Ka-hortagga cilad-korodhyada sonkorowga
Qaadista talaabooyinka muhiimka ah
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Ka-hortagga cilad-korodhyada sonkorowga

English: Preventing diabetes complications

Mudo dheer ka dib, halisyada la xidhiidha sonkorowga sida gulukoosta dhiigga oo sareysa, dufan dhiig oo sareeya iy cadaadis dhiig oo sareeya ayaa waxyeeli kara xididadaada dhiigga. Waxyeeladaasi waxay keeni kartaa xaalado soojireen ah oo saameeya xubno jidh sida wadnaha, kelyaha, indhaha iyo habka dareemeyaasha.

Si looga hortago ama loo daahiyo ciladaha mudo dheer ee sonkorowga, ka dhig gulukoosta dhiiggaaga iyo cadaadisk dhiiggaaga kuwo u dhow caadi intii suurtogal ah.

  • Indhahaaga waxa gaadhi kara dhaawac haddii heerarka gulukoosta dhiiggaagu si weyn u sareeyaan. Dhaawacaas waxa la yidhaahdaa "retinopathy".
    • Si joogto ah iskaga qaad baadhitaano indhaha ah.
    • Wac dhakhtarkaaga haddii aragga indhaha wax iska beddelaan (iftiin boodbaadaya, baro madow oo heehaabaya, arag laba ah ama isku darsan, am xanuun indhaha ah).
  • Kelyahaaga waxa gaadhi kara dhaawac haddii xididada dhiigga ee yaryar ay bilaabaan inay dhiigga sii daayaan. Dhaawacaas loo yaqaana "nephropathy" waxana uu sababi karaa hawlgab kelyo.
    • Wac dhakhtarkaaga haddii borotiin ku jirto kaadidaada, aad qabtid wax ah calaamadaha caabuqidda kelyaha ama kaadi-haysta am dhibaatooyin ah kaadida (sida xanuun ah dhabarka hoose, qandho, kaadida oo tiro badan, kaadida oo le gubasho ama dhiig ku jira kaadida).
  • Wadnahaaga iyo halbowleyaasha waaweyn ayaa dhaawac soo gaadhi karaa haddii uu yaraado dhiigga tagaya wadnahaaga, maskaxda ama lugaha.
    • Miisaankaagu ha ahaado mid caafimaad leh.
    • Ha cabin sigaar.
    • Dawada u qaado sidii laguu soo qoray.
    • Wac dhakhtarkaaga haddii nabaro aan hore u bogsanayn aad ku leedahay lugaha iyo cagaha cago qabow, timaha cagahaaga oo lumay, cago casaan noqda marka ay meel ka laadlaadaan ama ka raaracaan, xanuun lugaha ah oo joogsada marka aa nasatid, ama xanuun ah laabta (angina).
  • Dareemeyaashaada ama nerfahaaga waxa dhaawici kara gulukoos dhiig oo sareysa. Dhimashada dareemeyaash sheedaha ah (peripheral neuropathy) waa dhaawac gaadhay dareemeyaasha cududaha iyo lugaha (kabuubyo, jidhidhico, gubasho, xanuun, isbeddel qaab oo ah cagaha) Dhimashada dareemeyaasha ee loo yaqaano "autonomic neuropathy" waa dhaawac gaadha dareemeyaash xukuma garaaca wadnaha, cadaadiska dhiigga, dheefshiidka, kaajidda iyo shaqada galmada.
    • Ha cabbin sigaar.
    • Wac dhakhtarkaaga haddii aad qabtid kabuubyo, jidhidhico/dareen ah gubasho, xanuun cudud am lug, lumis miisaan ama muruqyo, dhibaatooyin cago, dhididid culus ama maqaar qallalan, dhibaatooyin kaadi-hays, dareen ah suuxid ama dawakh marka aa sare joogsatid, iyo astaamo kale.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Kaansarka Mindhicirka iyo Malawadka, can-somali-ah-15433 (1/21)
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 06/29/2022