Adeegyada gargaarka dhaqaale
Ma u baahan tahay caawimo?

Wac Xarunta Xidhiidhka Macmiilka (Customer Contact Center) oo teleefonkeedu yahay 612-262-9000 ama 1-800-859-5077 waxana helista barnaamijka sax kugu ah kaa gargaari doonaa shaqaale.

a group of diverse people represent the many kinds of people Allina Health financial assistance services can help
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health

Adeegyada gargaarka dhaqaale

English: Financial assistance

Bukaanka iyo qoysaskooda aan awoodin inay bixiyaan biilashooda caafimaadka ee la siiyo adeegyada gargaar dhaqaale

Allina Health (Cisbitaalada iyo Kiliinigyada Allina) waxay bixiyaan barnaamijyo qoysaska lagaga gargaarayo sidii loo haqabtiri lahaa baahiyahooda dhaqaale xagga adeegyada daryeelka ee caafimaad ahaan lagama-maarmaanka ah. In qofka la siiyo helitaan haboon oo ah daryeelka caafimaad ahaan lagama-maarmaanka ah iyada oo aan la fiirin awoodda lacag-bixinta ee bukaanka ayaa annaga muhimad nala leh, waxana aanu rabnaa in aanu bukaanka ka gargaarno sidii ay u heli lahaayeen barnaamij haqabtiraya baahiyooda dhaqaale.

MedEligible Services adeegyada caafimaadka

MedEligible Services waa adeeg u dooda bukaanka oo laga leeyahay degmada kana shaqeeya oo khibrad ka badan 30 sanno u leh in bukaanka laga caawiyo codsiyada gargaar dhaqaale.

Wuxu bixiyaa taageero u-doodis oo bilaash si bukaanka looga caawiyo inay daboolaan baahiyaha dhaqaale ee caafimaadka iyada oo magacooda lagu weydiisto barnaamijyada gargaarka ee gobolka ama federalka. U-doodeyaal ayaa bukaanka iyo qoysaska bari doona adeegyada u banaan, sida:

  • Maamulka Sooyaalka Ciidanka
  • Gargaarka Cuntada
  • Cunto iyo Hoy Degdeg ah
  • Barnaamijyada qiime-dhimista dawooyinka

Dheeri ahaan, u-doodeyaashu waxay bukaanka ka caawin karaan inay weydiistaan gargaarka ama kaalmada Sugidda Bulshada laga bilaabo codsiga bilawga ah illaa wakiilnimo marka la qaadayo dhegaysi. U-doodeyaashu waxay bixiyaan gargaar shakhsi ahaan iyo la-xidhiidhis toos ah, taasoo u oggolaanaysa bukaanka inay xoogga saaraa caafimaadkooda iyo wacnaantooda.

Partners Care Program

Barnaamijka Partners Care Program waxa loo aasaasay si loo gargaaro bukaanka aanay u banaanayn gargaar caafimaad (Medicaid) ee isla markaana dhakhligoodu sannadkii yahay ama ka hooseeya boqolkiiba 275 Heerka Fakhriga Federalka (Federal Poverty Level). Warqadda codsigu way gaaban tahay waxana lagu weydiinayaa war ku saabsan tirada qoyska, shaqada, dakhliga, bangiga iyo caymiska. Haddii bukaanku ka soo baxayo shuruudaha barnaamijka, isku-darka kharashka cisbitaalku ku leeyahay bukaanka waxa laga dhigayaa eber.

Qofka uu u banaan yahay waxa uu barnaamijku dabooli doonaa kharashkiisa mudo ah ilaa hal sanno haddii aan isbeddel weyni ku dhicin dakhliga. Waa in bukaanku codsadaan Medicaid loona diido ka hor inta aan loo oggalaan barnaamijka Partners Care Program.

Barnaamijka Daryeelka Allina Partners Care

Partners Care Program Shuruudaha dakhliga

Aanuu u banaanayn Medicaid) waa inuu yahay ama ka hooseeyo boqolkiiba 275 Heerka Fakhriga Federalka

Tirada qoyska

Dakhliga sannadkii

Dakhliga bishii

1 $41,415.00 $3,451.00
2 $56,210.00 $4,684.00
3 $71,005.00 $5,917.00
4 $85,800.00 $7,150.00
5 $100,595.00 $8,382.00
6 $115,390.00 $9,615.00
7 $130,185.00 $10,848.00
8 $144,980.00 $12,081.00
  • Qoysaska ka kooban wax ka badan 8 xubnood, ugu dar $14,795 halkii xubin ee dheeraad ah.
  • Maalka Kaashka. Sannadka 2016, xadka maalka kaashka ahi waa $20,000.00. tiro kasta ha ahaado qoysku.
  • Adeegyada ay bixiyaan dhakhaatiirka aan ahayn Allina Health ama adeegyada kaabista ah(sida dhakhaatiirta, raajoyaqaanka, iyo dhakhaatiirka suuxinta) si gooni ah ayaa loo soo dalacaa kumana jiraan barnaamijkan.

Cisbitaalada United Hospital iyo Abbott Northwestern Hospital waxay caruurta da'doodku ka hooseyso 12 sanno u gudbiyaan Children's Hospitals and Clinics (Cisbitaalada iyo Kiliinigyada Caruurta) ee Minnesota.

Children's Hospitals and Clinics waxay leeyihiin barnaamij daryeel oo samofal ah oo ka dawanaan kara barnaamijka Allina Health. Haddii aad u baahan tahay war ku saabsan barnaamijka Children's Hospitals and Clinics, waa inaad wacdid 612-813-6456.

Uninsured Discount Program

(Barnaamijka Qiime-dhimista Caymis Laawaha)

Barnaamijkan waxa loogu talogalay kaliya cisbitaalada iyo kiliinigyada ku yaala cisbitaal.

Haddii aanuu kuu banaanayn Medicaid ama barnaamijka Partners Care Program, marka aad tahay bukaan aan lahayn caymis caafimaad waxa lagu siin doonaa qiime-dhimis ah kharasyada cisbitaalka ee caafimaad ahaan laga fursan karin. Qiime-dhimista waxa lagu muujin doonaa biilkaaga. Bukaanka leh caymis caafimaad ee la siiyo adeegyo caafimaad ahaan lagama-maarmaan ah ee aanuu daboolaynin caymiskoodu ayaa sidoo laga yaabaa in qiime-dhimistu u banaan tahay.

Haddii aad qabtid wax su’aalo ah oo ku saabsan qiime-dhimista caymis laawaha, fadlan wac Xarunta Xidhiidhka Macmiilka (Customer Contact Center) oo teleefonkeedu yahay 612-262-9000 ama 1-800-859-5077.

Xaalado Gaar ah

(qof kasta xaaladdiisa gaar baa loo fiirinayaa)

Adeegyada Gargaarka Dhaqaale ayaa qiimeyn u sameyn doonaa bukaanka leh Xaalado Gaar ah. Waxa dhici karta xaalad bukaanka u keenta dhacdo daran oo dhaqaale ahaan cidhiidhi galisa; markay taasi jirto shaqaalaha barnaamijka ayaa go’aamin doona sida ugu fiican ee dhaqaale ahaan loo taageeri karo bukaanka.

Adeegyada Dhaqaale MedCredit

Waxay ikhtiyaar ah daymin siiyaan bukaanka aan awoodin inay bixiyaan kharash ah bishii oo sareeya mudo gaaban. MedCredit waxay meel isugu keeni karaan dhammaan kharashyada daryeelka caafimaadka ee ka imanaya bixiye ka qaybgala barnaamijka oo bukaanka siiya adeegyada MedCredit Financial Services. Looma baahna codsi daymin mana jiraan kharash ah sannadkii. Qiimaha boqolkiiba sannadkii waa 8 boqolkiiba (ka yar .67 boqolkiiba bil kasta).

Haddii baaqiga xisaabta si buuxda loo bixiyo gudaha 90 maalmood laga bilaabo maalinta la is qoro MedCredit, dulsaarka waa lagaa dhaafayaa. Si aad dheeraad uga ogaato, wac 763-585-8444 ama 1-800-755-0965.