Xanuunka ka-dib dhalmada
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Xanuunka ka-dib dhalmada

War guud

English:  Pain after birth

Waa adiga qofka kaliya ee si sax ah u sheegi kara xanuunkaaga. Kalkaalisadaadu waxay ku weydiin doontaa inaad xanuunkaaga ku qiimeysid miisaan ka bilaabma eber (ma jiro xanuun) ilaa 10 (xanuunka ugu daran) inta aad ku jirtid cisbitaalka. (Fiiri miisaanka xanuunka ee hoose.)

wong baker pain scale somali

Ujeedadu waxa weeye in xanuunkaaga lagu hayo inta u dhexeysa 3 ilaa 4, taasoo laga soo qaado inuu u dhexeeyo "xanuun ah wax yar" iyo "xanuun wax yar intaas ka sii badan."

Waxa aad arki doontaa xoogaa xanuun ah, waana wax la filayo. Kooxda daryeelka caafimaadkaaga ayaa kaa gargaari doonta maareynta xanuunkaaga si aad u heshid natiijooyinka ugu fiican mudada soo kaabashadaada ama soo fiicnaantaada.

  • Haddii dhalmadaadu ahayd dhalmo hoosta ah oo leh jeexis (episiotomy) ama dilaac, waxa aad dooran kartaa inaad isticmaashid xidhmooyin baraf ah si loo xakameeyo xanuunka.
    • Waxa aad qaadan kartaa dawada xanuunka (oo afka laga qaadanayo) si gargaar looga geysto maroojinta dhacda marka ilmo-galeenku isku ururayo (yaraanayo) oo ku noqonayo cabirkiisa ka hor uurka.
    • Hadafku waxa weeye in xanuunkaaga lagu hayo inta u dhexeysa 3 ilaa 4 oo ah miisaanka xanuunka. La hadal kalkaalisadaada haddii aanad u maleynaynin in xanuunkaaga si fiican loo daweeyo.
  • Haddii dhalmadaadu ahayd qalitaan, waxa dawada xanuunka lagaa siin doonaa xidid (IV) ilaa aad ka awoodid inaad dawada xanuunka afka ka qaadatid.
    • Hadafku waxa weeye in xanuunkaaga lagu hayo heer u dhexeeya 3 ilaa 4.
    • Gudaha sideed saacadood ka dib qalitaankaaga, kalkaalisadaadu waxay kaa gargaari doontaa inaad ka soo degtid sariirta oo aad ku socsocotid qolka. Socodku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad sameyn kartid si loo dedejiyo bogsashadaada. Naqas ama neef xanuun leh ayaa badanaa la arkaa ka dib qalitaanka waxana uu socodku kaa gargaari doonaa inaad ka nafistid xanuunkaas.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Xanuunka Ka-dib Dhalmada, pain-somali-ah-15061
First Published: 01/15/2014
Last Reviewed: 01/15/2014