Amaanka dhawaan-dhaladka ee cisbitaalka
banding on mom290x208
U hubso in duubka isku mid ah ee aqoonsiga uu ku xidhan yahay adiga, nuunuugaaga ama ilmahaaga iyo qofkaaga taageerada wakhti kasta inta aad joogtid cisbitaalka.
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Amaanka dhawaan-dhaladka ee cisbitaalka

Amaanka qoyskaagu waa muhiim

Xarun Dhalmo kasta waxay leedahay qorshe amaan oo u gaar ah. Kalkaalisooyinka ayaa kula fiirin doona qorshaha.

Ka dib dhalashada, nuunuugaaga ama ilmahaaga iyo hal qof taageero ayaa lagu xidhi doonaa duub aqoonsi oo leh lambaro isku mid ah. Lambarka aqoonsiga ee ilmahaaga iyo kaaga ayaa la isku eegi doonaa ka dib wakhti kasta oo adiga iyo ilmahaaga kala maqnaataan.

  • Waxa aad muhiim u ah in duubka aad xidhnaataan adiga iyo ilmahaagu ilaa inta aad ka baxaysaan cisbitaal (saarid).
  • Adiga iyo qofka taageerada ee duubka xidhan kaliya ayaa ilmaha ka soo qaadi kara goobta xanaanada. Haddii uu duubku dhaco, fadlan u sheeg kalkaalisada.

Goobta xanaanada waa la qufulaa amaanka qoyskaaga daraadii. Waa in ilmaha dhashay ay joogaan Xarunta Dhalmada wakhti kasta iyada oo ilmuhu u baahan yahay in la geeyo qayb kale si loo baadhayo mooyaane. Marka taasi dhacdo, waad raaci kartaa ilmahaaga sii-socod iyo soo-socod marka baadhis loo sameynayo.

Haddii aad kali joogtid qolkaaga, markasta ilmahaaga ku hay meel aad ka arki kartid.

  • Haddii ay noqoto inaad tagtid musqusha ama qubeys tagtid, xidh albaabka qolka oo ha kuu furnaado qolka musqushu.
  • Marka ay suurtogal tahay, xoolku ilmuhu ha yaalo dhinaca sariirta ee ka sii jeeda albaabka.

Fadlan ilmaha u daa xoolka marka aan gacmaha lagu hayn. Ilmahaaga ha jiifin sariirta ka dibna ha ka fogaan. Xiitaa dhawaan-dhaladku way soo dhacaan.

  • Weydiiso kalkaalisadaada sida qolalka dhexdooda loola socdo ilmahaaga.
  • Xoolka u hay ilmaha dhamaan wakhtiga uu ku jiro cisbitaalka.
  • Waa in qof xidhan duub uu la joogo ilmahaaga marka uu joogo dibadda qolkaaga.

Ha siin ilmahaaga qof kale haddii qofkaasii aanu xidhnayn kaadh magac oo leh midabka gaarka ee kalkaalisadaadu kuu sheegi doonto.

  • Haddii qof aan la garanaynin soo galo qolka oo ku weydiiyo su’aalo ku saabsan ilmahaaga ama ku weydiisto inuu qaato ilmahaaga, wac kalkaalisadaada si ay u garato qofka.
  • Haddii aad ku talojirtid inaad ka baxdid Xarunta Dhalmada, u sheeg kalkaalisada inaad ilmahaaga kaga tagaysid saaxiib ama qof qoyska ka tirsan.

Ha la seexin ilmahaaga marka. Heer wadan, waxay la sheegay dhacdooyin ah ilmaha oo ku dhacay dhulka cisbitaalka markii waalidku seexdeen iyaga oo quudinaya ama gacmaha ku haya ilmahooda. Waxa jira dhacdooyin ah in ilmaha uu bakhtiin gaadhay waalid seexday.

Ha la seexin ilmahaaga marka aad ku nasanaysid sariirta, kursi jiif ama kursi.

  • Daal ku haya ama dawada xanuunka ee ku jirta jidhkaaga ayaa kordhin kara halista inaad seexatid adiga oo gacmaha ku haya ilmahaaga.
  • Marka dareentid hurdo ama ku talo-jirtid inaa seexatid, ilmahaagu dhig xoolka.
  • Haddii aad seexatid adiga oo ilmahaaga ku haya sariirtaada ama gacmahaaga, kalkaalisada wareegaysa ayaa ilmaha u wareejin doonta xoolka.
  • Fadlan wac kalkaalisadaada haddii aad u baahan tahay gargaar.

Akhri warka ku jira galkaaga ee ku saabsan hurdada amaan ah iyo boosaska ugu fiican ee ilmahaaga loogu meeleeyo hurdada.

Habka ugu fiican ee ilmahaaga lagaga badbaadiyo jeermiga waa iyada oo loo hubsado in qof kasta oo taabta ilmahaaga uu si fiican u dhaqay gacmihiisa.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Amaanka Dhawaan-dhaladka ee Cisbitaalka, ob-somali-ah-15053
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 01/15/2015