Qalab lagu maamulo sonkorowgaaga
Qaadista talaabooyinka muhiimka ah
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Qalab lagu maamulo sonkorowgaaga

English: Tools to help you manage your diabetes

Cunto

  • Saddexda wakhti cun cunto si wacan isugu miisaaman maalin kasta.
  • Haddiiba wakhtiyada cuntada u dhexeeyaan wax ka badan yahay 4 illaa 5 saacadood, cun cunto fudud oo u dhexeysa.
  • Sii cun cunto fudud wakhtiga jiifka si jidhkaagu u helo tamar ku filan inta aad hurudid.
  • Ha ka boodin xilli cunto ama cunto fudud. Jidhkaagu waxa uu gulukoos la’aanta ku beddelan doonaa ‘codsi’ uu u gudbisto beerka kaasoo ah inuu u soo saaro gulukoos dheeraad ah. Taasi waxay xadeynta gulukoosta dhiiggaaga ka dhigi kartaa mid intii hore ka sii dhib badan.
  • Weydiiso gargaar haddii aad qabtid su’aalo ama aad u baahan tahay talo ku saabsan doorashada cuntooyinka.

Firfircoonida jidhka

  • Talo weydii dhakhtarkaaga ka hor inta aanad bilaabinjimicsi.
  • Si tartiib ah u bilaw si aad uga baxsatid dhaawac.
  • Dooro firfircooni aad ka helishid.
  • Maalin kasta hel firfircooni jidhka ah.

Maamulista giigsanaanta

Giigsanaantu waxay kordhisaa gulukoosta dhiiggaagawaxana ay keeni kartaa dhibaatooyin ah xaddeyntagulukoosta dhiiggaaga.

  • Ka fikir waxa kuu keena giigsanaan.
  • Raadi siyaabo caafimaad leh oo aad u maareyn kartidgiigsanaanta. Kuwaas tijaabi.
  • Raadso gargaar haddii aad u baahan tahay.

Dawooyinka

Waxa jira dawooyin badan oo gargaar ka geysta in laxadeeyo gulukoosta dhiigga. Bixiyahaaga daryeel caafimaadama dhakhtarkaaga ayaa kuu dooran doona dawada ugufiican haddii aad u baahan tahay. Waa wax caadi ah inbaahiyahaaga dawo isbeddelaan.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Kaansarka Mindhicirka iyo Malawadka, can-somali-ah-15433 (1/21)
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 06/29/2022