Dawooyin
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Dawooyin

Dadka qaarkood qaba sonkorow waxay u baahan yihiin inay qaataan kiniin ka gargaara xadeynta heerarka gulukoosta dhiigga. Bixiyahaaga daryeel caafimaad ayaa go' aamin doonaa kininka sida fiican kuugu caawinaya.

Kiniin

English: Diabetes pills

Kiniinka sonkorowgu ma aha insulin. Waxa uu jidhkaaga ka gargaaraa inuu sameeyo insulin intii hore ka badan ama in jidhkaagu insulinta u isticmaalo si ka sii fiican sidii hore. Waxa jira noocyo kala duwan oo ah kiniinka sonkorowga. Waxa caam ah in la qaato wax ka badan hal nooc.

Dawadaadu waa: ______________________________________

Waa inaad qaadatid: ___________________________________

Waxay ka hawlgashaa jidhkaaga si: _____________________

Saameynayada waxyeelada ah ee suurogalka ah ama digniinta: ____________________________________________

Insulin (lagu isku duro)

English: Taking insulin

Insulin waa hormoon uu sameeyo ganacu. Haddii ganacuaanuu sameynin insulin ama insulin aan ku filnayn jidhka,waxa laga yaabaa in bixiyahaaga daryeel caafimaad damcoinaad qaadatid duris (irbado) ah insulin. Ma aha wax aancaadi ahayn in la qaato wax ka badan hal nooc oo ah insulin.

Nooca(yada) insulintaada: ______________________________

Wakhtiga aad qaadanaysid: _____________________________

Qaddarka qaadashada: _________________________________

Waxa la sameeyo haddii aad ilowdid: ____________________

 

Talooyin insulin

  • Wakhtiga durista insulinta iyo cuntooyinka ayaa muhiim u ah xadeynta heerarka gulukoosta dhiiggaaga. Weydi bixiyahaaga daryeel caafimaad ama baraha sonkorowga inuu dib kuula fiiriyo qorshahaaga shakhsi.
  • Qaado insulintaada maalin kasta, xiitaa haddii aad dareensan tahay inaad jirran tahay.
  • Ha beddelin qaddarka insulinta aad qaadatid adiga oo aan la hadlin bixiyahaaga daryeel caafimaad am barahaaga sonkorowga iyada oo laguu tababaray inaad sidaas sameysid mooyaane.
  • Weydii bixiyahaaga daryeel caafimaad ama baraha sonkorowga sida ammaan leh ee looga takhalus waxyaabaha duris leh (irbado, siringeyaal iyo middiyo yaryar).

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.

Source: Allina Health's Patient Education Department, Kaansarka Mindhicirka iyo Malawadka, can-somali-ah-15433 (1/21)
First Published: 01/15/2015
Last Reviewed: 06/29/2022