Tirada dhaqaaqa uur-jiifka
Goorta la waco bixiyahaaga daryeel caafimaad

Wac bixiyahaaga daryeel caafimaad haddii:

  • haddii ilmahaagu aanuu dhaqaaqin 10 jeer gudaha 2 saac
  • ad dareentid isbeddel weyn oo ku dhacay firfircoonida ilmahaaga
  • ad ka walwalsan tahay heerka firfircoonida ilmahaaga
  • haddii aad qabtid su'aalo ama walaac
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Tirada dhaqaaqa uur-jiifka

Dhaqdhaqaaqyada ilmahaaga ku jira uurka

English: Fetal movement counts

Intii lagu jiro bilawga saddex-biloodkaaga saddexaad waxa laga yaabaa inaad dareentid inaad sidid ciyaartooy. Waxa aad dareemi doontaa haraati badan, is wareejin, is rogid, higasho iyo dhaqdhaqaaqyo kale inta u dhexeysa mudooyinka degan. Marka la gaadho bisha ugu dambeysa ilmahaagu wuu koray waxana uu ku dhawaaday inuu ka dhammaado qol uu ku dhaqdhaqaaqo! Waxa laga yaabaa inaad u maleysid in ilmahaagu aannuu u dhaqdhaaqaynin sidii hore.

Marka aad la socotid tirada dhaqdhaqaaqyada ilmahaaga maalin kasta waxa aad baran doontaa qaabka firfircoonida ee ilmahaaga uurka ku jira. Taasi waxay gargaar ka geysan kartaa inay kuu digto haddii ilmuhu aannuu dareensaynayn fiicnaan.

Tirada dhaqaaqa uur-jiifka

Ilmo kasta oo uurka ku jira waxa uu leeyahay wakhtigo hurdo iyo toosid oo caadi ah, sidaa daraadeed ilmahaagu wuxu lahaan doonaa mudooyin ah wakhti deganaan iyo wakhti firfircooni. Dhaqaaqu waxa uu noqon karaa haraati, iskala bixin, dhinac jeesi ama is rogid.

Isku-dar ah 10 ama ka badan oo ah dhaqaaqyo kala baxsan gudaha laba saacadood waxay tilmaamaysaa in ilmahaagu fiican yahay. Haddii ilmahaagu uu dhaqaaqo in ka yar intii caadiga ahay, waxay taasi caalamad u noqon kartaa inuu ku jiro ama ay ku jirto dhibaato ama in dhibaato ay soo bilaabmayso.

Haddii aanad dareemin ilmaha uurka ku jira oo dhaqaaqaya in mudo ah, cun in cunto ah oo cab in biyo ah. Haddii aanad ka dareemin dhaqaaq ka dib 1 saac oo nasasho ah, wac bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ama xarunta dhalidda.

Goorta la tiriyo

Hal mar maalintii, inta lagu jiro saddex-biloodka saddexaad ee uurkaaga, qor firfircoonida ama dhaqaaqa ilmahaaga. Dooro wakhtiga u maalintii ilmahaagu firfircoon yahay. Isku day inad tan sameysid isku wakhti maalin kasta.

Haddii aanad awoodin inad joojisid sigaarka, isku day in aanad cabbin sigaar ugu yaraan 1 saac ka hor inta aanad bilaabin tirinta. Sigaar cabbistu waxay yareynaysaa qaddarka oksijiin ee ilmahaagu helayo. Tani waxay keeni kartaa inay yaraato firfircoonida ilmahaaga.

Sida loo tiriyo

  1. Dooro meel degan oo kuu saamaxaysa inad u fiirsatid dhaqaaqyada ilmahaaga.
  2. U jiifo dhinac ama ku fadhiiso kursi raaxo leh.
  3. Qor wakhtiga aad bilaabtid tirinta dhaqdhaqaaqyada. (Isticmaal shaxanka ku yaala dhabarka.) Hal calaamad samee wakhti kasta oo ilmahaagu sameeyo haraati, is maroojiyo ama leexdo. Ha tirin higada. Wad tirada illaa ad ka dareentid 10 dhaqaaq. Ha wadin tirinta wax ka badan laba saacadood.
  4. Marka ilmahaagu dhaqaaqay 10 jeer, qor wakhti la joogay. Qor isku-darka wakhtiga ay qaadatay inad tirisid 10 dhaqaaq. (Badanaa, 10 dhaqaaq waxay dhacaan mudo ka yar 30 daqiiqadood.)

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Tirada Dhaqaaqa Uur-jiifka, ob-somali-ah-15525
First Published: 12/12/2012
Last Reviewed: 04/12/2017