Cadaadiska dhiigga ee sareeya wakhtiga uurka
obhomecare hypertension

Allina Health Home Health – kalkaaliso Hooyada iyo ilmaha yar ee dhashay ayaa baarta/cabirta ugana jawaabta su'aalaha ku saabsan dhiigkarka mudada uurka la leeyahay.

Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Cadaadiska dhiigga ee sareeya wakhtiga uurka

Cadaadiska dhiigga ee sareeya

English: High blood pressure during pregnancy

Cadaadiska Dhiigga ee Sareeya Macnaha cadaadiska dhiigga ee sareeya (high blood pressure) ama dhiig kar, sida dadka qaarkii u yaqaanaan, waxa weeye cadaadiska dhiigga ee gudaha xididadaada dhiigga ama halbowleyaashaada ayaa waxa uu yahay heer ka sareeya ka caadiga ah. Waxay taasi keeni kartaa halis caafimaad wakhti kasta, waxana ay sii halis tahay wakhtiga uurka. Haddii aan la daweyn, waxay dhibaatooyin culus u keeni kartaa adiga iyo ilmahaaga. 

Cadaadiska dhiigga ee sareeya waxa kale oo afka Ingiriisiga loo yaqaanaa "hypertension."

Cadaadiska dhiiggaagu waxa uu leeyahay laba tiro:

  • Tirada sare (systolic) waxay muujinaysaa cadaadiska gudaha halbowleyaashaada marka wadnahaagu garaac sameynayo.
  • Tirada hoose (diastolic) waxay muuji-naysaa cadaadiska gudaha halbow-leyaashaada marka wadnuhu nasanayo.

Inta uurku jiro, waxa la yidhaahdaa waxa aad leedahay cadaadis dhiig oo sareeya haddii tiradaada sare ka badan tahay 140 ta hooseena ka badan tahay 90.

Noocyada cadaadiska dhiigga ee sareeya

Waxa jira laba nooc oo ah cadaadiska dhiigga ee sareeya:

  • Cadaadis dhiig oo sareeya oo mudo dheer jiray. Haddii aad leedahy cadaadis dhiig oo sareeya oo mudo dheer jiray, waxa aad qabtay ka hor uurkaaga. Haddii aad qaadatay dawada cadaadiska dhiigga ee sareeya ka hor intaanad uur yeellan waa inaad awoodi kartid qaadashadeeda inta aad uurka leedahay. Dhakhtarkaaga ayaa la socon doonaa dawadaada.
  • Cadaadis dhiig oo sareeya wakhtiga uurka. Uurku waxa uu keeni karaa cadaadis dhiig oo sareeya xiitaa haddii aanad waliga hore u yeellan. Badanaa waxay taasi dhacdaa ka dib todobaadka 20-aad waxana ay iska tagtaa dhakhso ka dib dhalashada ilmaha.

Labada nooc ee cadaadiska dhiigga ee sareeya, labaduba waxay keeni karaan "preeclampsia." Macnaha "preeclampsia" waxa weeye, adiga oo qaba cadaadiska dhiigga ee sareeya, ayaa waxa kale jira in kaadidaada ay leedahay nooc borootiin ah. Dhakhtarkaaga ayaa si aad ah kuula socon doona.

U sheeg dhakhtarkaaga haddii aad qabtid mid ka mid ah waxyaabahan soo socda:

  • miisaan kordhid degdeg ah oo ka badan 1 rodol maalin gudaheed
  • barar fuulay wajigaaga iyo gacmahaaga
  • qadaro kaadi ah oo yar oo madow
  • madax-xanuun daran ama joogto ah
  • aragga indhaha oo isku darsamay ama dhibco hor socda indhahaaga
  • xanuun aad ka dareentid dhinac midigta ah ee calooshaada, xanuun calool qasan oo khafiif ah oo aad ka dareentid feedhaha hoostooda ama aagga caloosha iyo/ama calaamado u eeg kuwa ifilada
  • dareen fiigsanaan

Haddii aan la daweyn, "preeclampsia" waxay noqon kartaa mid halis galin karta naftaada ama nafta ilmahaaga. Wac dhakhtarkaaga haddii aad qabtid ka mid ah calaamadaha sare.

Qodobada keena in qofku halis sare u yahay cadaadiska dhiigga ee sareeya wakhtiga uurka

Sababta keenta cadaadiska dhiigga oo sareeya wakhtiga uurka lama yaqaano. Hase yeeshe, waxa aad ka sii halis badan tahay dumarka kale haddii:

  • aad taariikh gaar ah u leedahay cadaadis dhiig oo sareeya oo mudo dheer soo jiray (dhiig kar) ama cadaadis dhiig oo sareeya wakhtiga uurk
  • qoyskaagu uu taariikh u leeyahay cadaadis dhiig oo sareeya
  • aad uur yeellatay markii ugu horeysay
  • da'daadu ka weyn tahay 40
  • aad uurka ku sidid in ka badan hal ilmo
  • aad leedahay xaaladaha caafimaad qaarkood sida sonkorta (kaadi-macaan) ama cudur kalyo
  • aad tahay Afrikaanka Maraykanka

Sida lagaaga baadho 'preeclampsia'

Si lagaaga baadho "preeclampsia" marka kasta oo aad dhakhtarka timaadid, shaqaaluhu waxay eegi doonaan miisaankaaga iyo cadaadiska dhiigga, waxana ay kaadidada ka baadhi doonaan borootiin. Dhakhtarkaagu waxa uu baadhayaa miisaan kordhid degdeg ah, borootiin laga raadinayo kaadidaada, iyo cadaadis dhiig oo soo kordhay

Natiijooyinka baadhitaanku waxay dhakhtarkaaga ka gargaari doonaan inuu ogaado haddii aad yeellanaysid "preeclampsia." Haddii aad yeellatid "preeclampsia," waa la daweyn karaa.

Sida loo daweeyo 'preeclampsia'

Daweyntu waxay ku xidhan tahay sida calaamadaha aad isku aragtay khafiif u yihiin ama u daran yihiin.

  • Guud ahaan, haddii aad qabtid "preeclampsia" khafiif ah, waxa jiri doona booqashooyin badan oo aad dhakhtarka ku timaadid iyo baadhitaano badan si loo eego caafimaadka ilmahaaga. Baadhitaanada waxa ku jira tirinta dhaqdhaqaaqa uur-jiifka iyo "ultrasound." Waxa kale oo dhici karta in laguu qoro sariir-jiifid.
  • Guud ahaan, marka aad qabtid "preeclampsia" daran, waxa laga yaabaa inaad u baahato adeegyada kalkaalinta ama daryeelka oo guriga ah ama aad joogtid cisbitaalka. Go'aanka in lagaa dhaliyo ilmaha waxay ku xidhnaan doontaa halista ku haysata iyo caafimaadka ilmahaaga. Waxa laga yaabaa in foosho sideeda iskaga bilaanto, laguu bilaabo ama in dhakhtarkaagu kuu ballamiyo qalitaan. Waxa laga yaabaa in ilmahaagu dhalashada ka dib joogo goob daryeel ilmo oo gaar ah.

Haddii aad qabtid wax su'aalo ah ama walwal, fadlan la hadal dhakhtarkaaga.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Cadaadiska Dhiigga ee Sareeya (Dhiig Karka) Wakhtiga Uurka, ob-somali-ah-13338
First Published: 12/15/2004
Last Reviewed: 12/15/2004