Hibergilisiimiya
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Hibergilisiimiya

English: Hyperglycemia or high blood glucose

Hibergilisiimiya macnaheedu waxa weeye gulukoosta dhiiggaaga ayaa ka sareysa tirada hadaf kuu ah waxana aad u baahan tahay inaad talaabo qaadid si aad hoos ugu celisid.

Tirooyinka hadafka gulukoosta dhiiggaagu waa: 
Marka aad sooman tahay: ______________________________ 
2 saacadood ka dib cuntada: ____________________________ 
Wakhtiga jiifka: _______________________________________

Sababaha

  • cunto badan oo aad cuntid
  • adiga oo aan qaadan kiniinka sonkorowga ama insulin kugu filan
  • firfircoonida jidhka oo aan kugu filnayn
  • cudur
  • caabuq
  • giigsanaan jidh ama caadifadeed

Astaamaha

  • haraad soo kordhay
  • kaadidaada oo intii hore ka tiro badan
  • tamarta oo intii hore ka yar
  • aragga indhaha oo isku darsan
  • gaajo ku hays

Daweynta

  • Raac maalin kasta qorshahaaga cuntada iyo firfircoonida.
  • Cabbir heerka gulukoosta dhiiggaaga.
  • Kaadidaada ka baadh ketones haddii loogu taliyay.
  • La soco calaamadaha jirada ama caabuqidda.

Wac dhakhtarkaaga ama barahaaga sonkorowga haddii gulukoosta dhiiggaagu uu ka badan yahay 250 mg/dL mudo ah laba ama saddex maalmood oo isku xiga. Waxa laga yaabaa inaad u baahan tahay isbeddel lagu sameeyo daweyntaada.

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, La Noolaanshaha Sonkorowga, dia-somali-ah-23909 (For an English version, see Living with Diabetes, dia-ah-23911.)
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 09/15/2016