Sonkorowga
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Sonkorowga

Su'aalo iyo jawaabo caam ah

Sonkorowga kama qaadi kartid ama qaadsiin kartid saaxiib, qaraabo ama deris.
  • Waxa laga yaabaa inad cuni jirtay cunto ka duwan tan halkan markii ad joogtay wadankaagii hooyo.
  • Waxa laga yaabaa in aanad u firfircoonayn sidii ad ahayd markii ad joogtay wadankaagii hooyo. (Tusaale ahaan, waxa laga yaabaa inad wax badan socon jirtay markii ad joogtay wadankaagii hooyo.)
  • Waxa laga yaabaa in heerkaaga walaaca ama giigsanaantu u ka duwanaa kan hadda markii ad ad joogtay wadankaangii hooyo.
  • Ku lugee jaranjarada gudaha dhismaha ah abaarmano.
  • Ku lugee gudaha goob dukaameysi.
  • Is qor xarun jimicsi sida YMCA/YWCA. Fasal la bilaw saaxiibo.
  • Ku biir fasal jimicsi oo ah internetka (yoga, boodbood) ad ku sameyn kartid gurigaaga.
  • Isku day inad ku biirtid urur ama koox sida kubadda cagta.
  • La hadal barnaamijyada jimicsiga iyo goobaha isboortiga si ad u ogaatid inay wakhtiyo siin karaan haweenka iyo hablaha si ay si u jimicsadaan iyaga oo gooni ka ah ragga iyo wiilasha.

Guudmarka sonkorowga

English: Diabetes overview

Sonkorow/macaan waa cudur nolosha oo dhan haya qofka oo aan la daweyn karin, laakiin waa la xadeyn karaa. Marka aad sonkorow macnaheedu waxa weeye jidhkaaga ayaa dhibaato ka haysaataa sidii uu u isticmaali laha tamarta ka timaada cuntooyinka aad cuntid. Tamartaasi waxay ka timaadaa dhamaan cuntooyinka ay ku jiraa karbohaydaraytka (daqiiqlayda iyo sonkoraha), borootiinta iyo dufanka. Ka dib marka aad cunto cuntid, wax cuntada loo beddelaa gulukoos taasoo ay unugyadaadu u isticmaalaan shidaal ahaan.

Waxa muhiim ah in aad xusuusnaatid in karbohaydraytku ay saameynta ugu weyn ku leeyihiin heerarka gulukoosta. Marka aad qabtid sonkorow, jidhkaaga waxa dhibaato ka haysataa sidii gulukoosta looga wareejin lahaa dhiiggaaga ee lagu wareejin lahaa unugyadaada. Taasi waxay sababaysa in heerka gulukoosta ku jirta dhiiggaaga ay sare u kacdo.

Gulukoosta dhiiggaaga oo aad ka dhigtid heer caadi ah intii suurogal ah waxay kaa gargaari kartaa in aad dareenti wacnaan iyo inaad heshid tamar dheeraad ah. Xadeynta fiicani waxay kale oo ay kaa gargaari kartaa in aad ka baxsatid dhibaatooyin ku dhaca indhahaaga, wadnahaaga, kelyahaaga, dareemeyaasha iyo xididada dhiigga.

La Noolaanshaha Sonkorowga

Sida Cudurka Sonkorowgu u Saameeyo Jidhkaaga

English: How diabetes affects your body

Waxa jira dhawr nooc oo ah sonkorowga. Nooca 1, nooca 2 iyo sonkorowga uurka ayaa ah saddexda nooc ee ugu caamsan.

  • Nooca 1: Ganacaagu (pancreas) waxa u sameeyaa wax yar oo ah insulin ama maba sameeyo. Jidhkaagu wuxu u baahan yahay insulin si gulukoosta looga saaro dhiiggaaga oo loo geeyo unugyadaada si ay tamar uga helaan.
  • Nooca 2: Ganacaagu wali wuu sameeyaa xoogaa ah insulin, laakiin jidhkaagu uma isticmaalo sidii la rabay. Waxa tan la yidhaahdaa iska-caabbinta insulinta.
  • Sonkorowga Uurka: Ganacaagu ma sameeyo insulinta dheeraadka ah ee loo baahan yahay xilliga uurka.

Marka insulintu aanay si sax ah u shaqeyn, gulukoosta ka imanaysa cuntada waxay ku dhex jiraysaa dhiiggaaga (halkii ay u wareegi lahay unugyadaada). Waxa laga yaabaa inad yeelatid astaamaha soo socda:

  • haraad soo kordhay
  • kaadi tiro badan
  • tamar intii hore ka yar
  • miisaan lumid aan sababtiisa la garanayn
  • maqaar qallalan
  • aragga indhaha oo isku darsan
  • gaajo
  • cudurka khamiirka (yeast) oo tiro badan
  • nabaro aan bogsanayn

Sida insulintu u shaqeyso

English: How insulin works

Insulintu waxay u shaqeysaa sida fure oo kale, iyada oo furaysa unugyada si ay gulukoostu u gasho oo ay u noqoto il tamar ama tamar looga helo. Insulin waxay la mid tahay furaha baabuurka. Baabuurku waxa uu u baahan yahay shidaal si uu u shaqeeyo, laakiin furaha baabuurka ayaa bixiya dhinbiisha sii daysa shidaalka. Gudaha jidhkaaga, insulinta waxa loo isticmaala in ‘dhinbiil’ looga dhigo isticmaalka gulukoosta si ay unugyadaadu shidaal uga dhigtaan.

Insulintu waxay jidhka ka gargaartaa inuu gulukoosta u isticmaaloshidaal ahaan.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Kaansarka Mindhicirka iyo Malawadka, can-somali-ah-15433 (1/21)
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 06/29/2022