Gargaarka dhaqaale
Ma u baahan tahay caawimo?

Haddii aad u baahan tahay in lagaa gargaaro buuxinta codsiga waxa aad nagala soo xidhiidhi kartaa 612-262-5503.

Waxa aanu ku caawin karnaa iyada oo la isticmaalayo teleefonka ama waxa aynu dhigan doonaa ballan kulan oo ah xafiiskayaga shirkadda oo ku yaala 2925 Chicago Ave S, Minneapolis, MN 55407.

Waxa kale oo aad wakiil bukaan kula kulmi kartaa mid kasta oo ka mid ah cisbitaaladayada ama xarumahayaga caafimaadka. 

a group of diverse people represent the many kinds of people Allina Health financial assistance services can help
Weydiiso turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan caafimaad oo lacag la'aan ah. Fadlan farta ku fiiq luqadaada. Turjubaan caafimaad baa laguugu yeerayaa ee sug.
Shuruucda Allina Health

Gargaarka dhaqaale

Barnaamijka Daryeelka Allina Partners Care

Barnaamijka Daryeelka Allina Partners Care wuxu u furan yahay bukaanka ku nool gudaha aagga ayka adeegto Allina Health gudaha Minnesota iyo Wisconsin. Waa in dakhligaaga sannadkii uu yahayama ka hooseeyo boqolkiiba 275 heerka fakhriga ee federalka. Xadka maal ah kaash ama noqonkaraa kaash waa $20,000.

Haddii ay kuu banaan tahay, Allina Health waxay tirtiri doontaa baaqigaaga ka hadhsan adeegyadacaafimaad ahaan lagama-maarmaanka ah. Adeegyada aanay Allina Health soo dalacinkharashkooda ma dabbirayo barnaamijkani ama kuma jiraan.

Sida loo codsado

Codsiga waxa lagugu weydiinayaa: tirada qoyska, shaqo, dakhli, maal, xisaabo bangi, iyo dabbiridda caymis ee hadda. Waxa aad u baahan doontaa inaad keentid dukumentiyo taageero ah. Haddii aanad haysan caymis, waxa laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad codsatid Medical Assistance, Minnesota Care/BadgerCare ama aad caymis ka iibsatid suuqa daryeelka caafimaadka (health exchange) ka hor inta aan barnaamijkani kuu banaanaan. Haddii lagu aqbalo, waxa uu kuu banaanaan karaa illaa 12 bilood laga bilaabo taariikhda aqballaada. 

Codsiga Gargaarka Dhaqaale: Daryeelka Allina Partners Care

Codsiga oo dhameystiran iskaanka soo mari kadibna email ku soo dir AllinaPartnersCare@allina.com ama ku so dir fakiska 612-262-3625 ama boostada ugu soo dir Allina Health Partners Care, PO BOX 43, MR 10209, Minneapolis, MN 55440-0043.

CADEYNTA HABDHAQANKA: Daryeelka Allina Partners Care