Macluumaad caafimaad
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health
Ballan sameyso

Wac rugtaada caafimaad oo balan ka qabso. Rugtaada caafimaad ayaa tilmaameysa in turjubaan loo baahan yahey.

Raadi rug caafimaad oo magaaladaada ku taala.

Macluumaad caafimaad

Waxaa mihiim ah inaad caafimaadkaaga afkaaga/luqadaada ku baratid. Waana sababtaas waxa ay Allina Health u soo bandhigeyso akhbaar khuseysa caafimaadka oo af Somali ku qoran.

thumb diabetes adv insulin web

Sonkorowga

La noolanshaha sonkorowga waa halgan. Waxaad tahey xubin mihiim ah oo daryeelka caafimaadkaaga marka ay timaado maaraynta sonkorowgaaga.

Baro sonkorowgaaga iyo sidaad u maareyn laheyd.

thumb mediterranean diet

Kaansarka mindhicirka iyo malawadka

Kaansarka mindhicirka iyo malawadka (colorectal cancer) waa kaansar ka bilaabma mindhicirka ama malawadka. Waxay tahay sababta ugu weyn ee keenta geeri kaansar oo ku dhacda ragga iyo haweenka gud aha Maraykanka, inkasta oo xaqiiqo ahaan ay ka mid tahay noocyada kaansar ee laga hortagi karo inta ugu badan.

Baro kaansar midhir/malawadka iyo sidaad u maareyn laheyd.

thumb pregnancy 457221529 214x192

Uurka iyo dhalmada

Waxaad u baahan tahay oo aad ku heli kartid uur caafimaad qaba waxaa ka mid ah macluumaad ku saabsan tijaabooyin caafimad oo khaas ah iyo xaalado.

Waxaana kula wadaagnaa waxyaabaha la filayo inta lagu guda jiro (foosha) iyo dhalmada kadib.

Baro uurka iyo dhalmada.

thumb 18 march 2015 heal 214x192

Dhalaanka iyo caafimaadka qoyska

Marka lagu daro talo ku saabsan quudinta iyo daryeelka ilmahaaga, waxa kale aan kula wadaagno waa sida loo daryeelo loo na ammaan dhowro qoyska dhan. 

Baro sida loo daryeelo qoyskaaga.

male

Fahanka xanuunka dhabarka xaggiisa hoose

Ka fiirshada ikhtiyaaradaada ku saabsan xanuunka dhabarka hoose
Is-daryeelka, Duugduugista (Chiropractic), Cilaajka Jidhka (Physical Therapy) iyo Irbadaha Shiina (Acupuncture)

Akhbaarta meeshaan uqoran waxaa loogu talagaley inay taageerto, maha iney bedasho xiriirka ka dhexeeyabukaanka iyo dhakhtarkiisa ama dhakhtarkeeda.