La-socodka gulukoosta dhiigga
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

La-socodka gulukoosta dhiigga

English: Monitoring blood glucose

Baadhitaan joogto ah ayaa kuu sheegi doonaa sidacuntadaadu, firfircoonida jidhka iyo dawadu ushaqeynayaan. Baraha sonkorowga ayaa ku tusi kara sidaloo sameeyo baadhitaanka oo kaa caawin kara wakhtiyadaugu fiicaan inaad baadhid.

Heerarka gulukoosta dhiigga ee lagu taliyay:

Ka hor cuntada
Ka dib cuntada
Wakhtiga hurdada
Tiro u dhexeysa 80 ilaa 130 mg/dL
2 saacadood ka
dib cuntada: wax ka yar 160 ilaa 180 mg/dL
Tiro u dhexeysa 100 – 140 mg/dL 

Baadh gulukoosta dhiiggaaga:

  • Ka hor quraacda
  • Ka hor qadada 
  • Ka hor cashada 
  • Ka hor wakhtiga hurdada 
  • Ka dib quraacda
  • Ka dib qadada
  • Ka dib cashada
  • Kale _________________ 

Waxa muhiim ah in aad baadhid gulukoosta dhiiggaaga,xiitaa haddii aad wacnaan dareensan tahay, iyo in heerarkagulukoostaada ahaadaan gudaha tirada fiican.

Baadhitaanada joogto ah ee A1c

A1c waa baadhitaan muujinaya celceliska heerka gulukoostadhiigga intii lagu jiray 2-dii ama 3-dii bilood ee tagay. Cilmibaadhisayaa muujisay in waxyeelada ku dhacda indhaha,kelyaha iyo dareemeyaasha ay toos ula xidhiidho heerkaA1c.

Baadhitaanka ah durista farta ee gulukoosta dhiigga siweyn buu u leeyahy qiime marka la fiiriyo maamulistasonkorowgaaga ee ah saacad-ka-saacad ama maalin-kamaalin.Laakiin heerka A1c ayaa sawir guud ka bixinayaxadeynta sonkorowga iyo halistaada cilado. Waxa aadu baahan tahay labada nooc ee baadhitaan si loo helomaamulis sonkorow oo waxtar leh.

Waxa laga yaabaa in bixiyahaaga daryeel caafimaad u kusiiyo natiijooyinkaaga A1c iyaga oo ah celcelis gulukoos oola qiyaasay (estimated average glucose) (eAG) halkii ay kaahaan lahaayeen boqolley. eAG waxa lagu cabbiraa mg/dL, oo ah waxa aad u baratay inaad ku aragtid mitirkaaga. Isticmaal shaxda hoos si aad u fahamtid natiijooyinka aga baadhitaanka A1c.

Glucose thermometer

Sawirkani waxa uu is barbardhigayaa natiijooyinka A1c iyo natiijooyinka eAG, oo loo sheegayo habka mg/dL.

Barnaamijka sonkorowga ee Allina Health wuxu kutalinayaa:

  • baadhitaan A1c oo ah ugu yaraan laba jeer sannadkii, oointaas ka badan haddii natiijooyinka baadhitaanku kasareeyaan hadafka baadhitaankaaga
  • hadaf baadhitaan oo ka yar 7 boqolkiiba

Sida baadhitaanku u shaqeeyo

Gulukoosta dhiiggaaga ku jirta ayaa ku dhegtahiimogolobiinta ku jirta unugyada cascas oo halkaas kunagaata. Unugyada cascas ee dhiiggu waxay noolaadaanqiayaastii 120 maalmood. Marka gulukoosta dhiiggaagusare u sii kacdaba, gulukoos sii badan ayaa ku dhegaysahiimogolobiinta. Baadhitaanka A1c wuxu cabbirayaaboqolkiiba inta hiimogolobiin ee gulukoos ku dhegsan tahay (oo la yidhaahdo hiimogoloobiin beddelmay).

Natiijooyinka baadhitaanda A1c ee sareeya

Haddii natiijooyinkaaga baadhitaanka A1c sareeyaan, adigaiyo bixiyahaaga daryeel caafimaad ayaa u baahan inaadka wada shaqeysaan sidii hoos loogu dhigi lahaa heerkagulukoostaada. Waxa laga yaabaa in bixiyahaaga daryeelcaafimaad ku taliyo isbeddelo qorshe daweyn sida:

  • dawooyinka ka duwan kuwii hore
  • qorshe cunto ka duwan kii hore
  • firfircooni jidh oo sii badan
  • tababar ah yareynta giigsanaanta ama istareeska
  • booqashooyin daryeel caafimaad oo intii hore ka tirobadan

A1c-kaaga oo aad hoos u dhigtid xiitaa 1 boqolkiiba waxayyareyn kartaa halistaada cilado sonkorow 30 boqolkiiba.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Kaansarka Mindhicirka iyo Malawadka, can-somali-ah-15433 (1/21)
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 06/29/2022