Adeegyada turjumaada
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Adeegyada turjumaada

Daryeelka caafimaadkaga iyo amaankaga waxey inoo yihiin muhiim, waxaana rabnaa inaan hubino inaad fahantid qorshaha daryeelkaga.

Adeegyada Turjumaada ee Allina Health

Adeegyada Turjumaada ee Allina Health waxeey u tahay bukaanka qarash la’aan. Turjumaana deena:

  • waxeey si qaas ah ugu tababaran yihiin caawinta dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha daryeelka caafimaad xaga war gaarsiinta bukaanka oo ku hadla luuqad aan ingiriis ahayn ama leh aqoon dhiman ee (luqada) ingiriisiga
  • waxeey raacan heerka dhaqanka ee Golaha Qaranka ee Turjumida Daryeel Caafimaadka (the National Council on Interpreting in Health Care)
  • (waxeey) fahmaan ama raacaan sharuucda iyo xeerarka dhan oo khuseeyo asturida iyo anshaxa Allina Health

Allina Health waxey la hawl galaan turjumaano xirfadleh kaliya oo ogalansho ka wataan (qeybta) Adeegyada Turjumaada ee Allina Health. Allina Health ma ogala bixinta (qarashka) hadu bukaanka keensado turjumaan xirfadleh, ama bukaan keensado saaxiib (u turjuma).