Foosha soo hormartay
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Foosha soo hormartay

English: Preterm labor

Foosha soo hormartay waa fool bilaabantay ka hor inta aanu dhamaan 37 todobaad oo ah uur. Ilmahaagu waxa uu yeelan karaa dhibaatooyin caafimaad oo culus haddii uu dhasho goor aad u horeysa.

Marmarka qaarkood umusha waa la hakin karaa ama la daahin karaa, taasoo ilmahaaga siinaysa wakhti dheeraad ah oo uu ku koro. Waxa dhib noqon kara sidii lagu kala garan lahaa foosha dhabta ah iyo ta soo hormartay. Bixiyahaaga daryeel caafimaad ayaa kuu sheegi kara haddii aad qabtid fool soo hormartay isaga oo kuu sameynaya baadhitaan oo eegaya inay jiraan wax isbeddelo ah oo ku dhacay surka ilmo-galeenkaaga.

Fariimo Guudo oo Kaa Gargaaraya in Laga Hortago Fool Xilligeeda ka Soo Hormarta

Haddii ad halis u tahay fool xilligeeda ka soo hormarta:

  • Marrar badan faaruqi kaadi-haystaada.
  • Cab cabbitaano badan, gaar ahaan biyo. Cab in ku filan inay kaadidaada ka dhigto mid midabkeedu yahay hurdi ama jaale.
  • Cun cuntooyin uu ku badan yahay dufku ama buushuhu.
  • Cun cunto si wacan u miisaaman.
  • Ha isticmaalin sigaar, khamri ama daroogo.
  • Iska ilaali hawlaha adag sida gucleynta, ciyaarta boodboodka ah ama wax badan oo aad fuushid salaanka ama jaranjarta.
  • Sare ha u qaadin caruur yaryar, dhar culus, adeegga dukaanka, sanduuqyo, ama alaab taala goobta shaqada.
  • Iska ilaali nadiifinta culus sida dhulka oo aad xoqdid, alaabta ama wiciyadda guriga oo aad qaadid ama faakiyuum aad marisid guriga.
  • Ha qaban shaqo ah daaradda guriga.
  • Iska ilaali safarada baabuurka ee soconaya wax ka badan 30 daqiiqadood, hana raacin dayuurad.
  • Iska ilaali dareen-kicinta naaska ama ibta ama galmo.

Dhakhtartaaga ama bixiyahaaga daryeel caafimad ayaa kuu sheegi doona haddii ay jiraan wax hawlo ah oo lagaa mamnuucayo.

Calaamadaha digniinta u ah fool soo hormartay

Calaamadaha digniinta u ah fool soo hormartay waxa ka mid ah:

  • isbedel ama korodh ku dhacay dheecaanka hoosta haweenayda ka imanay
  • dhiigid ah siilkaaga 
  • butaacid dhakhso ah ama dheecaan ka yimaada siilkaaga
  • qaab joogto ah oo ah 6 ama la badan oo ah foolqabashooyin gudaha 1 saac
  • iisku-ururid u eeg maroojinta caadada haweenka oo socota wax ka badan 1 saac
  • giigsanaan ah caloosha
  • icadaadis miskaha ah oo soo kordhay oo jira in ka badan 1 saac
  • idakaan ah hoosta haweenayda, qabashooyin ah bawdada, ama adiga oo dareema in ilmahaagu hoos isku soo riixay
  • iqabasho ah mindhicirka oo leh ama aan lahayn shuban ama calool qasan oo jirta in ka badan 1 saac
  • dareemidda in aan arrimuhu sax ahayn

Sida isku-ururiddu u shaqeyso loona dareemo

Ilmo-galeenkaagu waxa leeyahay qaab u eeg khudradda la yidhaahdo cambaruud, oo hoos u foora oo ku yaala miskahaaga. Halkiisa hoose waxa la yidhaahdaa qoorta, taasoo ku taala xagga hoose ee ilmo-galeenkaaga.

Darbiga ilmo-galeenkaagu waa muruq. Marka muruqaasi isku ururo, waa uu adkaada waxana uu noqdaa mid u giigsan sida muruqyada kale ee jidhkaaga. Marka uu isku-ururiddu joogsato, ilmo-galeenkaagu markale ayuu jilicsanaadaa.

Isku-ururidda waxa aad moodaa sida dareen giigsanaan, oo u eeg qabashooyinka caadada, xanuun khafiifka ah oo dhabarka dambe ah ama xanuun ah xagga hore ee bawdyaha.

Waa caadi in ilmo-galeenkaagu isku ururo marrarka qaarkood inta aad uurka leedahay. Ilmo-galeenkaagu in badan ayuu isku ururayaa ama maroojismayaa haddii aad dareentid lix ama wax ka badan oo ah isku-ururid ama majoorin saacad gudaheed.

Sida loo hubiyo foolqabashooyinka

Si aad u hubisid isku-ururid ama majoorin, u jiifso dhinacaaga bidix. Caarada farahaaga saar caloosha (oo wax yar ka sareysa xuduntaada). Haddii aad darentid calooshaada oo giigsameysa (adkaanaysa) oo soo gaabanaysa (jileec noqonaysa), waxa ku haya isku-ururid.

Tiri wakhtiga u dhexeeya isku-ururidda laga bilawga bilaabo hal giigsanaan ilaa bilawga ta xigta. (Waxa laga yaabaa in isku-ururidda qaarkood ka xoog weyn yihiin kuwa kale).

Waxa la sameeyo haddii aad u maleynaysid inay ku hayso isku-ururid

Haddii ad u maleynaysid in biyahaagu dilaaceen, ama haddii ad qabtid dhiigid, isla markiiba wac bixiyahaaga daryeelka caafimaadka.

Haddii aad leedahay qabashooyin/maroojin ama xanuun:

  • Cab laba ilaa saddex koob oo ah biyo ama miir khudaar.
  • Faaruqi kaadi-haystaada (kaadi).
  • U jiifso dhinacaaga bidix oo naso.

Dib u hubi calaamadahaaga. Haddii aad wali leedahay calaamado ah fool, wac bixiyahaaga daryeel caafimaad. 

Baadhitaanada fool soo hormartay

Marka aad joogtid cisbitaalka, waxa laga yaabaa in dhakhtarkaaga ama bixiyahaaga daryeel caafimaad uu damco in uu sameeyo dhamaan ama qaar ka mid ah baadhitaanada soo socda:

  • la-socodka uur-jiifka (fetal monitor) si loo hubiyo isku-ururidda
  • baadhitaan hoosta ah iyo fiirin ah surka ilmo-galeenka
  • baadhitaano shaybaadh oo ah caabuq, baadhitaano lagu ogaanayo haddii ad halis u tahay umulid soo hormartay, ama labadaba.

Daweynta foosha soo hormartay

Waxa jira siyaabo badan oo lagu daweeyo foosha soo hormartay. Waxa ka mid ah:

 

  • hooreyaal lagaa siiyo afka, xidid (IV) ama labadaba
  • dawo lagu joojinayo isku-ururidda ama maroojinta ilmo-galeenka
  • dawooyin lagu daweynayo cudurada
  • nasasho sariirta ah. Jiifka (halka aad ka fadhiyi lahayd ama ka taagnaan lahayd) ayaa culayska ka yareyn kara surka ilmo-galeenkaaga. Iska ilaali in aad u jiifsatid dhabarkaaga. Dhinaca oo aad u seexatid ayaa u fiican dhiigga u gudbaya ilmahaaga

Marrar badan, waxa foosha soo hormartay lagu daweyn karaa guriga. Marrar kale, waxa loo baahan yahay cisbitaalka oo aad joogtid. Dhakhtarkaaga ama bixiyahaaga daryeel caafimaad ayaa go’aan ka gaadhi doona waxa kuu fiican.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Foosha Soo Hormartay, ob-somali-ah-13702
First Published: 12/15/2011
Last Reviewed: 12/15/2011