jadwalkaaga iyo hab-nololeedkaaga.  
  • A1c: Baadhistan shaybaadhka waxay muujinaysaa celceliska heerka gulukoostaada 3-dii bilood ee tagay.  
  • Microalbumin: Baadhistani waxay soo saaraysaa qaddaro aad u yaryar oo ah borootiin ku jirta kaadida. Korodh ah qaddarka borotiinta ku jirta kaadida waxay dadka qaba sonkorow u tahay tilmaan hawlgab kelyo.
  • Fiirin cadaadis dhiig: Cadaadiska dhiig ee sareeya ee aan la daweyn wuxu keeni karaa cudur wadne, faalig, cuduro lugaha ah, hawlgab kelyo iyo cuduro indho. Allina Health waxay ku talinaysaa cadaadis dhiig oo ah 130/80 ama ka yar.  
  • Ka-duris hargab: Tallaalka hargabka ama ifilada waxa u ka hortagi doonaa ama yareyn doonaa astaamaha hargabka Bisha Kow iyo Tobnaad illaa Bisha Labaad.  
  • Tallaalka Oofwareenka: Tallaalka nuumooniya waxa u qaangaadhka ka weyn 65 jir ama kuwa halis sare u leh xaalado (sida sonkorow ama neefta) ka badbaadin doonaa nuumooniyada nuumokookal (pneumococcal pneumonia).

Fadlan bixiyahaaga caymiska caafimaadka kala xidhiidh dabbirista baadhisyadan, baadhitaanadan iyo tallaaladan. Gudbin dhakhtar oo ah adeegyo caafimaad ma damaanadqaadayso dabbirid ama in lagaa bixinayo.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Tilmaamaha Daryeelka Sonkorowga Qofka Weyn, gen-somali-ah-16907
First Published: 04/15/2015
Last Reviewed: 05/01/2018