Hawlgabka Wadnaha: Goorta la Waco Dhakhtarkaaga iyo 911
English | Spanish | Hmong |
Russian
Goorta la Waco Dhakhtarkaaga
Marka aad qabtid dhibaatooyin ama walaacyo (fiiri sawirada hoose), wac dhakhtarkaaga ama bixiyahaaga daryeel caafimaad. Ku dheh, "Waxa aan qabaa hawlgab wadne oo calaamadahaygu waa …"
 |
dhib neefsashada ah oo kugu cusub, ka sii daraya, ama aad isku aragtid marka aad jiif isku kala bixisid; ama aad habeenkii toostid iyada neeftu ku hayso |
 |
daal, tabar-dari, awood-dari, dawakh |
 |
laab xanuun aan kaaga tagin isticmaalka naytrogilisiriin (nitroglycerin) |
 |
qufac aad habeenkii isku aragtid ama aan kaa tagaynin |
 |
cago, kuraan/canqaw iyo lugo ka barar badan intii caadiga ahayd |
 |
lallabo ay weheliso sbarar, xanuun iyo danqasho ah caloosha |
 |
korodh miisaan oo ah 3 rodol gudaha hal maalin ama 5 rodol gudaha hal todobaad |
Goorta la Waco 911
Waa in qof qoyska ka tirsan ama saaxiib uu waco 911 haddii aad qabtid mid ka mid ah waxyaabahan soo socda:
- haddii aad la xarbiyaysid neefsashada ama neefsashadu dhib kugu tahay: neefsashada oo dhib kugu ah marka aad fadhidid
- xanuun laabta ah
- dawakh ama haddii aanad si waadix ah u fikiri karin.