Qof kasta ayay ku dhici kartaa, laakiin waxa jira RAJO
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

thrive junewk1 istock 76117877 double 214x1921
Budhcadnimada qoyska dhexdiisu waxay ku dhici kartaa qof kasta, laakiin waxa jirta rajo.

Qof kasta ayay ku dhici kartaa, laakiin waxa jira RAJO

Qof kasta ayay ku dhici kartaa...

Cidlo. Xanuun qalbiga ah. Eedeyn. Cay. Garaacid. Sharaf-dil. Xukumis. Hinaase. Xumeyn. Dayacid. Galmo Qasab ah.

Budhcadnimada qoyska dhexdiisu waa:

  • awood iyo xukun qof ku hayo qof kale
  • isticmaalka budhcadnimo ama hanjabaad budhcadnimo si qof kale loo xukum
  • dambi 

Minnesota dhexdeeda afartii dumar ah mid baa intay nooshahay la xumeeyaa.

Budhcadnimada qoyska dhexdiisu waxay ku dhici kartaa qof kasta, laakiin waxa jirta rajo.

Sidee bay budhcadnimada qoyska dhexdiisu u saameysaa…

  • qofka la xumeeyay. Qofka la xumeeyay waa qof ka go’an dadka kale, ay haysato isqadarin hooseysa, diiqad, rajo la’aan, isticmaalka kiimikada oo kordhay, cudur niyadda iyo jidhka ah, xanuun iyo dhaawac. Marmarka qaarkood qofka la xumeynayay waxa dhacda in nafta laga jaro.
  • qofka xumeynta sameeya. Qofkaasi waxa xidhiidhka uu qofka kale la leeya-hay ku dhisaa awood iyo xukun.
  • caruurta. Carurtu waxay yeeshaan isqadarin hooseysa iyo dareen dambi-qabis; waxay kaloo qabaan cuduro niyadda iyo jidhka ah. Budhcadnimadu waa dhaqan la barto. Waxay u badan tahay in caruurta ku nool hoy budhcad-nimo ka dhacdo ay iyaguna sameeyaan isla wixii ay arkeen ama maqleen.

Ma jirtaa in wehelkaagu ama qof ku daneeya u…

  • ka hinaaso ama ka masayro wakhtiga aad la qaadatid saaxiibadaa, qoyska ama shaqaalaha kula shaqeeya
  • yahay qof si fudud uga xanaaqa dhibaatooyinka maalin kasta jira sida caruurta o sanqadh sameeya
  • xukumo tirada lacagta aad isticmaashid ama inta aad lacag haysatid
  • leeyahay isbeddel niyadeed oo aan la garaneynin goorta u dhici doono, isagoo hal daqiiqana jaceyl muujinaya, ta ku xigtana naceyb
  • yahay qof u naxariis-daran dadka am xayawaanka?

Ma jirta in wehelkaagu ama qof ku daneeyaa u…

  • xukumo ama isku dayo inuu xukumo meesha aad tagtid ama mudada aad meeshaa joogtid
  • ku toosiyo ka dibna kugu eedeeyo xidhiidh aad qof la yeelatay, kuu hanjabo ama kuu dhaarto
  • kugu yidhaahdo waxyaabo naxaaris-daro ah ama ku dhibaya, ama ku sharaf jabiyo
  • kuu hanjabo, ku geysto xanuun jidhka ah iyo/ama dhaawac ama cabsi ku galiyo
  • jabiyo alaab ama darbiga wax ku dhufto

Gargaar u waco…

Haddii waxyabahaasi ku haystaan, ma tihid qof istaahila in waxaa lagu sameeyo. Adigu ma tihid qof isu keenay waxyaabahaa, waxana aad gargaar ka heli kartaa beesha.

  • Ma jiraan wax cudur-daar ah ama sabab ah oo lagu saleyn karo xumeynta.
  • Aad bay dhif u tahay in xumeyntu mar kaliya dhacdo.
  • Wehelkaaga kaliya ayaa go’aan ku gaadhi karo inuu joojiyo xumeynta. Haddii aanad gargaar helin, caadi ahaan xumeynta way soo korodhaa.

Marka aad u wacatid la-taliye…

  • Dhamaan wicitaaano waa qarsoodi.
  • Adiga ayaa xukunka iska lahaan doonaa dhamaan mudada hadalku ama arrintu socoto, isla markaana adigaa gaadhi doona dhamaan go’aamada.
  • Waxa lagu siin war ku saabsan wixii gargaar aad beesha ka heli kartid.
  • Wicitaanada ka yimaada ragga iyo dumarka ba waa la soo dhaweynayaa.

La-taliyeyaashu waxay u guntadeen in dhibaneyaashu yeeshaan awoodda go’aan gaadhista; waxay kaloo u hubsadaan inay haysataan war buuxa isla markaana la siiyo adeegyo.

Adeegyada bilaashka ah ee la heli karo…

  • hoy ama gabood (shelter) loogu talogalay haweenka iyo caruurta
  • gaadiid
  • war ku saabsan adeegyada dhaqaale ee beesha
  • khad ama teleefon loogu talogalay qalalaasaha/taageerada 24-ka saacadood
  • taageero xagga sharciga ah oo ay ku jirto amarka badbaadinta qofka

Khadka ama teleefonka wakhti kasta

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Qof Kasta Ayay ku Dhici Kartaa, laakiin Waxa jira RAJO, gen-somali-ah-13063
First Published: 01/15/2004
Last Reviewed: 01/15/2004