Isticmaalka Tubaakada iyo Xilad-korodhka Sonkorowga ama Macaanka
Ma u baahan tahay gargaar?

Dhakhtarkaaga kala hadal ikhtiyaaradaada daweyn ee ugu fiican. Waxa kale oo bixiyahaaga caymiska weydiin kartaa barnaamijyada joojinta ee laga yaabo inaad heli kartid.

Si aad u heshid macluumaad ku saabsan joojinta qiijinta, Diiwaangalinta Fasalka Allina Health (Allina Health Class Registration) ka wac 1-866-904-9962 ama booqo allinahealth.org/classes.

Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Isticmaalka Tubaakada iyo Xilad-korodhka Sonkorowga ama Macaanka

English: Tobacco use and diabetes complications

Isticmaalka Tubaakada iyo Sonkorowga

Isticmaalidda tubaakadu waxay dhib ka sii dhigtaa xakameynta sonkorowga. Dadka aan isticmaalin tubaakada waxay isticmaalaan insulin iyo dawooyin kale oo sii yar si ay xakameeyaan sonkorowga marka la barbardhigo kuwa isticmaala. 

Tubaakadu:

  • waxay dhaawacdaa oo cidhiidhi ka dhigtaa xiddidada dhiigga (Tani waxay keeni kartaa caabuqyo iyo goyn.)

  • waxay kordhisaa iska-caabbiga insulinta (Tani waxay sari u qaadi kartaa gulukoosta dhiiggaaga.)

  • waxay kordhisaa cadaadiska dhiigga.(Tani waxay keeni kartaa faalig ama cudur wadne.)

  • waxay xiddidadaada dhiigga iyo halbowleyaashaada ka dhigtaa kuwo leh “dhegdheg,” taasoo xanibi kartaa qulqulka dhiigga (Tani waxay sare u qaadi kartaa halisyadaada cudur wadne, cudur kelyo, ciladda xuubka hoose ee isha (retinopathy) (oo ah cudur indho oo keenaya indhoolenimo) iyo dhaawac gaadha dareemeyaasha (dhimashada dareemeyeesha sheeshadaha)  (peripheral neuropathy).)

Tubaakada aan qiiq lahayn:

  • waxa ku jira sonkor badan.(Tani waxay dhib ka sii dhigaysaa in la xakameeyo heerarka gulukoostaada.)

sigaarka elegtaroonigga ah (e-cigarettes):

  • ma aha ammaan (waa walax ah tubaako waxana ku jira nikotiin.)
  • FDA uma aqbalsana hab lagu joojiyo qiijinta sigaarka.

Anfacyada Joojinta Tubaakada

Joojintu:

  • waxay hoos u dhigaysaa suurtogalka faalig, cudur wadne, iska-caabbigga insulinta iyo dhaawaca dareemeyaasha
  • waxay ku siinaysaa xakameyn gulukoos oo sii fiican
  • waxay hoos u dhigaysaa halisyadaada noocyo badan oo ah kaansaro.

Fikrado ku Saabsan Joojinta Tubaakada

Daraasaado ayaa muujinaya in habka ugu guusha badan ee lagu joojiyo u isticmaalo la-talin, dawooyin iyo la-sii-socod. Bixiyahaaga daryeelka caafimaadka weydii macluumaad dheeraad ah.

  1. Isu diyaari inad joojisid.
  • Taageero ka hel qoyska iyo saaxiibada.
  • Iska ilaali meelaha ad og tahay inad rabi doontid inad isticmaashid tubaakada.
  • Qorshee waxqabadyo si ad u beddeshid isticmaalka tubaakada.

2. Dooro maalin ad joojisid.

  • Ka takhalus sigaarka, weelka lagu damiyo sigaarka iyo shideyaasha sigaarka.

3. Jooji.

  • Jooji maalinta ad qorsheysay inad joojisid.
  • Ka taxadir xaaladaha ama hawlaha laga yaabo inad damacdo inad bilawdid inad markale isticmaashid tubaakada.
  • Isku day inad diiradda saartid ama ka fikirtid maanta, ma aha mustaqbalka. U sheeg naftaada, “maanta ma cabbayo sigaar.”

4. Sii wad joojinta.

  • Ku fikir fikrado anfac leh. Xusuuso sababta ad u joojisay. Naftaada abaalmari.
  • Xusuuso in rabitaanku iska tagi doono haddii aanad isticmaalin tubaakada iyo haddii kale.
  • Ha ciyaarin ciyaaraha sida adiga oo naftaada u sheega, “Hal sigaar ah waxba ma dhibayo,” “Waan istaahilaa hal sigaar ah,” “Waxan rabaa kaliya inan arko sida hal sigaar ah dhadhankiisu yahay.” Waxa laga yaabaa in maskaxdaadu kuu sheegto waxyaabahaas si ay kaaga dhaadhiciso inad dib ugu laabatid tubaakada.

Haddii Aanad Diyaar u Ahayn Inad Joojisid

Haddii joojinta tubaakadu ay hadda kuula muuqato wax aad kuugu adag, ku fikir inad ka nasato ama fasax ka qaadatid isticmaalka tubaakada.

Waxay tani kaa caawin kartaa inad xakamesid gulukoosta dhiiggaaga iyada oo soo celinaysa isku-dheelitirka*.

  • Sameyso hadaf ad ku joojisid isticmaalka tubaakada.
  • Bixiyahaaga daryeelka caafimaadka kala hadal adeegyo ama siyaabo ad ku maareysid astaamaha ciladaha yimaada marka la iska joojiyo.

Haddii tani si fiican u dhacdo, waxa laga yaabaa inad qaadatid ka nasashooyin dheeraad ah inta lagu jiro sannadka. Tani waxay kuu horseedi kartaa nolol xor ka ah tubaakada!

*Sii wad qaadashada dawooyinkaaga.

Adeegyo

  • Tobacco Intervention Program (Barnaamijka Wax-ka-qabadka Tubaakada) ee cisbitaalka Abbott Northwestern Hospital: 612-863-1648
  • Tobacco Intervention Program (Barnaamijka Wax-ka-qabadka Tubaakada) ee cisbitalka Mercy Hospital: 763-236-8008
  • Tobacco Intervention Program (Barnaamijka Wax-ka-qabadka Tubaakada) ee cisbitaalka River Falls Area Hospital:715-307-6075
  • **Allina Health United Lung and Sleep Clinic Tobacco Cessation Program (Barnaamijka Joojinta Tubaakada ee Xarunta Sambabka iyo Hurdada): 651-726-6200
  • **Penny George™ Institute for Health and Healing (LiveWell Center) (Machadka Caafimaadka iyo Bogsashada) tababaridda wax-ka-qabadka tubaakada: 612-863-5178
  • Lamaanaha Joojinta:1-800-QUIT-NOW (1-800-7848-669) ama quitpartnermn.com
  • Minnesota Department of Health (Wasaaradda Caafimaadka ee Minnesota): health.state.mn.us/quit
  • taageerada joojinta tubaakada ee ah internetka: smokefree.gov
  • Ururka Amerikaanka ee sanbabada / Laynka Joojinta Tubaakada: 651-227-8014 ama 1-800-586-4872
  • Chantix® GetQuit Support plan (Qorshe Taageero Joojin): 1-877-CHANTIX (242-6849) ama get-quit.com
  • taageero dhaqaale oo loo helo Chantix® ama la-nuugaha Nicotrol®: 1-866-706-2400 ama pfizerrxpathways.com
  • **Mayo Clinic Nicotine Dependence Center’s Residential Treatment Program (Barnaamijka La-tacaalista Deganaha ee Xarunta Ku-tiirsanaanta Nikotiinta):1-800-344-5984 ama 1-507-266-1930
  • si ad u iibsatid cilaajka udgoonka Plant Extracts:1-877-999-4236

**Waxaa laga yaabaa iney kharash kugu tahay. Ka hubi caymis bixiyahaaga.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Qiijinta sigaarka iyo Cilad-korodhyada Sonkorowga, dia-somali-ah-16915
First Published: 10/15/2009
Last Reviewed: 10/01/2019