Kaansarta mindhicirka iyo malawadka: Waxa la rabo inaad ogaatid
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Kaansarta mindhicirka iyo malawadka: Waxa la rabo inaad ogaatid

English: Colorectal cancer: What you need to know

Kaansarta mindhicirka iyo malawadka

Kaansartu waa cudur yimaada marka unugyada jidhku ay u tarmaan si aan xad lahayn. Marka kaansartu ka bilaabantu xiidnaha weyn (mindhicirka) ama malawadka, waxa loogu yeedhaa kaansarta mindhicirka iyo malawadka (colorectal cancer).

Kaansarta mindhicirka iyo malawadku waa sababta labaad ee keenta geerida ama u dhimashada kaansarta gudaha Maraykanka. Daaweyntu waxay si fiican u shaqeysaa marka hore loo ogaado kansarka mindhicirka-malawadka.

Khatarta kaaga imaan karta

English: Colon cancer risk factors

Khatarka kaaga imaan karta inaad qaado kansarka mindhicirka iyo malawadka sare ayay u kacdaa marka ay da’daadu weynaato. Khatarta kaaga imaan karta sare ayay u kacdaa haddii aad leedahay:

  • cudurka caabuqa mindhicirka sida cudurka baraarka iyo caabuqa mindhicirka (Crohn’s) ama cudurka caabuuqa boogaha mindhicirka iyo malawadka (ulcerative colitis)
  • taariikh shaqsi ama qoys oo kansar ama burooyin ku yaala mindhicirka ama malawadka
  • cillad xaga hidde sidaha ah.

Waxa kale ee sare u qaadi kara khatarta aad ugu jirto kansarka mindhicirka iyo malawadka waa:

  • cayilka badan
  • cabbitaanka 2 ama ka badan oo ah cabbitaan leh aalkolo maalin kastacunista hilibka warshadeysan (hilibka cuntada fudud, hilib doofaar, hilibka “hot dogs”)
  • cunista in ka badan 6 qaybood (isku-darka 18 wiqiyadood) oo ah hilib cas todobaad kasta. Halkii qayb cunis waa 3 wiqiyadood ama qiyaastii cabbir u dhigma hal xidhmo oo ah turub. Tusaalaaha hilibka cas waxa ka mid ah hilibka shiidan ee lo’da iyo doofaarka.
  • isticmaalidda tubaakada ama sigaarka.

Astaamaha

English: Colon cancer symptoms

La xidhiidh bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ama dhakhtarkaaga haddii ad qabtid mid ka mid ah astaamahan:

  • saxarada sida ay tahay oo isbedesha
  • dhiigbax ku dhaca malawadka
  • saxaradaada oo dhiig leh
  • saxarada oo ka dhuuban sida caadiga ah
  • xanuun joogto ah marka la saxarooneyo
  • saxarada oo adag ama shuban soconaya in ka badan mudo bil ah
  • guud ahaaan xanuun yar oo caloosha ah (dibiro, buuxitaan, majiiris, xanuuno gaas)
  • dareen aynan saxaradu soo dhamaaneynin kuligeeda
  • culeyskaaga oo yaraada sabab la’aan.

Joogteynta Baadhista

English: Colon cancer tests

Baadhitaanku wuxuu raadiyaa burooyin ama calaamadaha kansarka (sida dhiig ku jira saxaradaada) kaasoo aadan arki karin. Baadhitaanka joogtada ah wuu ku caawini karaa:

  • uga hortag kansarka adigoo helaya burooyinka mindhicirka ama calaamadaha kale ee kansarka
  • hel kansarka marxaladiisa hore marka ay sahlan tahay in la daweeyo.

Ka-hortagid

English: Colon cancer prevention

Waxa ad gargaar ka geysan kartaa inad ka hortagtid kaansarta mindhicirka iyo malawadka.

  • Ha laguu sameeyo baadhitaano joogto ah.
  • Soo ogow in waalidkaa ama wallaalahaa ay qabeen burooyin.
  • Cun cuntooyin u ku yar yahay dufan ama subag oo u ku badan yahay duf (fiber) ama buushe. Cun furut, khudaar iyo xabuub dhammeystiran.
  • Ha cabbin sigaar.
  • Samee jimicsi joogto ah.
  • Miisaankaagu ha ahaado mid caafimaad leh.

Baadhistu waxay bilaabataa da’da 45 sano. Wadajir, adiga iyo daryeel bixiyahaaga caafimaadka ayaa go’aaminaya baadhista kugu haboon. Baadhista ugu wanaagsan waa tan aad adigu sameyso.

Allina Health waxay ku talineysaa 3 baadhis:

  • mindhicir-fiirin (colonoscopy): Nidaamkaan waxaa lagu sameeyaa 10-kii sanaba mar rug caafimaad ama isbitaal. Dhakhtarku wuxuu isticmaalaa kaamero yar oo wadata nal si looga soo eego mindhicirkaaga burooyin ama kansar.
  • FIT (iFOBT): Baaritaankan saxarada sanadkiiba hal mar ayaa lagu sameeyaa guriga. Waxay hubinaysaa dhiig aan caadi ahayn oo ku jira saamiga saxaradaada. waxaad muunada u dirtaa shaybaarka si loo baadho.
  • sDNA-FIT (Cologuard®): Baaritaankan saxarada waxaa lagu sameeyaa guriga 3dii sanaba mar. Waxay hubinaysaa dhiig aan caadi ahayn iyo sidoo kale DNA ga kansarka ama xab la socda muunada saxaradaada oo dhan. waxaad muunada u dirtaa shaybaarka si loo baadho.
La hadal dhakhtarkaaga caafimaadka haddii aad u maleyneyso in kansarka mindhicirka iyo malawadka aad halis sare ugu jirto. Weydii marka aad bilaabeyso baadhista, baadhistee adiga kugu haboon iyo inta jeer aad is baadheyso.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Macluumaad qayb ahaan laga soo xigtay American Cancer Society (Ururka Kaansarta ee Maraykanka). Allina Health's Patient Education Department, Kaansarta Mindhicirka iyo Malawadka: Waxa la Rabo Inaad Ogaatid (Colorectal Cancer: What You Need To Know), can-somali-ah-16690
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 06/29/2022