Maalmaha jirrada iyo sonkorowga
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Maalmaha jirrada iyo sonkorowga

English: Sick days and diabetes

Waxa muhiim ah inaad xusuusnaatid in jirro ay keeni karto in heerarka gulukoosta dhiiggaagu sare u kacaan. Gulukoosta dhiiggaaga oo aad hubisid wakhtiyo ka badan intii hore marka aad jiran tahay waxay joojin karta dhibaatooyin. Waxa fikrad fiican ah in aad qof kale bartid sida loo sameeyo baadhitaanka si qofkaasi kuu gargaar haddii aad u baahan tahay baadhitaan marka aad jirran tahay.

Talooyin

  • Markasta qaado insulintaada ama kiniinkaaga sonkorowga. Ha joojin qaadasha dawadaada sonkorowg adiga oo aan talo ka helin bixiyahaaga daryeel caafimaad ama barahaaga sonkorowga
  • Haddii aad qabtid sonkorowga nooca 1, kaadidaada ka baadh ketones haddii gulukoosta dhiiggaagu ay ka bada tahay 250 mg/dL. Haddii aad leedahay ketones, baadh gulukoosta dhiiggaaga iyo kaadidaada 3-dii ilaa 4-tii saacadood kasta.
  • Haddii gulukoosta dhiiggaagu ay ka badan tahay 200 mg/dL, cab ugu yaraan 1/2 illaa 1 koob oo ah cabbitaan aan lahayn sonkor saacad kasta.
  • Haddii gulukoosta dhiiggaagu ka yar tahay 200 mg/dL, waa in qaar ka mid ah cabbitaanadaada ay ku jirto karbohaydrayt.
  • Marka aad markale dareentid in aad rabtid cunto, waa in cabbitaanada dheeraadka ahi yihiin kuwo aan lahay sonkor. Ku bilaab cuntooyin ah uu ku jiro karbohaydrayt oo aad si fudud u xamili kartid dhawrkii saacadood kasta, sida ½ koob oo ah siriyaal la kariyay, lix busgud ah o ah nooca 'saltine', saddex busgud oo ah 'graham', ama 1/2 koob ah kastadh (custard), sharaab (sherbet) ama ama labinayad (pudding)
  • Baadh gulukoosta dhiiggaaga 4-tii saacadood kasta inta lagu jiro maalinnimada iyo ugu yaraan hal mar habeenkii.

Wac bixiyahaaga daryeel caafimaad haddii:

  • gulukoosta dhiiggaagu ka badan tahay 250 mg/dL laba baadhitaan oo isku xiga isla markaana ay ketoneska kaadida wax laga helay (positive) laba ama saddex baadhitaan oo isku xiga
  • gulukoosta dhiiggaagu si joogto ah u sareyso (ka badan tahay 300) xiitaa haddii kaadidu lahayn ketone
  • aad qabtid su’aalo ku saabsan inta aad ka qaadanaysid insulinta dawada sonkorowga ee afka laga qaat
  • aanad awoodin inaad wax cuntid ama cabtid sababta oo ah yalaalugo (calool qasan), matagid (soo celin) ama labadab
  • aad matagaysay in ka badan 6 saacadood ama uu shuban kugu dhacay in ka badan shan jeer gudaha 1 maali
  • aad qabtid heerkul ka badan 101 F ama heerkul ka sareeya oo jira mudo ka badan 48 saacadood

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, La Noolaanshaha Sonkorowga, dia-somali-ah-23909 (For an English version, see Living with Diabetes, dia-ah-23911.)
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 09/15/2016