Baadhitaanka fibronectin ee uurjiifka
Muhiim ah

Waxa muhiim ah inaad dhakhtarka u sheegtid haddii aad yeellatid galmo ama hoosta biyo ku tuujisay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay.

Waxyaabahaasi waxay keeni karaan in natiijooyinka baadhitaanku khalad noqdo.

Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Baadhitaanka fibronectin ee uurjiifka

Taariikdha umushaada waxa ka hadhay todobaadyo, hase yeeshee waxa aad leedahay qabasho uurka ah ama foolqabasho. Badanaa waa dhib sidii loo ogaan lahaa haddii qabashooyinkaasi yihiin foolqabasho hormaris ah.

Dhakhtarkaagu waxa uu amray baadhitaanka "fibronectin" ee uurjiifka (fetal fibronectin) (fFN). Baadhitaankaasi waxa uu gargaar ka geysan doonaa in la ogaado haddii qabashooyinkaasi yihiin nooca keeni kara in ilmahaaga ka soo hormaro wakhtigiisii.

Waa maxay 'fibronectin?'

"Fibronectin" (fy-bro-neck-tin) uurjiif waa walax aad xabag moodo oo kiishka mandheerta ee ku wareegsan ilmaha ku xidha gidaarka gudaha ilmo-galeenkaaga.

Foolqabasho ayaa keeni karta in fFN ay soo baxdo. Marka taasi dhacdo, waxa fFN laga heli karaa dheecaanka hoostaada. Haddii uurkaagu u dhexeeyo todobaadyada 23-aad iyo 34-aad isla markaana dhakhtarkaaga kaa helo fFN, waxay taasi noqon kartaa calaamad sheegaysa in ilmahaagu ka soo hormarayo wakhtigii caadigaa ahaa.

Sidee baa loo sameeyaa baadhitaanka 'fibronectin?’

Si taxadir leh ayuu dhakhtarkaagu xaggaaga hoose u galin doonaa kala-qabte. Waxa uu dhakharku isticmaali doonaa suuf gaar ah si dheecaanka qayb looga soo qaado (waa sida baadhitaanka surka ilmogaleenka (Pap smear)).

Ka dib qaybtaa dheecaanka ah waxa loo diraa shaybaadhka si loo soo baadho. Natiijooyinka baadhitaanka waxa caadi ahaan la helaa gudaha 2 saacadood ka dib markii shaybaadhku helay qaybta dheecaanka ah.

Waxa muhiim ah inaad dhakhtarka u sheegtid haddii aad yeellatid galmo ama hoosta biyo ku tuujisay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay. Waxyaabahaasi waxay keeni karaan in natiijooyinka baadhitaanku khalad noqdo.

Waa maxay macnaha natiijooyinaka baadhitaanku? 

Haddii baadhitaanka fFN uu noqdo waxba isla markaana aanay jirin calaamado kale oo sheegaya fool soo hormartay (surka ilmo-galeenka oo khafiif noqda ama furma), uma eeka (boqolkiiba 99.2) in ilmahaagu uu dhalan doono gudaha 2-da todobaad ee soo socda. Ogaanshaha la ogaado in natiijadu noqotay waxba waxay dhakhtarkaaga ka gargaari kartaa inuu iska ilaaliyo dawo uu kuu qoro oo aanad u baahnayn ama ku dhigo cisbitaalka.

Haddii baadhitaanku yahay wax baa la helay, waxa jira suurogal sare (ilaa boqolkiiba 40) in ilmahaagu dhasho gudaha 2-da todobaad ee soo socda. Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu kuu qoro sariif-jiifid iyo/ama dawo kaa gargaari doonta joojinta qabashada.

Goorma ayaa la rabaa inaad wacdid dhakhtarkaaga ka dib marka aad tagtid guriga?

Xiitaa haddii baadhitaanka fFN aan waxba laga helin, ha is moodsiin qabashada wakhtiga intaa ka dambeeya. Waxa muhiim ah inaad dhakhtarkaaga u sheegtid wixii ah calaamadaha suurogalka ah ee lagu yaqaano foosha soo hormartay.

Wac isla markiiba dhakhtarkaaga Xarunta Umusha ee cisbitaalkaaga haddii aad isku aragtid mid ka mid ah calaamadahan soo socda.

Qofka teleefonka kaa qabta u sheeg, "Wakhtigii ilmahaygu dhalan lahaa lama gaadhin taasoo ahayd ________ laakiin waxa aan isku arkay calaamadahan _____________________________________________."

Calaamadaha foosha soo hormartay waxa ka mid ah:

  • lix ilaa sideed (wax ka badan) oo ah qabasho gudaha 1 saa
  • qabasho u eeg qabashada caadada (oo joogto ah ama marna imanaysa marna tagaysa
  • cadaadis miskaha ah (waxa aad moodaysaa in ilmuhu riixitaan uu ku soo baxayo sameynayo
  • dhabar xanuun khafiif ah (oo joogto ah ama marna imana marna tagaya)
  • calool qabasho (leh ama aan lahayn shuban)
  • korodh ama isbeddel ku dhaca dheecaanka hoosta
  • dareen ah in "wax aanay sax ahayn."

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Baadhista Caqabadda Gulukoosta, ob-somali-ah-16686
First Published: 07/15/2015
Last Reviewed: 07/15/2015