Hibogilisiimiya
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Hibogilisiimiya

English: Hypoglycemia or low blood glucose

Hibogilisiimiya macnaheedu waxa weey in gulukoostadhiiggaagu hooseyso – guud ahaan ka hooseysa 70 mg/dL. Astaamaha si dhakhso ah ayaa la iskugu arkaa waxana loobaahan yahay in loo daweeyo sida ugu dhakhsaha badan eesuurogalka ah.

Heerarka gulukoosta hooseysa way ku kala duwan yihiin dadku, sidaa daraadeed waxa muhiim ah inaad weydiisid bixiyahaaga daryeel caafimaad ama barahaaga sonkorowga waxa adiga kuu ah heer hooseeya.

 

Sababo
Ka-hortag
Ma jirto cunto jidhka ku filan.
Wakhti ku cun dhamaan cuntooyinkaaga caadiga ah iyo cuntooyinkga fudud.
Firfircooni jidh oo ka badan intii caadiga kuu ahayd.
Iska ilaali jimicsi inta lagu jiro wakhtiga sareynta dawo sonkorow.
Cabis khamri iyada oo aan la cunin cunto.
Marwalba cun cunto fudud ama cunto caadi ah marka aad khamri cabaysid.
Dawada sonkorowga oo si weyn la iskaga badiyay.
Qaado kaliya qaddarka laguu qoray.

Astaamaha

Khafiif (mid ama in ka badan oo ah kuwan soo socda):

  • dhidid
  • gariir/jareyn
  • dareen ah tamar-dari/daal
  • dareen ah walwal ama fiigsanaan
  • wadne garaac badan
  • dareen ah gaajo
  • madax-xanuun khafiif ah oo ku haya
  • dareen jidhidhico ah oo ah agagaarka dibnaha iyo carabka

Intaa ka sii daran:

  • indho liita ama aan libiqsilahayn
  • hadal isku darsan
  • dawakh
  • socod dhacdhacid leh

Si weyn u sii daran (dhif):

  • lumid miyir
  • suuxdinno

Talo

Waxa fiican inaad ammaan ahaatid. Kuma waxyeeleyn doonto inaad qaadatid xoogaa ah gulukoos xiitaa haddii aad tuhunsan tahay kaliya in gulukoosta dhiiggaagu hooseyso.

Daweyn

Tijaabi gulukoosta dhiiggaaga isla wakhtiga aad dareentidastaamaha.

Haddii heerkaagu hooseeyo, cun ama cab 15 garaam ooah karbohaydrayt. Tusaalooyinka waxa ku jira:

  • 1/2 koob ah juus furut (uma baahnid in aad ku dartidsonkor)
  • 1/2 koob oo ah cabbitaan soodha oo caadi ah (pop)
  • 7 ilaa 8 Lifesavers® ama nacnac kale
  • 1 qaaddo cunto oo ah malab ama sonkor
  • 2 qaaddo cunto oo ah sabiib
  • 3 'marshmallows' oo waaweyn
  • 1 koob oo ah caano subaggalaga saaray
  • 4 kiniin gulukoos
  • 15 garaam oo ah 'gel'gulukoos

Dib u tijaabi gulukoostadhiiggaaga 15 daqiiqadood kastaillaa gulukoosta dhiiggaagu ay kasareynayso 80 mg/dL adiga ooaanad wax astaamo ah dareemin.

 

Talo

Jijin/baraarug aqoonsi caafimaad ama silsilad qoor oo ay kuqoran tahay "Sonkorow" ayaa dadka ka caawin kara inay ku caawiyaan haddii aanad naftaada caawinkarin. Inkasta oo aan si hore loo ogaan, waxa aad boorsadaada jeebka ku qaadan kartaa kaadh ay ku qoran tahay inaad qabtid sonkorow.

Baahida cunto ka dib yaraangulukoos dhiig

Ka dib yaraan gulukoos dhiig, waxa laga yaabaa inaad u baahatid cunto dheeraad ah:

  • Haddii wakhtiga cuntadaada caadiga ah ama cuntadaada fududu u ka fog yahay 1 saac, ha sameyn wax isbeddelo ah.
  • Haddii wakhtiga cuntadaada caadiga ah ama cuntadaada fudud uu ka fog yahay 1 illaa 2 saac, cun qayb ah furut, ama lix busgud khafiif ah (saltines), ama cab 1 koob oo ah caano subagga lagas aaray, ama cun cunto kasta oo ay ku jiraan 15 garaam oo ah karbohaydrayt.
  • Haddii wakhtiga cuntadaada caadiga ah ama cuntadaada fudud uu ka fog yahay wax ka badan 2 saacadood, cun qayb ah furut oo aad raacisid 1 koob ooah caano subagga laga saaray, ama 1 koob oo ah juus furut ama cunto kasta oo ay ku jiraan 30 garaam oo ah karbohaydrayt.

Waxyaabaha la rabo in la xusuusnaado

Waxa aad cuntid si aad ugu daweysid yaraanta gulukoosta dhiigga ha ka jarin cuntadaada xilliga cuntada ama cuntadaada fudud ee ku xigta. Cuntadan waxa loogu baahan yahay waxa weeye in gulukoosta dhiiggaaga la gaadhsiiyo heer intii hore ka fiican.

Mida kale, haddii aad isku aragtid yaraan gulukoos dhiig marrar badan (laba jeer isku 1 maalin ama 2 maalmood gudaha todobaad), wac dhakhtarkaaga ama barahaaga sonkorowga.

Insulin, hibogilisiimiya iyo baabuur wadis

Haddii aad qaadatid insulin, markasta cabbir gulukoosta dhiiggaaga ka hor inta aanad kaxeyn baabuurkaaga.

  • Ha kaxeyn baabuur haddii gulukoosta dhiiggaagu ka hooseyso 80 mg/dL.
  • Haddii gulukoosta dhiiggaagu u dhexeyso 80 iyo100 mg/dL, cun 10 illaa 20 garaam oo ah gulukoos dhakhso hawl u gasha.
  • Kordhi karbohaydraytkaaga marka safar sii dheer galaysid.
  • Markasta baabuurkaaga ku hayso karbohaydrayt dhakhso hawl u galaysa.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Kaansarka Mindhicirka iyo Malawadka, can-somali-ah-15433 (1/21)
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 06/29/2022