Naas-nuujinta ilmahaaga
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Naas-nuujinta ilmahaaga

English: Breastfeeding

Salaam, magacaygu waa Fatxiya. Waxaan halkan u Joogaa inaan idinla wadaago qayb ka mid ah macluumaad ku saabsan faa'iidooyinka Naas-nuujinta ilmahaaga.

Naas-nuujintu Waa Hibo, aad adiga uun ku deeqi kartid. Jidhkeena waxa uu samaysan yahay Nuujinta naaska, Ilmhuna waxay dhashaan iyaga oo raba caanaha hooyadood.

Naas-nuujintu waxa ay ilmaha siisaa caafimaad uu ku ababo, waana qayb gaar ah oo dhaqan keena ah. Waxaa jira Faa'iidooyin fara badan oo naas nuujintu ay leedahay, hayeeshee halkan waxaan ku soo qaadanay uun waxaan badnayn.

Caanaha Naaska waxaa ka buuxa nafaqada uu ilmahaagu u baahan yahay ee korisa ama kobcisa. Waayo, Waa caano ilmaha loogu Talo galay. Aad bay u fududahay in jirkoodu uu dheef-shiido. Caanaha naasku waxay ilmaha ka ilaaliyaan xanuuno fara badan iyo jeermiska xanuunada keena. Carruurta naaska la nuujiyo intooda badan kuma dhacaan, xanuunada ay ka mid yihiin, Dhega xanunka, Xasaasiyada, neefta, sonkorow, Kansar, iyo dhibaatooyin kale oo Aan tiro lahayn. Naas nuujintu waxay kale oo kuu tahay caafimaad, waana Jidka saxa ah ee kalgacayka iyo naxariista adiga iyo ilmaha dhasha.

Caanaha Naasku Waa kuwo Aan lacag ku fadhiyin oo jirkaagu uu si dabiici ah u soo saaro. Caanaha ilmaha yaryar la siiyo ee qasaaca ku jira Waa kuwo Qaali ah, welina ma aha caanahaasi kuwo ilmaha u wanaagsan sida Caanaha naaska oo kale. Haddaba Si kalsooni ah ilmahaaga u nuuji naaska Si lacagina kuugu dhiganto.

Ilmahaagu Waxa uu kuu sheegayaa Inaad ogaatid inay tahay xilligii uu jidiinka wax Marin lahaa, waxa uu bilaabaa kuur-kuusasho iyo dhaqdhaqaaq, afka iyo carrabka ayuu iyana dhaqdhaqaajiyaa ama farihiisa ayuu Afka geliyaa si aad u ogaatid inay tahay xilligii quudinta.

Oohintu Waa shayga ugu danbeeya ee ilmahaagu sameeyo, Si aad u ogaatid in la gaaray xilligii uu wax cuni lahaa. Ilmahaaga cusub ee dhashaa waxa uu u baahan yahay inuu had iyo jeer wax cuno.Badanaa, 1-3 saac oo kasta,ama in ka badan 12 jeer maalintii. Waxaad u baahan tahay iyana, inaad hurdada ka toosisid habeenkii Si aad wax u siisid. Ilmuhu waxa kale oo ay maraan marxalad Koritaan oo ku eg 2-4 cisho ah. Waxay wax u cunaan Si ka badan sidii caadada ahayd.

Kumana sii sugnaadaan inay ku qanacsadaan muddo dheer. Tani Waa mid la filayey. Waxaa sii kordha caanaha naaska, markii Ilmahagu sii nuugaba.

Sida oo kale ilmahaagu waxa uu kuu tilmamayaa marka uu Caanaha naaska ka dhergo. Wuu nefisaa, naaska ayuu sii daayaa ama hurdo ayaa qabata. Haddii uu joojiyo isku day in daaco ka timaado. Markaa, ku du' oo u dhig naaska kale. Ha ka werwerin inaad wax badan siiso. Sida dhabiiciga ah ilmahaagu waxa uu naas nuugida joojinayaa marka uu dhergo. Si kale oo lagu garto in ilmahaagii caano ku filan cabbay, waxay tahay, saxaro ka timaada iyo culays ama cayil ku kordha.

Haddaba sidaad ku heli kartaa ilmahaagu inuu bilaabo naas nuujin ? Ku bilow, adiga oo ilmahaaga haya, markaa boggiisaayaa bogga ago ku beegan. Ma jirto Hab gaar ah oo ilmaha loo hayo marka naaska la siinayo. Laakiin, waxaad isaga la rabtaa inuu naas kaaga u soo dhowaado. Sankiisa dhinaca u saar ibta naaska. Naaskaaguna ha xadanteeyo dibnaha ilmaha. Marka afka Ilmuhu uu kala furo, soo riix, markaa daankiisa dhinaca hoose waxa uu soo cadaadinayaa naaskaaga. Tani Waa habka naas ku dhegidda ilmaha. Waxa uu Ilmuhu u baahan yahay inuu Ibta naaska hanto iyo Weliba qaybta madowga wareegsan ee ku hareeraysan ibta naaska, halkaasi oo Afka qalaad loogu yeero Areola. Dib u fariiso cagaha oo kor u taag, oo ku naso adiga oo ilmaha isku dhejinaya, maqaarka, maqaarka u saaraya, xilligaasi oo uu Ilmuhu nuugayo caanihii asalka ahaa.

Haddaba isaga oo ilmahaagu uu korayo, baahidiisa Nafaqadu way is bedeshaa, iyada oo Caanaha hooyaduna ay iyana is bedelaan, Caanahaasi fiicani waxa ay had iyo jeer samaysmaan Waqtiga ku habboon. Markaa, ilaali jidhkaaga xilliga naas nuujinta. Naaskaagu waxaa dhici karta inuu bararo oo noqdo sidii wax jilicsan oo ku xanuuna. Arrintani waxay ku eg tahay waqti gaaban, isaga oo jirkaagu samaynayo xaddi caano tayo leh oo ku habboon ilmahaaga. Haddii meelaha Jilicsan ee Naasku ay noqoto diirimaad oo xumad iyo jirka oo ku xanuunaa ay sii socota, la socodsii Dhaqtarkaaga. Waxaa kugu soo fool leh xanuun naaska ku dhaca oo Afka qalaad loo yaqaan Mastitis.

Waa muhim inaad naas-nuujinta ilmahaaga sii wadatid inta xilligaa lagu jiro, Si naaska aad uga dhammaysid caanaha. Ibta naasahaagu ha noqdaad kuwo engegan ama qalalan inta u dhaxaysa xiliyada nuujinta-Naaska, waana inaad hubisaa in Ilmuhu naaska si fiican ugu dheggan yahay ama u qabsado, Si aad uga fogaatid in Ibtu ku xanuunto.

Waxad xaq u leedahay inaad sii wadid naas-Nuujinta goobta shaqada, iskoolka ama meelaha dadka badani joogaan. Sharciga Federaalka marka loo eego, dadka ama shirkada aad u shaqaysid Waa inay ku siiyaan waqti iyo meel gaar ah oo aad ilamhaaga ku nuujin kartid. Naasahaagu waxay Si joogta ay sameeyaan caanaha, waana ay buuxsamaan karaan naasuhu, marka aad shaqada ku jirtid. Markaa naasaha oo godlada xilliga saacadaha shaqada waxay keentaa in ilmahaagu naaska nuugo, dabiici ahaana, waxay dhib yaraysaa cadaadiska jidhkaaga.

Iyada oo dadka qaar ka xishoodaan inay ilmaha ku naas-nuujiyaan meel dad badani joogaan, waxa haddana jira meelo aad ku naas-jin kartid ilmaha. Tusaale ahaan, Suuqyada laga dukaamaysto.

Waxa inta badan ay leeyihiin meelo gaar ah oo loogu talo galay Naas-nuujinta. Ama waxaad isticmaali kartaa sida buste ama garba-saar aad ku hagoogatid, si aad dadka isaga asturtid. Helitaanka meel nefis ah Waa mid aad xaq u leedahay, waana ka qayb naas-nuujintu nolol maalmeedka.

Waxaa jira meelo badan oo kaaga jawaabi kara su'aalaha ku saabsan naas-nuujinta, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Dhaqtarkaaga ama Ururka sharciga qaabilsan. Hayadaada maxalliga ah ee caafimaad ka bulshada ayaa iyana leh kalkaalooyin caafimaad, kuwaasi oo kugu caawin kara aqalkaaga ama telefoonka oo ay kuugu sheegi kara.

Naas-Nuujintu Waa caadi soo jireen ah oo dhaqan keena ah. Taas oo ah sharaf iyo maamuus u dhaxaysa Hooyada iyo ilmaha. Ilmahaagu Waa hibo qaali ah oo nolosha ah,marka aad naftaada daryeeshana. Ilmahaaguna waxa uu ku raaxaysanayaa caano caafimaad leh.

Isaga oo dhaqan keena iyo jiilkeenu ay la saanqaadeen hannanka Maraykanka.

Naas-nuujintu Waa qayb muhim ah oo kor loogu qaadayo caafimaad ka qoyska. Hanbalyo, ilmaha cusub ee Qoyska ku soo biiray. Waad ku mahadsan tihiin daawashada barnaamijkan.

 

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.